Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Puntland: Haween laga taageeray inay dib u furtaan ganacsigoodii oo ku burburay daadadkii Qardho

Radio Ergo by Radio Ergo
May 22, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Deeqo Ciise Cali waa hooyada 5 caruur ah, ganacsigeeda oo ku salaysnaa iibinta dharka dumarku xirtaan ee loo yaqaanno baatiga ayaa ku burburay fatahaaddii ka dhalatay roobab xooggan oo Qardho ka da’ay 28kii bishii hore.

Labaatan beri kaddib waxay dib u bilowday ganacsigeeda kaddib markii ay lacag kaalmo ah oo 350 doollar ah ka heshay bangiga ganacsiga ee Amal kaasoo 70 haween ah oo ay ku jirto ka caawiyey inay ganacsigooda dib u yagleeshaan .

” Lacagta hadda la i siiyey waxaa ka badan khasaaraha jira waayo waxaan u soo adeegtey ciidda, dharkii aan doonayey inaan ciidda gado roobkii baa la tegey.”

Deeqo hadda waxay ku faraxsan tahay inay heshay lacag ay dib ugu bilaabato ganacsigeeda iyadoo rajeynaysa inay ka soo kabato khasaaraha soo gaarey . Waxay intaas ku dartay in weli uusan suuqu si fiican u furmin, tirada dadka wax gadanaysana ay aad u yar tahay oo dadka khasaaro ayaa soo gaarey, xawligii wax iibsashada ee suuqa wayn ee Qardhona uu hoos u dhacday.

” Amal bank waa ku mahadsan-yahay inshaa Allaah waan u hamblayaynayaa goor-walba waa na garab taagan yahay”

Hooyo Saytuun Maxamed Maxamuud waxay ka mid tahay dadka iyaguna barnaamijkaan ka faaidaysatay, waxay Radio Ergo u sheegtay in ganacsigeeda inta badan uu roobkii da’ay la tagay, haddana ay dayn kale dib ugu furtay, waxaana ay ka mid noqotay dadka Amal Bank ka helay lacagaha caawimadda ah.

” Ilaa lix gaari baa laga raray oo ah alaab qashin noqotay, wuxuu Ilaahay keenay weeye hadda Ilaahay uun baa loo cabanayaa war kale ma leh.” ayay tiri Saytuun oo cabbireysey dareenkeeda khasaaraha soo gaarey.

”Anigu kolay waxaan aaminsanahay qof kaloo isu taagay shacabkaan maba garan karo oo wax u qabtay, tiriibkii hore oo ay lacag na siiyeen, qaybna noo cafiyeen qaybna na dhaheen iska soo bixiya 300 oo dollar, wax fiican bay kuu qaban kartaa”.

Maamulka Bangiga Amal oo ah bangi ganacsi oo sameeya maalgelin-ganacsi oo faa’iido doon ah ayaa Radio Ergo u sheegay in haweenka laga caawiyey dib-u-soo-kabashada ganacsigooda ay yihiin 70 oo suuqa ku ganacsan-jiray, dhammaantoodna ay shirkadda Amal horay u siisay maal-gelin dayn ah oo dhamayd 500 doollar qofkiiba, taasoo ay si hafto ah ku bixin jireen. Waxaana maamulka Amal go’aansadeen in haweenkan ganacsigoodii loo soo celiyo si ay dayntii hore si hafto ah isaga bixiyaan, iyaguna noloshooda dib ula soo noqdaan.

Haweenkan la caawiyey ayaa 30 ka mid ah ganacsigoodu gebi ahaanba burburay halka 40 ka mid ah uu qayb ahaan u badbaadey ganacsigooda waxaana lacagaha la siiyey lagu saleeyey mid walba heerka khasaaraha ee gaarey iyadoo tan ugu badan la siiyey 400 oo doollar halka tan ugu yarna la siiyey $100 dollar, lacagaha guud ee arrintan ku baxday ayaa dhan 15 kun oo doollar sida uu Radio Ergo u sheegay Yuusuf Salaad Maxamuud oo ah maamulaha Bangiga Amal xaruntiisa magaalada Qardho.

Dabayaaqadii bishii Abriill daadadkii ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da`ay magaalada Qardho iyo agagaarkeeda ayaa sababay dhibaatooyin badan oo naf iyo maalba leh, iyadoo halkaasi ay ku dhinteen siddeed qof islamarkaasna saameyn ku yeeshay siddeed kun oo qoys , kuwaas oo 3500 ka mid ahi barakaceen, waxayna baabi`iyeen hanti u badan guryihii ay dadku degganaayeen iyo kuwii ganacsiga.

Previous Post

Muqdisho: Shaqooyinkii ay barakacayaashu nolosha ka debberan jireen oo gagaabsi noqday

Next Post

Xoolo-dhaaqatada iyo beeraleyda oo biyo-yarida uga maarmaya biyo qabatinno ay Soomaliland hirgelisay

Related Posts

Xaalad quus ah oo haysata qoysas maciin-biday xeryaha degmada Afgooye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaalad quus ah oo haysata qoysas maciin-biday xeryaha degmada Afgooye

October 29, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo loo sameeyay qaliimo iyo daawayn qayb ka ah caymiska caafimaadka

October 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Wiil shaqada lows wareejin ah ku mutaystay maaraynta qoyskiisa iyo waxbarashadiisa

October 27, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ku xarooday Burco markii casharo xanuun badan ay ka barteen roob la’aanta

October 23, 2026
Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Rag qoysaskooda oo barakac ah ka saaray nolol xumo markii ay abuurteen fursado ganacsi

October 21, 2026
Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolaha u dhinta bacaha ay cunaan oo ku badanaya Guriceel iyo deegaano hoostaga

October 20, 2026
Next Post
Cunto-yaraan ay keentay abaarta oo ka taagan gobolka Gedo

Xoolo-dhaaqatada iyo beeraleyda oo biyo-yarida uga maarmaya biyo qabatinno ay Soomaliland hirgelisay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 31-OCT-2026

IDAACADDA 31-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 31-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-OCT-2026
October 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-OCT-2026
October 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-OCT-2026
October 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-OCT-2026
October 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-OCT-2026
October 27, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo