Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Laascaanood: Haweenka Umulaya oo ka faa’iidaysanaya adeeg caafimaad oo bilaash ah.

Radio Ergo by Radio Ergo
February 13, 2020
in Arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Laascaanood: Haweenka Umulaya oo ka faa’iidaysanaya adeeg caafimaad oo bilaash ah.

Sawir/Kaydka /Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Haweenka Umulaya ayaa ka faa’iidaysanaya adeeg caafimaad iyo qaliinno lacag la’aan ah oo labadii bilood ee u dambeysay uu bixinayo Isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood. Isbitaalka oo horay ay lacag u ahaayeen adeegyadiisu waxaa qeybtan dhalmada ka taageeraya ururka dhaqaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF. haweenka horay ugu Umuli jiray xaafadaha ayaa hadda Isbitaalka taga sida uu sheegay Isuduwaha caafimaadka ee gobolka sool Dr. Maxamuud Xaaji Khliif.

Faadumo Maxamed oo ah hooyada shan carruur ah waxay markii ugu horraysay ku Umushay Isbitaalka. Umuliso dhaqameed foolinaysay 48 saac ayaa u sheegtay inaysan awoodin inay ka Umuliso oo loo qaado Isbitaalka, laakiin waxay qoyskeedu ka walwalayeen qarashka kaga bixi doona iyagoo aan ka war hayn in Isbitaalku lacag la’aan yahay qaybta dhalmada.

“Gabar aan deris nahay oo dumaashideed lagu qalay ayaa noo sheegtay in cusbitaalka wayn ee laascaanood haweenka Umulaya laga dhigay bilaash. Markii la i geeyay waxay dhakhaatiirtu ii sheegeen in ilmuhu gudbanyahay oo qaliin lay-samaynayo., waan dhiig baxay, intaan cusbitaalka lay keenin. Dhiiga ayaa laygu shubay waxaana laysameeyay qaliin, Waxaana si nabad ah layga soo saaray ilmahaygii oo caafimaad qaba.” ayay tiri Faadumo.

Waxay sheegtay in qaliinka iyo daawaynta oo loo sameeyay marka laga yimaado, sidoo kale cunnada iyadda iyo gabar ay walaalo yihiin oo haysay si bilaasha ah loo siinayay muddo saddex maalmood ah oo ay ku jirtay Isbitaalka wayn ee Laascaanood.

Saygeeda wuxuu si aan joogta ahayn u helaan shaqo muruq maal ah oo maalinta uu helo ay kasoo gasho $4 taasoo uu ku maareeyo raashinka carruurta iyo qol kirro ah oo ay deggan yihiin oo bishii laga qaado $30.

Faadumo oo kamid yahay dadka danyarta ah ee degan xaafadda Daami ee magaalada Laascaanood, waxay markii hore ahayd dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee kasoo guuray deegaanka Xal-xaliye oo Laascaanood 50 km waqooyi ka xiga halkasi oo ay ku wayday 220 neef oo ari ah, saddex sano ka hor, mana aysan awoodin inay iska bixiso lacagta dhakhtarka iyo daaweynta hadii aysan heli lahayn adeegyadan bilaashka ah.

Isuduwaha Wasaarada caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Xaaji Khliif ayaa sheegay in muddadii ay qeybtani bilaashka ahayd ay Isbitaalka ku Umuleen 176 haween ah kuwaas oo adeeg dhameystiran ka helay. Wuxuu sheegay in dhacdooyinkii ugu darnaa ee ay arkaan labadaas bilood ee shaqadani sida lacag la’aanta ah u socotey ahaayeen haween Umuliso dhaqameed ka Umulin kari waayeen kuwaas oo aan ku baraarugsanyan in adeegga dhalmada laga dhigay lacag la’aan.

“Dhammaan hooyadu si bilaash ah ayay ku helaysaa adeegga dhalmada oo dhamaystiran Umulin, daawo, jiif, cunto iyo haddii ay u baahato qaliin sidoo kale waa Isbitaalka diyaar ku ah qaybtii hooyadu hadday dhasho ilmo aan wakhtigii uu ku dhalan lahaa gaarin qalabkii lagu koron lahaa.” Ayuu yiri Dr. Maxamuud.

Waxaa jira haween barakacayaal ah oo adeeggan caafimaad ee bilaash ka ah ka Ka faa’iidaysta. Aamina Maxamed waxay maalin iyo habeen ku foolanaysay xero barakac oo ku taala deegaanka Canjiid inta aan la keenin Isbitaalka Laascaanood.

Dhibka ka qabsan jiray xiliyada ay xaafadda ku Umuli jirtay ayay sheegtay inay ka mid ahaayeen  xilliyada qaar oo ay saddex maalin foolan jirtay, dhiig bax iyo cabsi nolol iyo geeri ah oo ay talagali jirtay.

“Saddex dii habaynimo ayaa lay geeyay cusbitaalka. Walaahay dareen aad u farxad badan ayaa dareemay sababtoo ah. maan awoodin in aan Isbitaal lacag ah tago . waxaan ka sii farxad badan sidii wanaagsanayd ee ee aan u Umulay.daqiiqad kasta heeganka laygu ahaa. Daawayn bilaash ah.sariir cuntadii, aroortii boorash baa lay keenayay. Qadadii hilib iyo bariis ayaa naloo keenayay iyo habaynkii oo suqaar iyo rooti ayaa naloo keenayay aniga iyo gabar ila joogtay.”ayay tiri Aamina.

Aamina waxay muddo saddex sano ah ku noolayd xeryaha barakacayaasha ee deegaanka Canjiid. 100 neef oo Ari ah ayay ku wayday abaartii waxayna deganayd miyiga deegaanka Canjiid oo 20 km dhanka waqooyi ka xigta Laascaanood.  Nolosha Qoyskeeda oo ka kooban afar qof ayay tilmaamtay inay ku tiirsan yihiin raashinka gargaarka ah ee ay ka helaan Hay’adaha. Waxay sheegtay in adeegga umulinta ah ee loo sameeyay ay u sii dheer wacyigelin dhanka caafimaadka sida in ilmaha muddo lix bilood ah aan caano la siinin oo naaska keliya hooyadu siiso taasoo hore aysan u fahamsanayn.

Qaybta haweenka Umulaya iyo qeybta nafaqaynta carruurta dadweynuhu ka helaaan adeegyo lacag la’aan ah waxaana isIitaalka ka caawisa hay’adda MSF iyadoo sidoo kale bixisa mushaharka shaqaalaha labada qaybood ee bilaashka ah.

Previous Post

Galgaduud: cudurka Sambabka oo laga tallaalayo laba milyan oo Ari ah

Next Post

Somaliland: Dhibbaneyaasha kufsiga oo laga caawiyo in ay cadaalad helaan

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Somaliland: Dhibbaneyaasha kufsiga oo laga caawiyo in ay cadaalad helaan

Somaliland: Dhibbaneyaasha kufsiga oo laga caawiyo in ay cadaalad helaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo