Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Hiiraan: Shuban biyood ka dilaacay Beledweyne

Radio Ergo by Radio Ergo
January 30, 2020
in Arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Dad cudurka daacuunka ugu dhintay xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Sawir kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Shuban biyood ka dilaacay degmada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo ritay todobaatan iyo kow bukaan toddobaadkii ugu dambeeyay. Shubanka oo u eg in uu deg deg ku faafayo ayaa degmada ka dilaacay labo toddobaad kahor. Lix iyo lixdan ka mid ah bukaanada uu soo ritay cudurka waa carruur da’doodu ka yar tahay shan sanno.

Waxaa bukaanada hadda loo wareejiyay xarun cusub oo laga hirgeliyay duleedka magaalada, taas oo lagu doonayo in lagu xakameeyo shubanka oo laga cabsi qabo in uu yahay daacuun. Xarunta cusub ayaa ku taal deegaanka Ceel-Jaalle oo hadda deegaan aan rasmi ahayn u ah dadka soo barakacay. Waxaa xarunta cusub ka howlgalaya labo iyo toban dhakhtar iyo labaatan kalkaaliye. Hay’adda caalamiga ah ee Badbaada Carruurta ayaa taageereysa howlaha caafimaadka ee xarunta. Laakiin waxaa shirkado ganacsi oo gaar loo leeyahay oo ay ka mid tahay Hubaal ayaa sidoo kale daawo ugu deeqay xarunta cusub.

Si kastaba, weli lama hayo tirada rasmiga ah ee bukaanada uu soo ritay cudurka maadaama dad badan ku tiirsan yihiin xarumo caafimaad oo gaar ah, farmashiyeyaasha halka kuwa kalena laga yaabo in guryaha lagu daweynayo, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Dhakhtar Cabdixaliim Maxamed Cabdulaahi, agaasime xigeenka isbitaalka guud ee Baledweyne.

”Maalin walba maalinta ka danbeeyso waxaa kordhaya dadka imaanaya xarunta. Maanta waxaa yimid 35 qof oo cusub marka waxaa dareemeysa inay aad usii kordhayaa dadka uu shubanku soo ridanayo maalinba maalinta ka danbeeyso,” ayuu yiri Dhakhtar Cabdixaliim.

Hodan Maxamed Aadan waxa ay  habeen iyo maalin dul-fadhidaa wiil iyo gabadh ay dhashay oo ka mid ah bukaanada shuban biyoodka ee laga soo wareejiyay isbitaalka guud ee degmada oo hadda lagu daweeyo xarunta cusub ee Ceeljaale. “Waxaan isbitaalka ula soo cararay 3:00 am habeenkii 25 Janaayo kadib markii uu shubanka kusoo booday. Weli way ku jiraan, laakiin caafimaadkoodu wuu soo hagaagayaa wixii ka dambeeyay marka aan halkan keenay,” ayay Hodan oo la hadashay Raadiyow Ergo.

Weli baaritaan baa socda, laakiin agaasime xigeenka isbitaalka Guud ee Baledweyne dhakhtar Cabdixaliim Maxamed Cabdulaahi wuxuu sheegay in shubanka la la xiriirinayo cibitaanka biyaha wasaqeysan ee webiga Shabelle. Wuxuu intaa ku daray in bukaanada ugu badan laga keenay xeryaha dadka barakacay iyo tuulooyinka halkaas oo ay adag tahay in dadku helaan biyo nadiif ah.

Beelo Cabdinuur Aadan oo ah hooyada todobo caruur ah waxay isbitaalka kula jirtaa labo ka mid ah ubadkeeda. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in qoyskeedu ku tiirsan yahay biyaha webiga oo ah waxa keliya ee ay heli karaan. ”Biyaha wabiga ayaan istcmaalnaa. Gabadh ayuu shubanka kusoo booday markii hore kadib isbitaalka ayaa geeyay oo faleembo ayaa lagu xiray, waana la siiyay daawo,” ayay sheegtay Beelo. Waxay intaa ku dartay in wax yar kadib markii ay kusoo noqotay guriga, ayuu shubanku haddana soo ritay wiilkeeda. Labada waxaa hadda lagu daryeelayaa xarunta cusub ee bukaanada shubanka oo ku taal deegaanka Ceeljaale ee duleedka magaalada Baledweyne.

Dhakhtar Qorane Maxamuud oo wasaarada caafimaadka ee Hirshabeelle u qaabilsan degmada Baledweyne ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in sideed qof u geeriyootay shuban-biyoodka. Lix qof waxay ku geeriyootay isbitaalka guud ee degmada, halka labada qof ee kalena ku dhinteen xarunta cusub ee bukaanada shuban biyoodka ee Ceel-jaale. Weli waxaa socda baaritaanka lagu hubiyo tuhunka la xiriira daacuunka.

 

Previous Post

Sool: Qodista ciida dhismaha oo dhibaato u keentay Beeraleyda iyo Xoolo dhaqatada

Next Post

Galgaduud: cudurka Sambabka oo laga tallaalayo laba milyan oo Ari ah

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Waddo xumo shaqo la’aan dhigtay xoogsatada Baydhabo, kuwaas oo wajahaya cunno yari

November 19, 2026
Beeraleyda Garowe oo la kulmay nolol xumo, markii lagala wareegay dhulkii ay beeran jireen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Garowe oo la kulmay nolol xumo, markii lagala wareegay dhulkii ay beeran jireen

November 18, 2026
Dhadhabaab: Haweenay qaxooti ah oo fursad shaqo ka caawisay 120 qof oo haween u badan
Cunto-Yaraanta

Haweenka Hargeysa oo ka cabanaya is-hortaag lagu sameeyay shaqadooda gawraca xoolaha

November 17, 2026
Carruurta la nool cudurka Autism-ka oo fursad waxbarasho ku helay Jigjiga
Wararkii u Danbeeyay

Carruurta la nool cudurka Autism-ka oo fursad waxbarasho ku helay Jigjiga

November 13, 2026
Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo iyo barakac joogto ah galisay qoysas ku nool Hiiraan

November 12, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Dhadhaab oo cunno xumo iyo dayac hoy la’aan wajahaya xilli roobab ay da’ayaan

November 11, 2026
Next Post
Galgaduud: cudurka Sambabka oo laga tallaalayo laba milyan oo Ari ah

Galgaduud: cudurka Sambabka oo laga tallaalayo laba milyan oo Ari ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-NOV-2026

IDAACADDA 21-NOV-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-NOV-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-NOV-2026
November 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-NOV-2026
November 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-NOV 2026
November 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-NOV 2026
November 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-NOV 2026
November 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo