Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Sool: Qodista ciida dhismaha oo dhibaato u keentay Beeraleyda iyo Xoolo dhaqatada

Radio Ergo by Radio Ergo
January 29, 2020
in Arrimaha Bulshada, Beeraha Iyo Xoolaha, Masiibooyinka, Wararkii u Danbeeyay
0
Sool: Qodista ciida dhismaha oo dhibaato u keentay Beeraleyda iyo Xoolo dhaqatada

Dad ciid ka qodaya toga Dur-durka Laascaanood/Faarax Dubbad/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Boqolaal qoys oo isugu jira beeraley iyo xoola dhaqato ayaa ka barakacay deegaanka Oodagooye ee koonfurta gobolka Sool, kadib markii ay soo wajahday biyo yaraan aad u daran oo ka dhalatay ceelashii biyaha laga heli jirey oo qalalay. Xaawo Maxamed wa hooyo leh lix carruur ah, muddo lix sano ah ayaa sheegtay inay degenayd oo beer ku lahayd togga loo yaqaano Dur-Durka Laascaanood, Beerteeda oo hal higtar iyo badh cabirka dhul beereedka ah ayay sheegtay inay qalashay kadib markii ay u waydey wax ay ku waraabiso.

“kun dollar oo dayn ah ayaa beerta iga gashay xilligaan dayrta, waxaan ku beeray basal iyo basbaas, booyad xitaa hadaan ku waqaraabin lahaa meel ay soo marto malaha oo tog iyo gebi weeye.” ayay tiri Xaawo.

Beerteeda ma imaan karto booyad biyaha usoo qaada maadaama togag badan kaso keeyaan oo booyaduhu soo mari karin, beeraleyda deegaanka ayaa sheegay in dhibaatadu ay bilaabatay bishii Maarso ee sanadkii hore xiligaas oo la bilaabay in ciida lagu dhiso guryaha laga qaado toga Dur-Durka ah ee magaalada. ciida la guray ee guryaha lagu dhisto ayaa muhiim u ahayd ceelasha oo ay biyaha u qaban jirtey.

Sidoo kale dadka xoola dhaqatada ah ayay saamayn ku yeelatay biyo la’aanta. Cabdiraxmaan Cali Jaamac, wuxuu ceelasha Dur-Durka ka waraabin jirey xoolihiisa oo kala ah 130 Ari ah iyo 7 Geel ah. markii ay qalaleen ceelashii wuxuu u ka guurey meeshii uu deganaa isagoo u guurey deegaanka Dhuxun oo 20KM dhanka waqooyi ka xiga magaalada Laascaanood halkaas oo uu ka helay biyo laga iibiyo.

“biyaha dur durka ma ahayn kuwo lacag cidi kaa siinayso, waa biyo markasta diyaar ahaa, hadda wax biyoba ma lahan, meeshaan u guuray biyaha waa iib oo ceelal ku yaal foostadii 2 doolar ayaa lagaa siinayaa.” ayuu yiri Cabdixmaan.

Jaamac Maxamuud Saalax oo ah Isuduwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland u qaabilsan gobolka Sool ayaa Radio Ergo u sheegay inay sharci darro tahay ciida laga gurayo Dur-Durka.

“Waxaan soo saaray digniin ilaa 10 goor laakiin dadku weli ma joojin arintaasi, waa xiraynaa, qofkasta oo arintaas lagu qabto wuxuu mudaysan karaa ilaa 2 sano oo xabsi ah laga bilaabo hadda.” ayuu yiri.

Wasaaradda deegaanku waxay sheegtay inay qorsheyneyso in ciida laga soo guro meel aan saamayn ku yeelanayn dadka beeraleyda ah iyo xoola dhaqatada. hase ahaatee wariyaha Radio Ergo oo booqday meelaha ciida laga soo qodo ayaa sheegay in gurista ciidu wali ka socoto deegaankaasi aysana jirin cid dabagal ku samaysa go’aamada ay wasaaradu sheegtay.

Cabdixakiin Maxamed oo kamid ah dadka ciida ka gura Toga Dur-Durka ee Laascaanood ayaa sheegay inaysan iyagu ka war qabin wax dhibaato ah oo deegaanka ay ku hayaan.

“Annaga halkaas inaan ka gurro waxaan u dooranay waxay u dhowdahay magaalada, horay meel fog oo 8 km jirta ayaan u dooni jiray cidda, hadda markii laga soo cawday inaan iska dayno ayey noqonaysaa, oo meeshii hore u wareegno.” ayuu yiri Cabdixakiim.

Previous Post

Gedo: Ayax burburiyey wax soosaarka beeraleyda degmada Baardheere

Next Post

Hiiraan: Shuban biyood ka dilaacay Beledweyne

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Dad cudurka daacuunka ugu dhintay xeryaha qaxootiga Dhadhaab

Hiiraan: Shuban biyood ka dilaacay Beledweyne

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo