Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Fatahaadda webiga Shabeelle oo saamayn weyn ku yeelatay suuqa qudaarta ee Gaalkacyo

Radio Ergo by Radio Ergo
May 20, 2020
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Fatahaadda webiga Shabeelle oo saamayn weyn ku yeelatay suuqa qudaarta ee Gaalkacyo

Ardo Cilmi oo iibinaysa miiskeeda oo khudrada cagaaran gabaabsi ku tahay/Jibriil Cismaan/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waxaa sare u kacay qiimihii qudaarta ee suuqyada Gaalkacyo, taasoo ay ugu wacan tahay roobabkii waa weynaa  iyo fatahaadihii webiga Shabeelle oo saameeyay gawaaridii xamuulka ee iyagu ka soo daabbuli jiray qudaarta magaalda Beledwayne iyo koofurta guud ahaan oo qaarkood waddada fariistay. Arrintan waxay dhibaato u keentay dadka quuta qudaarta ka sokow dadkii ka ganacsan jiray oo ay qoysaskoodu ku tiirsanaayeen.

Nadiifo Cumar Muuse oo ah hooyada shan carruur ah, waxay tabakaayo yar oo qudaarta lagu iibiyo ku leedahay suuqa Gaalkacyo, miiskeeda ma saarna wax qudaar ah iyo mirihii ay halkan ku iibin jirtay, maadama aysan iman baabuurtii badnayd ee koonfurta ka keeni jirtay qudradda. Waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in sababta ay weli suuqa ugu jirto ay tahay oo keliya in ay shaqadeedii socoto.

Arrintan waxay saameyn ku yeelatay nolosha qoyska Nadiifo oo ku tiirsanaa wax soo-saarka shaqada tabakaayadeeda, iyadoo ka heli jirtay lacag dhan $7 doollar oo faa`iido ah maalin walba.

“Wax hadda faa’iido ah oo naga soo gala malahan, dadkii naga sii gadan jirayna dhibaato wayn bey ku qabaan”.

Dukaankeeda waxa ugu badan ee uu hadda iibiyo waa basasha iyo baradhada ka timaadda Itoobiya si aan ganacsigeedu u istaagin, laakiin waxay sheegtay in ay khasaare kala kulanto,  maadaama dadku aysan iibsanayn haddii aysan wahlin qudaarta cagaaran.

Waxa ay ka walwalsan tahay sida ganacsigeedu ku sii jiri karo, labadii toddobaad ee u dambeeyay faa’iido ay hesho daaye lacag dhan $350 ayaa ka khasartay markii qudaar ay u dirsatay Baladwayne gaarigii siday ay jidka biyo ku xayireeen, halkaasoo muddo siddeed maalin ah uu ku jiray.

“Basasha oo kale qiimaha ay gaartay abidkeen maanan soo arkin, meeshii laga siin jiray $20 kiishka ama ka yar $60 doller bey maraysa, kiilo ahaan waxaa la gadi jiray 25 kun oo shillin hadda waxay mareysa $2″

Qaar ka tirsan haweenkaas ayaa suuqa iskaga baxay halka kuwa kalana wali ay ku sii adkaysanayaan xaaladdan iyaga oo khasaaro la kulamaya maxaa yeelay ma yaqaannan xirfad ama shaqo kale oo ay kaga dabaashaan.

Guddiga ganacsatada qudaarta suuqa Gaalkacyo ayaan ka ogaannay in ka hor fatahaadda wabiga maalinkii oo kaliya ay 8 ilaa 10 gaari oo qudaar sida ay imaan jireen magaalada, xilligaanse in toddobaadkiiba la sugo hal gaari, sida ay Raadiyo Ergo u xaqiijisay Xaadsan Axmed Salaad gudoomiyaha guddiga qudaarta. Waxay kaloo Xaadsan noo sheegtay in tobanaan ganacstada ah ay hakiyeen ganacsigooda qudaarta markii ay kala kulmeen khasaarooyin ayan awood u lahayn in ay dib isaga gudaan.

Ganacsatada qudaarta ee ku shaqo beelay xaaladdan waxaa ka mid ah Maxamuud Cabdi Aadan oo muddo toddobaad ah ay xiran tahay goobtiisa ganacsiga ee qaraha, cambaha iyo mooska. Maxamuud wuxuu khasaaray $600, taasoo ugu wacnayd markii gaarigii qudaarta waday uu waddada dhowr maalmood kula soo jiray, sidaasna ay ku xumaantay.

“kharash badan baa kaa galaya marka ay halkan timaado kala barna waa khasaaro” ayuu yiri Maxamuud

Maxamuud ma hayo qorshe aan ahayn in uu sugo inta biya-baxadu dhamaanayso oo qudaartu sidii hore ku soo laabanayso. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in xaaladdani aysan weli nolol ahaan u saamayn qoyskiisa oo ka kooban lix ruux maadaama uu xilligan ku baxsanayo lacago kayd ah oo uu hore u dhigtay iyo daymo uu ku lahaa dad ganacsi dhex maray oo uu doonto.

“Si kale oo la yeeli karo ma jirto, hadda waan joojinnay toddobaad, waxba lama dirin waxba ma yimaadan ”

Previous Post

COVID19 oo saamayn ku yeeshay nolasha qoysaskii biilka ka heli jiray dibadda

Next Post

Muqdisho: Shaqooyinkii ay barakacayaashu nolosha ka debberan jireen oo gagaabsi noqday

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Next Post
Muqdisho: Shaqooyinkii ay barakacayaashu nolosha ka debberan jireen oo gagaabsi noqday

Muqdisho: Shaqooyinkii ay barakacayaashu nolosha ka debberan jireen oo gagaabsi noqday

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-SEP-2026

IDAACADDA 04-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-SEP-2026
September 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-SEP-2026
September 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo