Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Luuq: Nolosha oo ku adag qoysaska kasoo qaxay gobolka Itoobiya

Radio Ergo by Radio Ergo
January 25, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Soomaalilaan: Dad baahi iyo haraad u geeriyooday

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Luul Maxamed Isaaq waa hooyo 42 jir ah oo haysata 7 caruur ah, waxay ku nooshahay xeradda Kulmiye oo dhinaca koonfureed ka xigta degmada Doolow ee gobolka Gedo oo ay deganayd ilaa bishii June ee sanadkii hore 2019, Luul ayaa kamid ah qoysas kasoo qaxay deegaanka Nagayle ee dalka Itoobiya oo ay ka dhaceen colaado u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Luul iyo caruurteedu waxay ku nool yihiin guri buush ah oo ka samaysan maryo iyo kartoomo la isku tolay. ma haystaan cunto joogto ah iyo biyo ku filan waxayna ku nool yihiin cuntooyin aan joogto ahayn oo ay ka helaan dad ehelkooda ah oo deegaanka ku sugan.

Hooyadan oo iyadu keligeed korsata caruurteedda ayaa kasoo carartay colaada qowmiyadeed ee ka dhex qaraxday qoomiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee ku nool koonfurta Itoobiya, iyadoo kusoo qaxday gobolka Gedo oo dad ehelkeeda ah hore u joogeen. Luul ayaa sadexdii bilood ee lasoo dhaafay caruurteeda u geysey qoysas kala duwan oo ku nool magaalada kadib markii ay waydey raashin ay ku quudiso.

“Saddexdii bilood ee la soo dhaafay carruurtii lix ka mid ah waxaan u kala geeyey qoysas magalada ku nool oo qaraabo aan nahay, waxaan u waayey waxaan siiyo, markii intii ay igu dul dhiman lahaayeen inaan sidaas yeelo ayaa ila noqotay” ayey tiri Luul.

Luul oo ninkeeda ay kala tageen laba sano ka hor ayaa kasoo qaxday gurigeedii oo ku yaala deegaanka Nageyle ee gobolka Oromada ee Itoobiya, Radio Ergo ayay u sheegtay in dhamaan lacagtii ay wadatey ay kusoo raacday baabuur xamuul ah oo ay caruurteeda iyo iyadu soo raaceen kagana soo gudbeen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Boqolaal Itoobiyaan ah oo kasoo qaxay colaada qoomiyadaha ku salaysan ee Itoobiya ayaa hadda xaaladooda nololeed aad u liidataa.

Suuban Cabbey oo ah 24 jir ayaa kamid ah qaxootiga Itoobiya kasoo cararay, waxay ku nooshay xero ay ku nool yihiin dadka kasoo barakacay gudaha oo la yiraahdo Gaaluun, iyada iyo sadex caruur ah oo ay dhashay ayaa halkaas degan, dhowaan ayay umushay ilmaheeda ugu yar sadexda caruur ah. waxay subax walba webiga kasoo dhaamisaa biyo ay dadka kasii gado marka ay soo qaado iyadu oo halkii jirikaan oo qaada 20 litter ay ku gado 2 Kun oo shilinka Soomaaliga ah, shaqadaas ayay nolol maalmeed uga raadisaa caruurteeda hase ahaatee waxa ay ka hesho ma daboolaan nolosheeda.

“Afar jirikaan ayaan awood u leeyahay inaan soo dhaansho maalintii, qoysas magalada ah ayaan iga iibsada, wixii aan ka helo, waxaan siistaa hal mar wax carruurta aan u karsado.” ayey tiri Suuban.

Suuban odaygeeda oo lug ka naafo ah ayaa la socda, Waxay qorshaynaysaa inay ka guurto xerada ay degan tahay una guurto magaalada Luuq, si ay nolol wanaagsan u hesho, in kasta oo aysan lahayn xirfad iyo lacag midna taasoo ay adag tahay in nolosha magaalada ay la qabsato.

Qoysaska qaar ayaa duruufuhu ku qasbeen inay ka guuraan xerada Gaaluun kadib markii ay mudo bilooyin ah helin waayeen wax gargaar ah . Mana cadda halka ay ku dambeeyeen.
Maryan Maxamuud, oo ah hooyo laba carruur leh, ayaa Radio Ergo u sheegtay in xerada ay kala kulmaan caqabado aad u tiro badan, kuwaasoo ay ka mid yihiin la’aanta biyo nadiif ah oo la cabo iyo cunno. Waxay sheegtay in ay wabiga u doontaan biyo ay cabaan oo kasoo dhaansadaan iyadoo biyaha webiga inta badan wasakhaysan yihiin oo aysan ammaan ahayn in la cabbo. Maryan ninkeedu waa shaqo la’aan wuxuuna aadaa magaalada oo uu marmar kasoo helo cunto ay reerka ugu soo dhiibaan dad eheladiisa ah oo magaalada degan.

Inta badan qoysaskan waxay ahaayeen xoolo dhaqato, waxayna noloshoodii xoola dhaqatanimadu ku burburtay colaada iyo dagaalada qowmiyadeed ee ka kajira deegaankoodii.

Kuxigeenka madaxa arimaha bulshada ee degmada Luuq, Cabdimajiid Xasan Cali ayaa Radio Ergo u sheegay in 800 oo qoysas qaxoti ah ku sugan yihiin deegaanka Luuq kuwaas oo mudo afar bilood ah aan helin wax gargaar ah. maamulka degmada ayuu sheegay inaysan lahayn wax awood ah oo dadkaa ay ku caawiyaan.

“Waxaanu dadkaas u diiwaan gelinay qaxooti ahaan maadaama ay ka yimaadeen dal kale oo xuduud kasoo gudbeen, waxay ku sugan yihiin xaalad aad u adag, qaarkood suuqa ayay tagaan si ay wax uun usoo helaan.” ayuu yiri Cabdimajiid.

Maamulka degmada ayaa qoysaskaasi qaxootiga ah siiyey dhul ay degaan, balse ma laha suuliyo iyo dhamaan adeegyada aasaasiga ah.

Previous Post

Hargeysa: barakacayaasha oo lagu tababaray Xakamaynta dabka xeryaha saameeya

Next Post

Gedo: Ayax burburiyey wax soosaarka beeraleyda degmada Baardheere

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Waraysi: Faadumo Jibriil oo ka waramaysa timir ay ku beertay deegaanka Durduri ee gobolka Sanaag

Gedo: Ayax burburiyey wax soosaarka beeraleyda degmada Baardheere

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo