Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Puntland: Haween laga taageeray inay dib u furtaan ganacsigoodii oo ku burburay daadadkii Qardho

Radio Ergo by Radio Ergo
May 22, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Deeqo Ciise Cali waa hooyada 5 caruur ah, ganacsigeeda oo ku salaysnaa iibinta dharka dumarku xirtaan ee loo yaqaanno baatiga ayaa ku burburay fatahaaddii ka dhalatay roobab xooggan oo Qardho ka da’ay 28kii bishii hore.

Labaatan beri kaddib waxay dib u bilowday ganacsigeeda kaddib markii ay lacag kaalmo ah oo 350 doollar ah ka heshay bangiga ganacsiga ee Amal kaasoo 70 haween ah oo ay ku jirto ka caawiyey inay ganacsigooda dib u yagleeshaan .

” Lacagta hadda la i siiyey waxaa ka badan khasaaraha jira waayo waxaan u soo adeegtey ciidda, dharkii aan doonayey inaan ciidda gado roobkii baa la tegey.”

Deeqo hadda waxay ku faraxsan tahay inay heshay lacag ay dib ugu bilaabato ganacsigeeda iyadoo rajeynaysa inay ka soo kabato khasaaraha soo gaarey . Waxay intaas ku dartay in weli uusan suuqu si fiican u furmin, tirada dadka wax gadanaysana ay aad u yar tahay oo dadka khasaaro ayaa soo gaarey, xawligii wax iibsashada ee suuqa wayn ee Qardhona uu hoos u dhacday.

” Amal bank waa ku mahadsan-yahay inshaa Allaah waan u hamblayaynayaa goor-walba waa na garab taagan yahay”

Hooyo Saytuun Maxamed Maxamuud waxay ka mid tahay dadka iyaguna barnaamijkaan ka faaidaysatay, waxay Radio Ergo u sheegtay in ganacsigeeda inta badan uu roobkii da’ay la tagay, haddana ay dayn kale dib ugu furtay, waxaana ay ka mid noqotay dadka Amal Bank ka helay lacagaha caawimadda ah.

” Ilaa lix gaari baa laga raray oo ah alaab qashin noqotay, wuxuu Ilaahay keenay weeye hadda Ilaahay uun baa loo cabanayaa war kale ma leh.” ayay tiri Saytuun oo cabbireysey dareenkeeda khasaaraha soo gaarey.

”Anigu kolay waxaan aaminsanahay qof kaloo isu taagay shacabkaan maba garan karo oo wax u qabtay, tiriibkii hore oo ay lacag na siiyeen, qaybna noo cafiyeen qaybna na dhaheen iska soo bixiya 300 oo dollar, wax fiican bay kuu qaban kartaa”.

Maamulka Bangiga Amal oo ah bangi ganacsi oo sameeya maalgelin-ganacsi oo faa’iido doon ah ayaa Radio Ergo u sheegay in haweenka laga caawiyey dib-u-soo-kabashada ganacsigooda ay yihiin 70 oo suuqa ku ganacsan-jiray, dhammaantoodna ay shirkadda Amal horay u siisay maal-gelin dayn ah oo dhamayd 500 doollar qofkiiba, taasoo ay si hafto ah ku bixin jireen. Waxaana maamulka Amal go’aansadeen in haweenkan ganacsigoodii loo soo celiyo si ay dayntii hore si hafto ah isaga bixiyaan, iyaguna noloshooda dib ula soo noqdaan.

Haweenkan la caawiyey ayaa 30 ka mid ah ganacsigoodu gebi ahaanba burburay halka 40 ka mid ah uu qayb ahaan u badbaadey ganacsigooda waxaana lacagaha la siiyey lagu saleeyey mid walba heerka khasaaraha ee gaarey iyadoo tan ugu badan la siiyey 400 oo doollar halka tan ugu yarna la siiyey $100 dollar, lacagaha guud ee arrintan ku baxday ayaa dhan 15 kun oo doollar sida uu Radio Ergo u sheegay Yuusuf Salaad Maxamuud oo ah maamulaha Bangiga Amal xaruntiisa magaalada Qardho.

Dabayaaqadii bishii Abriill daadadkii ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da`ay magaalada Qardho iyo agagaarkeeda ayaa sababay dhibaatooyin badan oo naf iyo maalba leh, iyadoo halkaasi ay ku dhinteen siddeed qof islamarkaasna saameyn ku yeeshay siddeed kun oo qoys , kuwaas oo 3500 ka mid ahi barakaceen, waxayna baabi`iyeen hanti u badan guryihii ay dadku degganaayeen iyo kuwii ganacsiga.

Previous Post

Muqdisho: Shaqooyinkii ay barakacayaashu nolosha ka debberan jireen oo gagaabsi noqday

Next Post

Xoolo-dhaaqatada iyo beeraleyda oo biyo-yarida uga maarmaya biyo qabatinno ay Soomaliland hirgelisay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Cunto-yaraan ay keentay abaarta oo ka taagan gobolka Gedo

Xoolo-dhaaqatada iyo beeraleyda oo biyo-yarida uga maarmaya biyo qabatinno ay Soomaliland hirgelisay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo