Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Shaqooyinkii ay barakacayaashu nolosha ka debberan jireen oo gagaabsi noqday

Radio Ergo by Radio Ergo
May 20, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Shaqooyinkii ay barakacayaashu nolosha ka debberan jireen oo gagaabsi noqday

Keydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Haweenka Barakacayaasha ee ku nool xeryaha magaalada Muqdisho ayaa xilligan wajahaya shaqo la’aan xooggan kaddib markii shaqooyinkii ay magaalada ugu bixi jireen ay wayeen tan iyo markii dalka uu ka bilowday xanuunka Koroona Fayruus.

Fursadaha shaqo ee ay heli jireen haweenka barakaca ah ayaa waxaa ka mid ahaa xamaalka iyo shaqooyinka nadaafada sida dhar-dhaqid, xaaqidda guryaha iyo qashin fogaynta, qaar kalena waxay suuqa u iibgeysan jireen waxyaalo mac-macaan ah oo ay guryahooda ku farsameeyeen si ay nolosha ula tacaalaan.

Caddeey Cali Axmed oo ku nool xerada barakaca Buulo-qaran ee degmada Hawl-wadaag ee gobolka Banaadir, waxay suuqyada Muqdisho gaar ahaan meelaha ay dadku isugu yimaadaan ku wareejin jirtay in ka badan laba boqol oo xirmo oo ah loos duban ah oo lagu habeeyay baco yar-yar.

“$5 doolar baan ka heli  jiray, 200 oo bac oo loos baan suuqa u qaadi jiray, waxaan gadi jiray 100 ilaa 150 xabo, hadda iyo bilihii ka horeysay waxba lagama hayo sidii cuudurkan u imaaday.”

Caddeey ayaa Raadiyo Ergo u  sheegtay in noloshu hadda aad ugu adag tahay, maaddaama xirfaddii keli ahayd ee ay qoyskeeda ku dabbaraysay ay macnabeeshay sidii uu Koronaha u yimid.

Xaawo Maxamed iyo carruurteeda siddeedda ah way ku cusub yihiin xeryaha barakaca Ceel-waaq ee magaalada Muqdisho, waxay dhowaan ka soo carareen colaadaha ka jira magalaada Jannaale ee gobolka Shabeellada hoose, in kastoo ay cusub tahay misna Xaawo waxay dhawr bilood shaqo nadaafad ah u doonan jirtay xaafadaha ku dhow kaamka.

Waxay lacago fiican oo $10 ilaa $5 u dhexeeya ka samayn jirtay shaqadan mar-helka ah, laakiin hadda laba arrimood ayaa isugu darsamay, kuwaas oo meesha ka saaray in ay shaqo tagto,  iyadoo dadkii ay ka shaki-qabaan qofka shaqadoonka ah cudurkan socda dartii, iyo iyagoonba awoodin kharashka shaqada loogu qabanaayo.

Markii hore waxay ku baxsan jireen sida ay sheegtay ilmaha abahood oo uu u isaguna u soo xamaali jiray wayahanse aan shaqayn. Xaawo Maxmed ayaa Raadiyo Ergo uga warrantay sida ay isku beddashay nolosha reerkeeda.

“Waan iska  noolahay, wixii Muslimkaas marka iskaga tagno na soo siiyaan aan iska karsannaa ilmihii oon waxba la siin karin oo sii liidanaya.” ayay ku catawday Xaawo.

Dadka ku nool xeryaha barakacayaasha ee magaalada Muqdisho ayaa badankood u shaqo tegi jiray suuqyada, laakiin xanuunka Karoonaha oo ku sii fidaya Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ah ayaa si toos ah saamayn ugu yeeshay nolosha dadkan, maadama ay shaqooyin badani noqodeen kuwo iskood u istaagay.

Cabdirashiid Xasan Sharmaarke waa Horjoogaha Kaamka Ceel-waaq degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku nool yihiin 150 qoys, wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in shaqo-yaraanta ay wada saamaysay qoysaska ku nool kaamka ee ku tiirsanaa shaqooyinka xamaaliga ah. Qoysas badan ayaa la daala-dhacaya nolol maalmeedka markii ay raggii iyo dumarkiiba noqdeen kuwa guryaha iska fadhiya.

Agaasimaha Waaxda Samafalka iyo Xuquuda Aadanaha ee Maamulka Gobolka Banaadir Muxiyadiin Maxmuud Cabdlaahi ayaa qiray in xaaladda dadka barakacayaasha ay liidato, waliba xilligan uu cudurka Koroonaha dalka uu ka jiro iyo roobka oo isna saamayn ku yeeshay.

“Ma jirto wax uu Gobolka si gooni ah ugu qorsheyay dadkaasi oo la siinayo laakiin inuu gurmad u fidiyo oo markii xaalad deg-deg ah timaado la caawiyo”

Previous Post

Fatahaadda webiga Shabeelle oo saamayn weyn ku yeelatay suuqa qudaarta ee Gaalkacyo

Next Post

Puntland: Haween laga taageeray inay dib u furtaan ganacsigoodii oo ku burburay daadadkii Qardho

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
blank

Puntland: Haween laga taageeray inay dib u furtaan ganacsigoodii oo ku burburay daadadkii Qardho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo