Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Haween la siiyay qaboojiyeyaal kordhiyay dakhliga ganacsigooda caanaha

Radio Ergo by Radio Ergo
May 23, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Galgaduud: Haween la siiyay qaboojiyeyaal kordhiyay dakhliga ganacsigooda caanaha

Sawir/Sahro oo ka mid ah haweenka/Jibriil Cismaan/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Afar iyo labaatan haween ah oo ku nool magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusomareeb ayaa hay’adda horumarinta nabadda iyo dimuquraaddiyadda ee CPD-Africa ka taageertay qaboojiyeyaal ku shaqeeya qalabka tamarta qorraxda ka dhaliya ee soolarka.

Sahra Maxamed Axmed oo ka mid ah haweenkan waxay ka ganacsiga caanaha ku soo jirtay muddo saddex iyo toban sano ah iyadoo nolol-maalmeedka uga raadisa carruurteeda oo siddeed ah. Markii ugu horreysay ayay heshay qaboojiye ka caawiya in aysan ka hallaabin caanaha ay iibiso.

Sahra oo ku nool Cadaado waxa ay markii hore khasaaro lacageed kala kulmi jirtay caanaha iyadoo aanan haysanin meel ay ku xafiddo si ayan uga hallaabi.

Hooyadan danyarta ah oo heshay qaboojiye bilowgii bishan May ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in qaboojiyahan uu ka caawiyay muddadii koobnayd ee ay haystay inay dhaqaalo fiican ka samayso ganacsigeeda.

“Caano nagama hallaabaan, marka ay noo gadmi waayaan tallaagaddaan ku guranayna waxaan la soobaxayna subixii sidoodii iyaga oo ah oo dhaydii ah baan gadanayna haddana, awalna waxaa nagu dhici jirtay inta ay dhanaan noqdaan oo hallaabaan nalaka gadan waayo halkaas khasaaro naga soo gaarto,”

Sahara waxay caanaha ka iibsataa dadka xoolaha leh ee magaalada keena, dabadeedna ay iyaduna sii iibiso iyadoo ka dooneysa faa`iido. Waxa ay xustay in maalmaha qaar ee dhaqdhaqaaqa suuqu yar yahay ay khasaari jirtay wax ka badan $10.

Marka laga tago nolosha guriga waxay sidoo kale bixisaa waxbarashada carruurteeda, hase ahaatee marmarka ay ku adkaato bixinta lacagta waxbarashadooda ay ehelkeeda la kaashan jirtay si ay u caawiyaan, haddase waxa ay ku rajo wayn tahay in ay iyadu si wanaagsan u dabbarto haddii sidaan xaalku ku sii socdo, waxayna hadda bil walba ku bixisaa waxbarashada carruurteed $120.

Daa’uud Bahsaar Maxamed waa madaxa mashaariicda hay’adda CPD wuxuuna raadiyo Ergo uga warramay dhibaatooyinka ay haweenkan ku qabeen ganacsigooda islamarkaana ay dareemeen in laga taageero sidii ay u badbaadin lahaayeen caanaaha had iyo jeer ka khasaara.

“Markii aan siinnay qaboojiyaha iyo soollarka waxaa dhacday in caano ka badan intii markii hore ay gadi jireen ay kaydsadaan oo ay gataan, halkii qaboojiye oo soolar isticmaalaya wuxuu qaada 390 litir oo caano ah,” ayuu yiri Daa’uud.

Waxaa kaloo uu Daa`uud tilmaamay qaabka ay ku soo xushaan haweenka ka ganacsada caanaha wuxuu sheegay iney laba arrimood ku shardiyaan, iney ka tirsan tahay deegaanka oo ah halka uu mashruucu ka socdo iyo in qofka la siinayo uu yahay qof dumar ah oo danyar, loona qiray inuu mehnaddan sii wadi karo.

Sucaad Miro Nuur oo ah hooyada qoys sagaal qof ah, waxa ay kamid tahay haweenka ka faa’iideystay mashruucaan qaboojiyaha lagu siiyay, waxay ku nooshahay magaalada Dhuusomareeb halkaas oo ay ku iibso caanaha.

Inta aysan helin qaboojiyaha waxay qarka u fuushay in ay joojiso ka ganacsiga caanaha, kaddib markii ay kala kulantay khasaarooyin. Waxayse hadda sheegtay in ay hadda hesho faa`iido u dhiganta intii ay khasaari jirtay, rajadeediina ay soo noqotay.

“Jaawaannada baradhada lagu keeno oo dunta ah ayaan inta qooyo ayaan jirgaannada caanaha ku toli jirnay iyagaasaan biyo ku rushayn jirnay, ayaan caanaha la dhigi jirnay, salka biyaan u galin jirnay.”

Sucaad oo intaasoo dhan u mari jirtay bal iney caanuhu qabow helaan si ay u badbaadaan haddana taasi waxba kama celin jirin oo ma badbaadin jirin caanaheeda, haddase taas meesha way ka baxday oo waxay heshay qaboojiye ay u isticmaasho xannaadada iyo bed-dhawrista caanaheeda.

Previous Post

Xoolo-dhaaqatada iyo beeraleyda oo biyo-yarida uga maarmaya biyo qabatinno ay Soomaliland hirgelisay

Next Post

Beeralayda Shabeellada dhexe oo ku khasaaray dallagyadii webigu ku fatahay

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Beeralayda Shabeellada dhexe oo ku khasaaray dallagyadii webigu ku fatahay

Beeralayda Shabeellada dhexe oo ku khasaaray dallagyadii webigu ku fatahay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-May-2026

IDAACADDA 09-May-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-May-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo