Radio Ergo
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English
No Result
View All Result
Radio Ergo

Beeralayda Shabeellada dhexe oo ku khasaaray dallagyadii webigu ku fatahay

Radio Ergo by Radio Ergo
May 27, 2020
in Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Beeralayda Shabeellada dhexe oo ku khasaaray dallagyadii webigu ku fatahay

Beeralaydii Tuugaarreey oo barakacay/Maryama Sheikh/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ku dhawaad 20,000 oo hegtar oo ay ku beernaayeen dallagyo kala duwan ayaa ku baaba’ay fatahaadda webiga Shabeelle bishii ugu dambaysay oo keliya. Biyaha ayaa galay beero badan oo ku yiilay 21 tuulo oo hoos yimaada degmooyinka Mahaddaay, Balcad iyo Jawhar, sida ay Raadiyo Ergo u xaqiijisay wasaaradda beeraha ee Dawlad-goboleedka Hir-shabeelle.

Deeganadaas waxaa ku noolaa beeralay yar-yar oo badankood beeraha ka raadiya wax aan sidaas u sii dhaafsiisnayn nolol maalmeedka, halka qaar badanina ay ku noolaayeen cunto iyo adeegyo dayn ah oo ay qorshaynayeen in ay iska bixiyaan marka dallagyadu u soo go’aan, sida Ibraamim Maxamed Xuseen oo ka mid ah beeraleeyda deggan tuulada Baaro-weyne oo ay beerahooda biyuhu galeen.

”Hadda waxaan dayn ku soo qaadanno ma haysano, annagii baa gaajaysan, annigii baa rafaadsan, tacab aan meel ku og nahay ma leh, Muslimkiina weji aan ugu tagno ma haysano, kaydkeennii horena waa dhamaaday hadda waxaan u baahnayn wax gacanta naga qabta”

Dodca kale, fatahaadda ayaa wax yeeshay jidadkii ay baabuurtu u soo mari jireen tuulooyinka, wuxuuna sheegay Ibraahim in marka ay rabaan in ay magaalada Jawhar u soo safraan dadka deggan Baaroo-weyne ay soo maraan waddo qardo-jeex ah oo ku qaadata waqti ka dheer sii socod iyo soo noqodba intii hore.

Xaliimo Maxamed Cabdullahi iyo qoyskeeda oo ka kooban 11 qof waxay noloshoodu ku tiirsanayd beer ay biyuhu galeen oo ku oollayd tuulada Tuugaarreey oo 20 km dhinaca bari ka xigta Jowhar, waxay Raadiyo Ergo uga sheekeysay wixii ka qabsaday fartahaadda.

“Beerahaa buun laga yeeriyay markaas baa la soo kala orday oo la yiri buunkaan yeeraya maxaa waaye macnihiisa, aniga waan naxay ilmahaan ka naxay dad deriska joogay baa noo bixiyay ilamaha waan ka maqnaa” ayay tiri Xaliima

Xaliimo waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in biyuhu ka khasaariyeen beer afar hektar ah oo ay ugu beernaayeen Galleey, sisin, digir iyo qudrad kala duwan,  waxaa sidoo kale biyuhu dumiyeen qolal carshaan ah oo u dhisnaa.

Madiino Daa’ud Nuur oo ah hooyo shan carruur ah leh ayaa la mid ah iyana; waxay biyuhu beerteeda galeen xilli habeen ah, waxayna kala tageen dhammaan dalaggii u beernaa oo u badnaa yaanyo, bocor iyo sisin.

“Biyaha haddaysan na soo gelin waxaan ku tashanaynay dallaggaas beerta noogu yaallay intay nooga soo go’ayso in ciddii macruuf noo ah aan wax ka soo qaadanno, oo sidaas markaan ku ciidaysanno aan kharashkiisa u celinno iyo shidaalka makiinka wax walba” ayay tiri Madiino

Wasiirka beeraha iyo Waraabka dawlad-goboleedka Hir-shabeelle Cali Xaaji ayaa sheegay in fatahaadda tuulooyinkan ku dhacday ay keentay kelliyada oo carro bacaad ah ka buuxsantay iyo biyo-xireenkii waynaa ee FAO oo ku yiilay aagga tuulada Mareerey oo Jowhar hoos timaada  oo isna geedo  xireen.

“Wax awood iyo dhaqaale aan isku daafaceeyno ma lihin waxay nooga aaddan tahay xaqiiqdii waa qeeylo dhaan dadkeenna kii dibadda jira ee ka soo jeeda Hirshabeelee sida ganacsatada, beeraleeyda  in ay dadka isku tashtaan“ ayuu yiri wasiirku.

Ciise Aadan oo ah guddoomiye ku-xigeenka tuulada Buur-fuule ee ku dhow Mahaddaay, wuxuu ka mid yahay beeralayda, waa aabbe 56 jir ah oo leh saddex xaas iyo 24 carruur ah. Cali  oo ah mas`uulka tuuladaas ayaa haddana waxaa u dheer qoyskiisa oo ka mid ah qoysaska ugu ballaaran deegaanka ee uu isagu maamulo iyagoo inta badan ku tiirsan beeraaha.

“Kuwa qaan-gaaray waa jiraan, kulli waan isla joognaa iyaga iyo carruurtooda iyo xaasaskooda, beerana waxaa iga go’ay shan beer oo ku tiilay gallay iyo digir, guryahana waa lix qol” ayuu yiri Cali isagoo ka sheekeynayaa xaaladda qoyskiisa ballaaran iyo carruurtiisa iyo sida ay fatahaaddu u saameysay.

Previous Post

Galgaduud: Haween la siiyay qaboojiyeyaal kordhiyay dakhliga ganacsigooda caanaha

Next Post

Beledweyne: Muruq-maalkii fatahaadu saamaysay oo loo qaybiyay cunto iyo biyo

Related Posts

Balcad: Beeraley hadda ka soo kabanaya fatahaad dhacday sanadkii hore
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas barakac ah oo beero ka shaqeeya si ay u helaan nolol maalmeedka qoysaskooda

May 19, 2022
Somalia live news, Somali live news, Radio Ergo news
Wararkii u Danbeeyay

Caabudwaaq: Qoysas dantu bidday barakacnimo oo ku dhiban helidda quud maalmeedka

May 17, 2022
Food delivery
Wararkii u Danbeeyay

Muqdisho: Dhallinyaro loo gaday mootooyin oo qoysaskooda ka caawinaya helidda nolol maalmeedka

May 16, 2022
BARNAAMIJKA TACAB
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda gobolka Hiiraan oo quus ka taagan tacbashada beerahooda

May 13, 2022
Houses in Somalia
Wararkii u Danbeeyay

Berbera: Qoysas lagu taageeray hoy iyo dhul oo ka baxaya nolosha barakacnimada

May 12, 2022
Biyo, Somalia
Wararkii u Danbeeyay

Gaalkacyo: Kumannaan qoys oo biyaha ka cabaya tubbooyin loo geliyay xeryaha ay deggan yihiin

May 11, 2022
Next Post
Beledweyne: Muruq-maalkii fatahaadu saamaysay oo loo qaybiyay cunto iyo biyo

Beledweyne: Muruq-maalkii fatahaadu saamaysay oo loo qaybiyay cunto iyo biyo

Jawaab ka bixi Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

Radio Ergo · Radio Ergo 2020
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

TWITTER

Tweets by RadioErgo
#4d8fcc

© Copyright 2014 - 2021 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • Somali
  • English

© Copyright 2014 - 2021 Radio Ergo