Sideed boqol iyo arday oo ku sugan magaalada Baardheere ayaa si joogta ah u helaya qiraac. Hawlwadeennada Dugsiyada Waxbarashada (HIRDA) ayaa bilaabay tallaabadan quraac-siinta ardayda, kuna tilmaamay iney tahay mid dhiirrigelineysa niyadda waxbarashada ardayda. Mashruucan Quraacsiinta oo la bilaabay bishii 10-aad ee sanadkii hore ayaa waxaa ka faa`ideysanaya ilaa 850 ardey oo dhigta ilaa afar iskuul oo ku yaalla Baardheere.
Cabdullaahi Maxamed Siyaax oo ah madaxa dugsiyada waxbarashada HIRDA ee degmada Baardheere ayaa sheegay in ay dareemayaan koror xagga waxbarashada ardeyda. Mashruucan oo bilowdey bishii 9aad ee sanadkii hore ayuu tilmaamay in ay ka caawiyeen ha`ydaha UNOCHA iyo CHF.
Siyaax ayaa sheegay inaan ardeyda wax ka barata afarta dugsi laga qaadin wax lacag ah, marka laga reebo ayuu yiri ardeyda dhigata dugsiga sare oo laga qaado midkiiba ilaa 10$, talaabooyinkasna waxuu ku tilmaamay inay qeyb ka yahiin horumarinta waxbarashada degmada. Waxaa wareystay: Axmed Saalixi Axmed.