Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

COVID19 oo saamayn ku yeeshay nolasha qoysaskii biilka ka heli jiray dibadda

admin by admin
May 20, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Caabudwaaq: Diidista isticmaalka shilin Soomaaliga oo weli ay jirto saameynta ay ku yeelatay sarifleyaasha

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqollaal qoys oo laga soo biili jiray wadamada dibadda ayaa waxaa saamayn ku yeeshay xaadaha shaqo la’aaneed ee ka dhalatay cudurka COVID19-ka oo sababay shaqo la’aan iyo hoos u dhac dhaqaale oo ku yimid dunida. Qoysaskan ayaa bil walba lacago biil ah ka heli jiray dadkooda oo ku kala nool Africa, Aasiya, Yurub iyo America.

Maryama Sh Maxamed Aadan ayaa wajahaysa duruuf dhanka nolasha ah markii ay wayday lacag ay ka heli jirtay saygeeda oo ku degan dalka Mozambique.

Lix carruur ah oo ay dhashay iyo iyada ayaa lagu leeyahay kirada guriga muddo laba bil ah, taasi oo laga qaadi jiray 150 doollar bil walba oo kirada guriga ay degen tahay ah. Waxaa laga goostay korantadi marki ay bixin wayday lacagta oo 55 doolar ah bishi si ay sheegtay Maryan.

“saddex boqol oo dollar kiro ah ayaa lay haystaa.korantadii waa layga goostay guri madoow ayaan dhex joogaa aniga iyo carruurtaydu,biyihiina, waa naga dhamaadeen, dadka deriska ah ayaa biyo iyo wixii aan maalintaasi karsan lahaa igu caawiya, Waxaan ka wel wel sanahay in guriga layga saaro maalin kasta waalay soo wacaa oo waxaa lay waydiiyaa kirada guriga ama nooga bax ayaa laygu yiraahdaa” ayay tiri Maryan.

Si ay carruurta ugu hesho wax ay cunaan ay dadka deriska la ah waydiisataa raashin iyo biyo.

“Wax walba si deg deg ah bay isku badaleen, hadda waxaa dayn ahaan la igu leeyahay 560 doollar,Marba reer waana naga warqabaan anaga iyo dad kale oo nala mid ah” ayay tiri maryama” Maryan oo sheegtay in nolal wanaagsan ay ku jirtay ka hor COVID19-ka muddo laba bilood ah wax lacag ah umuu soo dirin saygeedu markii goobtuu ka shaqaynayay uu saamayn ku yeeshay xanuunka COVID19-ka.

Safiya Jaamaca Cabdi oo 33 jir ah oo ku nool magaalada laascaanood, ayaa ka mid ah dadka ay arrintan saamaysay, Waxay haystaa afar carruur ah, hadda waxay dul saar ku tahay habaryarteed kadib marki ay wayday laba boqol iyo konton dollar oo uu ninkeeda uga soo diri jiray dalka Sucuudiga markii xayaraad lagu rogay goobtii uu ka shaqan jiray isana lagu armay inuu joogo gurigiiisa.

“ Marku shaqadi waayey, waxba wuu awoodi waayay in uuu noo soo diro, hadda welwelka ugu daran ee I haysta ayaa ah in nolashan dulsaarka ah aan kusii jirin karin, mana hubo dee xaalad sida uu noqon doono”

Lacagta ay ka heli jirtay saygeeda ayay sheegtay inay ku filnayd oo ay ku maarayn jirtay kirada guriga, cuntada iyo waxbarashada carruurta. Shirkadaha xawaalaha oo kaalin mugleh ku leh kala gudbinta lacagaha ayaa sheegaya in uu jiro hoos u dhac dadki biilasha loo soo diri jiray.

Gudoomiyaha shirkadda xawaaladda ee Dahabshiil xafiiskeeda laascaanood Cabdiqani Awdaahir Xaaji ayaa sheegay in boqolkiiba soddon ay hoos u dhacay dhaqaalihi xaawaladda la soo marsiin jiray.taasoo uu sheegay inay saamayn wayn ku yeelatahay ganacsiga iyo nolosha magaalada laascaanood.

“xanuunkani wuxuu keenay in dadku guryahooda joogaan,qofka ayaa dhaqaalaha sameeya, Waxaan oo dhan karaa boqolkiiba soddon waxaa hoos u dhacay dhaqaalihii ama lacagtii soo mari jirtay xawaalada,Taasina waa dhibaato dhaqaale oo daran”

Previous Post

Xoola-dhaqato beeralayda Puntland oo kordhinaya wax soo-saarka calafka xoolaha

Next Post

Fatahaadda webiga Shabeelle oo saamayn weyn ku yeelatay suuqa qudaarta ee Gaalkacyo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Fatahaadda webiga Shabeelle oo saamayn weyn ku yeelatay suuqa qudaarta ee Gaalkacyo

Fatahaadda webiga Shabeelle oo saamayn weyn ku yeelatay suuqa qudaarta ee Gaalkacyo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo