Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Doolow: Qoysas uu saameeyey daad ka dhashay roob halkaasi ka da’ay

Fowzia by Fowzia
May 14, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Baydhabo: Kumanaan barakacayaal ah oo daadadku ugu galeen xeryahooda

File Photo/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Carab Maxamed Cabdi waa aabbaha qoys shan ruux ka kooban waxay ka mid yihiin 350 qoys oo ku nool xeryaha lagu barakacay ee degmada Doolow oo ay saameeyeen daadad ka dhashay roobabka Guga.

Qol ka sameysan bullikeeti ayuu qoyskiisa ku jiray kaas oo muddo saddex sano kahor ah uu maamulka degmadu ku wareejiyay. Waxaa uu Raadiyo Ergo u sheegay in xilligan ay ku hoydaan geed bac ay ku wareejiyeen markii daadku dumiyay qolkii ay degganaayeen.

“ Marka la iskuma aamini karo gurigii waa qoyay siduu u joogo habeenkii adoo jiifo ayuu rug iska leeyahay, waa un banaanka ha laga joogo oo ha la iska seexdo.”

Keli kuma ah qoysaska ku guri waayay roobabkan daadadka wata, afartan qoys oo kale ayaa ku wehliya hoy xumada. Nolosha qoyskiisa ayaa ah mid ku tiirsanayd gaari dameer uu wabiga biyaha ugu soo dhaamin jiray kuwaas oo xaafadaha magaalada ugu iib-geyn jiray balse xilligan ay taa meesha ka baxday markii uu wabiga biyo keenay.

“ Hadda wabiga waa biyo keenay, buundadii iyana hadday sidan noqoto buundadaa maraynay oo waxaan raasanaynay al-yoom labada dhinacba, al-yoomkii waa istaagay wallaahi noloshaas aad bay u liidataa.”

Nuur Maxamed Faarax oo ah 45 jir ku nool xerada siddeedaad ee barakaca Kabaaso, waxay 30 qoys xilligan ku deggan yihiin meel bannaan ah markii aqalladoodii oo ulo, maryo iyo kartoomo la isku xiray ka sameysnaa daadad ugu galeen dabayaaqadii bishii hore.

Nuur oo qoyskiisa ka kooban yahay 12 qof, wuxuu afar sanno kahor abaar ka baabi’isay 230 neef oo ari ah taasoo keentay inuu ka soo cararo deegaanka Miro-dhuubo oo hoos tagta degmada Luuq. Nuur wuxuu Raadiyo Ergo uga warramay sida ay daadadka ka dhashay roobabka guga u wax yeeleeyeen.

“ Habeenkiina bannaankaasaan iska seexannaa, roobabkii ayaa na yeeshay, daadad baa nagu soo galay guryihii, alaabtii iyo kabayaashii ciyaalka iyo maacuuntii iyo wixii oo dhanba meesha tog bey ahayd biyihii saas u daadaayayaa na qaaday.”

Nuur waxaa uu shitaa maqaaxi yar oo ku taalla gudaha xerada uu barakaca ku yahay taas oo maalinkii labo waqti laga heli jiray halka bishan Ramadaan uu sameeyo 200 oo xabo oo sambuus ah kuna dabbaro nolosha qoyskiisa danta yar, kuwaa oo maalinkii hal waqti wax karsada.

Marka laga soo tago qoysaskan ka barakacay guryihii ay xeryaha ka degganaayeen waxaa jira kuwo weli ku sugan guryihii oo daadadku galeen.

Waxaa ka mid ah Kiin Macalin Cali oo haysata 3 caruur ah oo aabahood kala tageen.Muddo labo sano haatan laga joogo ayay ka soo barakacday tuulada Diido-canaani oo hoos tagta degaanka Boholgaras ee gobolka Gedo.

Waxay aqalka ay ka deggantahay xerada Qansaxleey 27-kii abriil ugu galay daad ka qaaday maacuuntii ay wax ku karsanaysay, waxay Raadiyo Ergo u sheegtay in ay xilligan ku adag tahay nolosha una baahan yihiin iyada iyo boqollaal qoys oo xeyaha duruufo nololeed ku haysta in lala soo gaaro gargaar bini`aadannimo.

Degmada Doolow ayaa tan iyo 2011waxay marti galisay in ka badan 8,000 kun oo qoys kuwaa oo abaaro iyo colaado isbiirsaday uga soo barakacay deegaannadii ay ku noolaayeen oo inta badan dhaca foonfurta Soomaaliya, waxayna xilligan xeryaha ay ku soo barakaceen ku wajahayaan duruufo adag oo ay ugu wayn yihiin hoy la’aan iyo cunno yari

Previous Post

Fatahaad boqollaal qoys ku barakicisay Doolow

Next Post

Daadadka Bacaadweyne oo la tegay cusbo u diyaarsaneyd iib-geyn

Related Posts

Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado
Wararkii u Danbeeyay

Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado

October 17, 2025
Boqolllaal qoys oo abaar ka soo barakacay oo nolol xumo ku wajahay dagmada Xudur
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqolllaal qoys oo abaar ka soo barakacay oo nolol xumo ku wajahay dagmada Xudur

October 17, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Gargaar la’aata ka jirta xeryaha oo sababtay burbur ganacsi iyo nolol xumo

October 15, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga saaray xarumaha dowladda oo duleedka Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

October 13, 2025
Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Guddi ay samaysteen dadka barakaca ku ah Baydhabo oo fursado shaqo u helay 500 qof

October 10, 2025
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Bakool: Haween dhisidda guryaha u legeeya masaafo dheer si ay u quudiyaan carruurtooda

October 8, 2025
Next Post
Ganacsiga cusbada Xinlabi oo billowday kaddib shan sano oo roob-yaridu saameysay

Daadadka Bacaadweyne oo la tegay cusbo u diyaarsaneyd iib-geyn

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-OCT-2025

IDAACADDA 17-OCT-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-OCT-2025
Episode play icon
IDAACADDA 17-OCT-2025
October 17, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 16-OCT-2025
October 16, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 15-OCT-2025
October 15, 2025
Episode play icon
DAACADDA 14-OCT-2025
October 14, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 13-OCT-2025
October 13, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo