Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Isbedellada nololeed ee barakacayaasha Doolow kadib sannado badan oo barakacnimo

Radio Ergo by Radio Ergo
September 10, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Isbedellada nololeed ee barakacayaasha Doolow kadib sannado badan oo barakacnimo

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Isbedello dhinaca nolosha ah ayaa ku yimi in badan oo ka mid ah qoysaskii sannado ka hor barakaca ku tegay degmada ku taal xuuduudda ee Doolow. Isbedelladan oo ah in qaarkood sameeyeen horumar dhinaca nolosha ah waxaa ugu wacan barakacayaasha oo ka faa’iidaystay fursado ganacsi iyo hal abuuro ay ka miro-dhaliyeen, si ay isaga filnaandaan ku tiirsanaanta hay’adaha gargaarka ee taageera barakacayaasha.

Lakaay Sheekh Cabdiraxmaan oo ah hooyo 43 jir ah waxay Doolow ku korisaa saggaal carruur ah, iyadoo siddeed sano ka hor markii ay barakac ku tagtay halkaas ka bilawday shaqo ah in ay xaabada ka soo gurto duurka ku dhow degmada, wakhtigaas qoyskeeda xataa waa ku adkayd in ay helaan wax ay karsadaan. Iminka waxay Lakaay iibisaa khudaarta jumlada oo looga keeno meelo kala duwan, waxayna leedahay bakhaar ay ku tiirsan yihiin ilaa 32 kale oo haween ah oo iyada ka hela qudaartii ay tafaariiq ahaan suuqa ugu sii iibin lahaayeen maalin walba.

“Kow moos la gadaayo oo la wareejinaayo Doolow Soomaaliya anaa bilaabay, ka bacdi al-xamdulilaahi hada qudaarta jumlada ah ayaa iisoo dagto”

Heerka ganacsi ee ay xilligan joogto waxay ku soo gaartay marxalado kala duwan iyo nolol adag oo ay ku soo martay xerada barakaca ee ay ku jirtay mudada dheer, iyadoo xoogaa lacag ah ka dhigi jirtay wixii ka soo gala shaqadii ugu horraysay ee ay Doolow ka qabato intaysan ku biirin suuqa qudaarta, taas oo ahayd xaabada oo ay u iib-geyn jirtay dhinaca Doolow Itoobiya, waxaana markaas hadafkeedu ahaa in ay maarayso uun nolol maalka carruurteeda oo iyada ku tiirsanaa, marka laga yimaado taagerada hay’adaha gargaarka ee aan joogtada ahayn.

Lakaay waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in abaar ku heshay miyiga Diinsoor oo ka tirsan gobolka Baay ay ka dishay 40 neef oo lo’a sannadkii 2012, sidaasna ay ku dooratay nolosha barakaca ee ay ku gashay magaaladan xadka ku taala ee Doolow ee gobolka Gedo oo aad uga fog halka ay ka soo carartay. Laakay oo carruurtu wax uga bartaan iskuulo xerada ku dhexyaal oo bilaash waxay xilligan xoogga saartaa oo keliya in ay ganacsigeeda sii ballaariso iyo in ay qoyskeeda u dhisto hoy rasmi ah oo ay kaga baxaan barakacnimada.

In ku dhow 10,000 qoys ayaa deggan xeryaha barakacayaasha Doolow, dhalinyaro badan oo maanta qayb ka ah isbedelka horumarineed ayaana xeryahaas tegay sannado ka hor iyaga oo carruur ah.

Maxamuud Cabdi Maxamed oo bartay dhaqaalaha kuna sugan Doolow ayaa u arka dadka tirada badan ee barakaca ku yimi magaalada in ay saamayn wanaagsan ku yeesheen hab-nololeedka guud bulshada iyo xataa ganacsiga Doolow iyagoo ku milmay suuqyada waa weyn. Wuxuu tusaale u soo qaatay meelaha ay barakacayaasha deggan yihiin oo hadda u muuqda in ay ka dhex furmeen suuqyo waa weyn oo ganacsiga ka socda uuba ka xiiso badan yahay kan magaalada.

“Xeryaha marka aad fiirisid jimlooyinka, qudaarta, gaariyaasha socda marka aad fiirisid ood dhex-qaadid magaaladaan waxaad is dhahaysaa show magaaladii weynayd waaye waxa saan u soo guuray”

Cabdiqaadir Aadan Cali oo 27 jir ah waxaa isaga iyo qoyskiisa oo ka kooban lix qof ay lix sano ka hor ka soo barakeceen dhibaato ka dhalatay abaaraha Bardaale oo ka tirsan gobolka Baay, wuxuu xilligan magaalada ka furtay dukaan lagu iibiyo dharka iyo kabaha jumlada iyo tafaariiqda ah oo uu si adag u maalgeliyay labadii sano ee ugu dambeeyay, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inuu mudo dheer ka shaqaynayay makhaayad yar oo iibisa saanbuuska oo uu ka heli jiray $2.5, wixii uu halkaas ka aruursadayna uu ku bilaabay ganacsigiisan gaamuray.

“Ganacsi khaas ii ah baan bilaabey al-xamdulilaah meel yaraan ka soo bilaabey hadana waxaa uu ii maraaya meel dheer”

Laba kale oo dhalinyaro oo qoysaskoodu barakac ku yimaadeen ayaa iminka ka shaqeeya carwadda Cabdulqaadir oo hadda bedelay noloshiisii. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay inuu si weyn u taageero qoyskooda isla markaasna uu reer dhistay.

Dhalinyarada barakaca ahaa ee iminka ka dhex muuqda suuqyada Doolow, qaarkood waxay ka faa’iidaysteen fursado waxbarashada farsamada gacanta ah oo ay noloshooda ku bedeleen, sida Guuleed Shaafici Maxamuud 24 jir ah, waxaa isaga iyo qoyskiisuba ku nool yihiin kaamka barakac ee Bulukeetiga ee degmada Doolow, halkaas oo ay siddeed sano ka hor galeen, laakiin wuxuu isagu sannadkii u dambeeyay oo dhan ku mashquulsanaa dukaan lagu farsameeyo mobillada oo uu hirgeliyay, kaas oo uu hadda ku soo kordhiyay qayb mobillada lagu iibiyo.

Waa halka uu doonayo in uu wax kaga bedelo nolosha barakaca mudada dheer ee qoyskiisa. “Moobillada kala duwan waan soo bartay sida loo cillad-bixiyo, heerkaasna hadda waxaan kusoo gaaray farsamadii la I soo baray”

Previous Post

Qoysas barakac ah oo musqulo yari ku haysato xeryo ku yaalla Dayniile

Next Post

Hargaysa: Gabdho laga bixinayo waxbarashada jaamacadaha iyo iskuullada

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Puntland: Hab cusub oo lagu ogaanayo shaqooyinka cusub

Hargaysa: Gabdho laga bixinayo waxbarashada jaamacadaha iyo iskuullada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-MAY-2025

IDAACADDA 14-MAY-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-MAY-2025
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo