Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beledweyne: Muruq-maalkii fatahaadu saamaysay oo loo qaybiyay cunto iyo biyo

Radio Ergo by Radio Ergo
June 3, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Beledweyne: Muruq-maalkii fatahaadu saamaysay oo loo qaybiyay cunto iyo biyo

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dhallinyaro is-abaabulay ayaa qoysas gaaraya ilaa 222 waxay toddobaabdkii la soo dhaafay u qaybiyeen cunto, iyagoo 150 ka mid ah qoysaskaas u sameeyay biyo-dhaamis. Dhallinyaradan oo xoogga saaraysay dadka sida aadka ah u nugul ayaa waxay taageero ka heleen ganacsatada magaalada oo ay ka soo ururiyeen dhaqaale iyo raashin, sidaas si la mid ahna waxay kaalmo lacag ah ka heleen qurba-joogta deegaanka.

Dadkan ay fatahaaddu barakicisay oo awalba barakacayaal ku tiirsanaa shaqooyinka marhelka ah ayaanan iminka wax shaqo ah hayn dhaqaalena soo gelin iyadoo ay ugu wacan tahay magaaladii oo ay biyuhu fadhiyaan. Cabdicasiis Maxamuud Muudde oo u ah guddoomiye dhallinyarada is-xilqaantay ayaa wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in ay dhaqaale heleen kaddib markii dadka oo dhan ugu baaqeen in qoysaskan lala soo gaaro biyo, raashin iyo meel ay ka galaan qorraxda.

“Muqaal ayaan dadkii ka duubnay, sawirro ayaan ka qaadnay kaddib waxaan dhignay baraha bulshada, markiiba qurba-joogta waa ka soo jawaabeen, wayna ka soo fal-ciliyeen”

Qoysaska gurmadka helay ayaa markii hore barakac ku ahaa xeryo afar ah oo ku yaal xaafadaha Kooshin iyo Xaawo-taako ee Beledweyne, ahna meelaha ugu daran ee webigu ku fatahay.

Xasan Faarax Cumar oo ah aabbe 12 carruur ah, wuxuu degganaa Ceel-jaalle muddo lix iyo toban cisho ah, wuxuu ka mid yahay dadka ka faa`iidaystay gurmadkan. Xasan wuxuu sheegay in dhibaatada ugu wayn ee ay qabeen ay ahaayd biyaha, taasoo ay maalin walba xaaskiisa iyo carruurtiisu ka doonan jireen meel biya-baxdu soo gaarto, biyahaasoon weliba ahayn kuwo nadiif ah.

“Aniga oo yaabban ayaa nimankaas walaalaheyna noo keeneen booyadda biyaha, raashinka, burka, bariiska, sokorta iyo saliida, intaas mooye cid wax kale na siisay ma jirto”

Fatahaadda ka hor wuxuu Xasan nolosha reerkiisa ku maareeyn jiray shaqooyinka dhismaha guryaha lakiin muddadii uu joogay Ceel-jaalle wax shaqo ah muusan qaban iyadoo ayan jirin dad waqtigan guryo dhisanaya, taasoo aad u sii adkaysay duruufta nolosha reerkiisa.

Guddoomiyaha dhallinyarada ee horkacaya hawshan wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in raashinka ay qoyskiiba u qoondeeyeen uu ku kacay lacag ah $39, iyagoo qoyskiiba ugu talagalay hal fuusto oo biyo ah maalintii muddo shan cisha ah. Waxaa kaloo uu sheegay inay daryeel gaar ah ugu talageeln dadka waayeelka ah iyo carruurta agoonta ah, taasoo ay u sahleen inay tiradooda helaan odayaasha dadka halkan ku soo barakacay.

Cabdicasiis wuxuu intaas ku daray in sidoo kale ay aagga dadkan deggan yihiin ka qodeen afar musqul oo ku meel-gaar ah, si ay uga bedgalaan cudurrada ka dhalan kara nadaafaddarida.

Raashinka la qaybiyay ma ahayn mid ku filan dadka halkaas ku soo barkacay, sidaas darteed ayay qoysaska qaarkood dhaqso uga dhamaadeen raashinkii loo qoondeeyay in ay ku quutaan muddo shan maalmood ah. Faadumo Cabdi Cali oo ah Hooyo haysta siddeed carruur ah ayaa u fasirtay Raadiyo Ergo sababta uu dhaqso uga dhamaaday raashinkeedii, waxayna sheegtay in ay la qaybsadeen dad kale oo la daris ah iyo kuwo ay ehel yihiin oo aanan helin wax qoonda ah.

“Wixii la xoogsado ayaa laysla cunaayey, wixii waa iska dhamaaden, hadda wax la’aanta aad ayay u jirtaa, wixii Allah noo soo dhiibo ayaan carruurteenna siinna haba iska yaraadaan”

Previous Post

Beeralayda Shabeellada dhexe oo ku khasaaray dallagyadii webigu ku fatahay

Next Post

Joojinta duulimaadyada oo saameysay dadkii ka shaqeynayay shirkadaha tigidhada jara

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Next Post
Joojinta duulimaadyada oo saameysay dadkii ka shaqeynayay shirkadaha tigidhada jara

Joojinta duulimaadyada oo saameysay dadkii ka shaqeynayay shirkadaha tigidhada jara

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-SEP-2026

IDAACADDA 04-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-SEP-2026
September 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-SEP-2026
September 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo