Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Galgaduud: cudurka Sambabka oo laga tallaalayo laba milyan oo Ari ah

Radio Ergo by Radio Ergo
February 4, 2020
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Galgaduud: cudurka Sambabka oo laga tallaalayo laba milyan oo Ari ah

Ari laga talaalayo xanuunka Sambabka /Jibriil cismaan/ Radio Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Ku dhawaad 2.2 milyan (Laba milyan iyo laba boqol oo kun) oo ari ah ayaa la beegsanayaa in laga talaalo xanuunka ku dhaca ariga ee loo yaqaano Sambabka, xoolahan oo ku dhaqan goboladda dhexe ee Soomaaliya ayaa tallaalkoodu bilowday 25 kii bishii January ee sanadkan 2020 ka iyadoo uu socon doono mudo laba bilood ah.

Dr Sulaymaan Maxamed Faarax oo madax u ah urur maxalin ah oo fulinaya talaalkan kaasoo magaciisa la yiraahdo CERELPA, ayaa Radio Ergo u sheegay in tallaalkan uu fulinayo ururkooda oo dhanka dhaqaalaha ay ka taageerayso hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan qaramada midoobay ee FAO. waxaana talaalkan laga bilaabay deegaano hoostaga gobolka Mudug gaar ahaana Saddex-higlo, Dagaari, Gawaan, Wisil, Ceelguula, Galinsoor, Budbud, Hobyo iyo qaar kale.

Daahir Maxamed Colow oo ah aabaha sagaal caruur ah oo ku nool deegaanka Gawaan ayaa 47 kamid ah arigiisa oo ka kooban 50 neef waxaa laga tallaalay cudurka Sanbabka, iyadoo 3 riyo ah oo hore xanuunku ugu dhacay aan la talaalin Islamarkaana ariga laga soocay oo gaar loo xareeyo.

Daahir oo lahaan jirey 200 oo ariga ayaa inta badan xoolihiisii waxay uga dhinteen abaaraha iyo xanuunka Sambabka. bishii lasoo dhaafay ayaa 4 Ari ah waxaa ka diley xanuunka sambabka oo saameeyey in badan oo kamid ah xoola dhaqatada deegaanka Gawaan oo 30 KM u jira degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

“Sambabka maanta ka hor talaalkiisa maanan arag, Haddana waa la tallaalay, In uu ku soo laabanayo iyo in uusan ku soolaabanayn ilaahay ayaa og, Laakiin waa ka hortag, Ka hortagaas haddii arigu sida saaka uu qama dhaco la’yahay u fiicnaado waan rajaynayna, in uusan mar danbe sambabku ku soo laaban oo uu ka tago, oo sanad danbe uusan ku dhicin, Haddii uusan dib danbe ugu dhicin si fiican ayay noo anfacaysaa.” ayuu yiri. Daahir.

Daahir ayaa intaas ku daray in xoolaha sambabku haleelo ay ku durijireen Daawada loo yqaan OGOS oo ah nooc kamid ah irbadaha qalajihaha ah (antibiotics), Taasi oo neefku u dhaxaynayo nolol iyo dhimasho marka lagu duro. Waxaa uu xusay in dhibaatada ay kala kulmeen daawadaas marka xoolaha lagu duro ay ahayd in Ariga riman ay ilmaha soo tuuraan taasi oo xoolo yari ku ri’day maaddaama tarankii xooleed ay saamaysay.

“Awal Arigu wuu iska bukijiray maalin walba waxaan arkaynay mid diif leh oo dhamaaday markaas baan durijirnay, halkaas bowdada ah ayaan kagalin jirnay cirbadda, Haddii uu rimanyahay neefku wuu dhiciyaa haddii kalana wuu iska roonaada, Hadda sida naloo sheegay haddii cudurka sambabka uusan ku dhicin Ariga riman wuu kanabad galaya wuuna dhalaya, Dadka I dhow oo dhan waa loo tallaalay xoolaha, Marka xeryo ii dhow oo qaarkood laba tiro gaaro ayay talleeleen.” ayuu yiri.

Dr Suleyman ayaa sheegay in Cudurka Sambabka uu si dhakhso ah u fido Islamarkaana hadda uu yahay cudur ku faafaya badhtamaha Soomaaliya. Waxay qorsheynayaan inay mudo todobaad ah ku talaalaan in ka badan hal milyan oo ah ari ku dhaqan deegaanada Koonfureed ee gobolka Mudug ka hor inta aysan u gudbin gobolka Galgaduud maalmaha soo socda.

Aways Axmed Cali, oo ah aabe leh shan caruur ah, ayaa loo tallaalay 150 ka mid ah arigiisa oo dhan 170 neef. Riyaha waa la kala soocay, oo kuwa xanuunsan ee uu haleelay sambabka waxaa loo raacaa si gooni ah xero u gaar ahna waa leeyihiin, halka kuwa caafimaadka qaba la tallaalay .

“Aad ayay muhiim u tahay maxaa yeelay waa wax aannu u baahan nahay, oo waa lacag la’aan, ayuu yiri Aways oo u mahadceliyey dhakhaatiirta fulinaya tallaalkan.

“Dadku hadda waa ay ka warqabeen barnaamijka tallaalka, qof walbana wuxuu raadinayaa in la tallaallo xoolihiisa.” ayuu hadalkiisa raaciyey Aways.

Dr. Saleebaan ayaa Radio Ergo u sheegay in dadku Isticmaali karaan hilibka iyo caanaha riyaha la tallaalay. Ololaha talaalka waxaa taageera Ururka Cuntada iyo Beeraha QM ee FAO.

Previous Post

Hiiraan: Shuban biyood ka dilaacay Beledweyne

Next Post

Laascaanood: Haweenka Umulaya oo ka faa’iidaysanaya adeeg caafimaad oo bilaash ah.

Related Posts

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland
Beeraha Iyo Xoolaha

Haweenay qurbojoog ah oo shaqo iyo xirfad u abuurtay xoolo-dhaqatada Soomaaliland

June 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post
Laascaanood: Haweenka Umulaya oo ka faa’iidaysanaya adeeg caafimaad oo bilaash ah.

Laascaanood: Haweenka Umulaya oo ka faa'iidaysanaya adeeg caafimaad oo bilaash ah.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JUN-2026

IDAACADDA 20-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JUN-2026
June 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JUN-2026
June 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo