Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Xoolo-dhaaqatada iyo beeraleyda oo biyo-yarida uga maarmaya biyo qabatinno ay Soomaliland hirgelisay

Radio Ergo by Radio Ergo
May 22, 2020
in Arrimaha Bulshada, Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Cunto-yaraan ay keentay abaarta oo ka taagan gobolka Gedo
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa ka hirgelisay laba iyo soddon dhaam deegaannada Qoolcaday, Sallaxley, Baligubadle, Gubmburaha, Balicabane, Go’da weyn, Xaaxi iyo Duruqsi, kuwaasoo ay xoolo dhaqatadu u isticmaalayaan cabista xoolaha, waraabka beeraha iyo adeegyada nolosha ee asaasiga ah. Dadka ku nool deegaannada ayaa sanad walba uga hayaami jiray tuullooyinkooda biyo la’aan, iyagoo u socdaali jiray meel u jirta  200 km.

Muxumed Qalinle Aadan oo ku nool baadiyaha Sallaxley oo 80 km koonfur Hargeysa kaga beegan waxaa uu sheegay in aanu sanadkan ka werwersanayn biyo la’aan uu uga hayaamo tuulladiisa. Waxaa uu xusay in dhaam weyn oo bishii 11 sanadkii 2019 laga hirgaliyay ay ka buuxsameen biyaha roobka Gu’ga oo si wacan uga curtay deegaankiisa.

Ninkan oo leh tiro iyo labataan neef oo ari ah iyo soddon neef oo geel ah ayaa tilmaamay in sanadkiiba marka uu ugu yaraado hal mar uu xoolihiisa la guuri jiray si ay biyo u helaan haseyeeshee uu hadda laba iyo tobanka biloodba deegaankiisa ku sugnaan doono.

“Wuxuu ku kordhin karaa waxsoosaar, sida beeraha oo kale, inaan wax la soo baxno, xoolihii ayaa biyihii diihaalka ka raysta oo cabbaya, waa dhaam weyn mid go’aya maaha oo shamac ayaa la dhigay, xoolihii iyo dadkiiba way cabbayaan.”

2019 waxaa uu deegaankiisa oo uu biyo ka raadsaday uga maqnaa lix bilood, waxaa uu u hayaamay baadiyaha Dabagoriyaale oo ka tirsan degmada Daroor ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Waxaa uu u sii socday saddex habeen. Muxumed ayaa sheegay in socod dheer iyo xoolaha oo ka dhinta uu kala kulmi jiray hayaanka uu biyaha ku raadsan jiray, haddase waxay xoolihiisu si maalinle ah uga cabbaan dhaamka oo uu jira hal km oo keliya.

Hadda waxaa qorshaha ugu jira inuu sameeyo beer yar oo gurigiisa dhexdiisa ah si qoyskiisu ula soo baxaan dhanaanis ay raashinka ku darayaan iyagoo ka faa’ideysanaya biyaha deegaankooda laga kaydiyay.

Dhaamamkan waxaa loo sameeyay qaab casri ah oo aanay biyaha ciiddu cabi karin, waxaa la dhigay dhulka hoose shamac ama qarbad biyaha dhulka ka celinaya. Deegaannadan ilaha biyaha laga sameeyay ayaa ku yaalla dhul Hawd ah oo xoolo-dhaqato soddon kun ka badan ay ku nool yihiin sida uu raadiyo Ergo u sheegay Maxamed Aamiin Jibriil Afhayeenka Wasaaradda Biyaha Somaliland.

“Waqtigan waxaan ku jirnaa inaan ballaarinno ilaha biyaha, afar ceel oo nooca riigga ah ee dhaadheer oo 400 mitir ah ayaa la qodayaa, laba dhaam oo waaweyn oo midkiiba 83 kun oo mitir kuubik (meter Quebec) uu qaadayo gobollada Togdheer iyo Hargeysa, sababta aan u bilownay ayaa ah in riigagga dhibaatoodu noo timaado waqtiga jiilaalka.”

Wasaarada waxaa ka caawiyay dhismaha balliyadan haayadaha USAID, Danish refugee council iyo haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada ee FOA. Deegaannadan waxaa lagu doortay xoolo-dhaqatada oo markasta ka hayaami jiray iyo xoolaha oo harraad ugu dhiman jiray sida uu sheegay Maxamed Aamiin Jibriil afhayeenka wasaarada biyaha Somaliland.

Aamina Jaamac Cige oo ah hooyada lix caruur ah oo tiro ah ku dhaqata tuulada Balicabane oo Hargeysa u jirta 60 km ayaa xustay in biyuhu marka ay ka qalallaan baraagaha ay dhibaato ku qabtay inay carruurta u hesho waxay cunno iyo nadaafad ugu sameyso.

Waxaa ay sheegtay in roobka ay helayeen sanadkan iyo kii hore haseyeeshee ay labaatan neef uga l`edeen biyo la’aan ku heshay deegaankeeda abaar ku heshay 2017 bishii afraad, xoolaha inta uga soo hartay waqtigaasna waxaa ay ula hayaantay tuulada Allay-baday oo u jirta 75 km.

Previous Post

Puntland: Haween laga taageeray inay dib u furtaan ganacsigoodii oo ku burburay daadadkii Qardho

Next Post

Galgaduud: Haween la siiyay qaboojiyeyaal kordhiyay dakhliga ganacsigooda caanaha

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Galgaduud: Haween la siiyay qaboojiyeyaal kordhiyay dakhliga ganacsigooda caanaha

Galgaduud: Haween la siiyay qaboojiyeyaal kordhiyay dakhliga ganacsigooda caanaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-May-2026

IDAACADDA 09-May-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-May-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-MAY-2026
May 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-MAY-2026
May 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-MAY-2026
May 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo