Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Gedo: Ayax burburiyey wax soosaarka beeraleyda degmada Baardheere

Radio Ergo by Radio Ergo
January 28, 2020
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Waraysi: Faadumo Jibriil oo ka waramaysa timir ay ku beertay deegaanka Durduri ee gobolka Sanaag

Sawir/Beerta Faadumo Jibriil ee deegaanka Durduri ee gobolka Sanaag/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Ayax tiro badan ayaa kusoo duulay beeraha iyo dhul daaqsimeedka 22 tuulo oo kuyaala koonfurta degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo kamid ah meelihii u danbeeyey gobolada dalka oo uu burbiryey cayayaanka sida xawliga ah u socda ee Ayaxa.

Xasan Cali Xasan wuxuu leeyahay beer ka kooban lix hiktar oo cabirka beeraha ah kuna taala tuuladda Laheley oo 12 KM u jirta degmada Baadheere, halkaasoo hadda loo diyaar garoobayey goosashada waxsoosaarka beeraha, Xasan ayuu Ayaxu ka burburiyey wax soosaarka beertiisa.

“Waxaa ii beernaa Sisin, yaanyo iyo basal. Malaayiin cayayaanka Ayaxa ah ayaa ka yimid xagga sare tanina waxay khalkhal ku abuurtay aagga, ”ayuu yidhi Xasan.

Xasan oo ah aabaha qoys balaaran oo ka kooban laba xaas iyo sagaal caruur ah ayaa ku tiirsan dakhliga kasoo baxa beertiisa, oo ay kujirto bixinta lacagaha iskuulka siddeed ka mid ah carruurtiisa. wuxuu hadda ka welwelsan yahay in qoyskiisa ay soo wajahdo cunto yari iyo in caruurtiisu Iskuulada ka baxaan.

Inkastoo Xasan laga taageeray Abuurka beerta iyo Shiidaalka Cagafta uu wax ku beero hadana wuxuu beertiisa ku maalgeliyey lacag dayn ah si uu ugu hormariyo beertiisa.
“Waxaan soo amaahday lacag aad u badan, qiyaastii $ 6,000, taas oo aan u isticmaali jiray beerista dhulka, soo iibsashada abuur kale oo aan beero iyo kharashka aan siiyo shaqaalaha,” ayuu yiri Xasan.

Gudoomiyaha Ururka Beeraleyda degmada Baardheer Maxamed Cabdiraxiin Gatow ayaa sheegay in Ayaxu burburiyey 847 dhul beereed mudo todobaad gudihiisa kuwaasoo ay kujirto beertiisa.

Maxamed ayaa sheegay in aysan wax caawimaad ah ka helin maamulka degmada, hase ahaatee beeralleyda ayaa sameeyey dadaalo ay iskaga cayrinayaan Ayaxa taasoo ah farsamooyin dabiici ah sida qiiq loo shido, daasado loo garaaco iyo in dad wata oodo isku xiran socod ku maraan dhulka uu ku dego.

“Annaga oo ah ururka beeralayda ah waxaan abaabulnay dadka beeraleyda ah iyo dhalinyarada oo aan isticmaalno waxkasta oo aan ku kaxeyno, dabaa loo shiday, tanagyo ayaa loo qaraacay, ood baa lagu jiday meelkasta oo uu dago ood baa intii la isku soo xir xiro ayaa orad lagu dhex maraa.” ayuu yiri gudoomiyaha beeraleyda Baardheere.”

Isuduwaha wasaarada beeralayda ee maamulka Jubbaland u qaabilsan degamdda Baardheere ee gobolka Geddo ayaa Radio Ergo u sheegay inaysan ka maamul ahaan lahayn awood dhaqaale iyo mid farsamo oo ay kaga hortagaan Ayaxa, Inkastoo uu sheegay in dawlada Federalka ah ee Soomaaliya maamulka gobolka Geddo u balan qaaday 10 haamood oo kuwa Cayayaanka lagu buufiyo ah kuwaasoo loo isticmaali doono degmooyinka Luuq, Doollow iyo Beled-Xaawo oo ahaa deegaanadii ugu horeeyey ee Ayaxu dhibaateeyey.

Arintaas ayaa ka dhigan in beeraleyda Baardheere oo kamid ah kuwii u danbeeyey oo Ayaxu soo gaaro ay sugi doonaan haamaha inta deegaanadii hore wax lagaga qabanayo. Cali Maxamuud Cali oo khabiir ku ah cilmiga beeraha iyo deegaanka, ayaa Radio Ergo u sheegay in Ayaxa hadda deegaanka ku habsadey aan dalka lagu arkin mudo 60 sano ah.
Sida laga soo xigtay Hay’adda cuntada iyo beeraha u qaabilsan qaramada midoobey ee magaceeda loosoo gaabiyo FAO, 70,000 hektar cabirka beeraha ah kuna yaala Soomaaliya iyo Itoobiya ayuu sanadkan baabi’iyey Ayaxa. FAO waxay ka digaysaa in Ayaxu ilaa 500 oo jeer ku dhufan karo dhulalkaasi ilaa bisha June hadaan ka hortag la samayn.

Ayaxu wuxuu soo duulay markii dadku isu diyaarinayaan goosashada wax soo saarka dalagayda ay beerteen xiligii Dayrta oo roobab wanaagsan ka da’een guud ahaan dalka. waxayna kusoo beegantay xili beeraleydu ka rajo qabeen inay kasoo kabtaan abaarihii daba dheeraaday ee dalka ka dhacay.

Previous Post

Luuq: Nolosha oo ku adag qoysaska kasoo qaxay gobolka Itoobiya

Next Post

Sool: Qodista ciida dhismaha oo dhibaato u keentay Beeraleyda iyo Xoolo dhaqatada

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Sool: Qodista ciida dhismaha oo dhibaato u keentay Beeraleyda iyo Xoolo dhaqatada

Sool: Qodista ciida dhismaha oo dhibaato u keentay Beeraleyda iyo Xoolo dhaqatada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo