Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Hargeysa: barakacayaasha oo lagu tababaray Xakamaynta dabka xeryaha saameeya

Radio Ergo by Radio Ergo
January 23, 2020
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Hargeysa: barakacayaasha oo lagu tababaray Xakamaynta dabka xeryaha saameeya

Kaydka sawiradda Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Ciidanka dabdamiska Somaliland ayaa maaraynta khatarta dabka ku tababaray sadex boqol oo qof oo laba boqol iyo toban kamid ah haween yihiin, dadka la tabaray oo ah barakacayaasha degan xeryaha Naasa-Hablood A iyo Naasa-Hablood B ee duleedka magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland. labadan kaam ee dadka loo tababaray ayaa ilaa shan goor dab ka kacay labadii sano ee u danbeeyey.

Xeryaha barakacayaasha ayaa aad khatar ugu ah in dab kaco, guryaha la dego ee xeryaha ayaa ka sameysan alwaax, caag iyo maro. Dabka ayaa si dhakhso leh u faafa guryahaasi gaar ahaan xilliyada dabayshu socoto.

Sahro Xasan Guuleed ayaa ka mid ah dadka uu saameeyay, waxay walaasheed oo 65 jir ah ayaa ku dhimatay dab xerada ka kacay bishii Abriil 2019, xili ay diyaarinaysey maryo ay isku xirxirtay oo ay doonaysey inay guriga dushiisa saarto kadibna dab ku qabsaday, Radio Ergo ayay u sheegtay in xili saqdhexe ah uu dabkaasi kacay khasaare badana u geystey.

” Ilaa hadda waa dareemayaa saamyntii dabkaasi diiftiisii baa weli iga muuqta, wax nooga baxay muu jirin nafteena uun baan la yaacnay wixii carari karey, Saqdhexe ayay ahayd qof walba dabka ayuu ku toosay meel uu u baxana waa garan waayey qofba doc buu ka baxay, dadka qaar baa caruurihii ka tegey qaar baa caruurta uun la baxsaday.” ayay tiri.

Xaawo Ibraahim Siciid oo ah hooyada lix caruur ah, gurigeeda ayaa gebi ahaanba gubtey iyadoo aysan uga badbaadin wax agab ah sida, dhar,weelka cuntadaiyo waxkasta oo u dhexyaaley gurigeeda buush ah ee gubtey. Radio Ergo ayay u sheegtay in tababarkan maaraynta dabka ay si iskeed ah uga qayb qaadatay si ay mustaqbalka danbe uga diyaar garoowdo dhibaatooyinka dabka iyo xakamayntiisa.

“Waxba maanu aqoon ee dad jaahila ayaanu ahayn, dad aan waxba haysan waanu ahayn, dad aan aqoon hore haysan oo aan waxba garanayn oon far iyo qalin iyo b na aqoonbaanu nahay. Waxay iga bedeshay farsamadii la i baray ilaahay naguma keenee haddii uu na qabsado waan diyaarsanahay uun,” ayay tiri.

Ciidamada Dab-damiska Soomaaliland ayaa barakacayaasha baray farsamo fudud oo jawaano ama maryo la qooyay loogu bakhtiin karo dabka. sidoo kale waxaa la baray isticmaalka haamo yaryar oo loo isticmaalo dabdamiska, Tababarka kadib waxay dab-damisku labada xero midiiba siiyeen 50 haamood oo ah kuwa yar yar ee looguna tala-galay xakamaynta khatarta dabka oo ay dhigeen guryo ku yaal meelo kala duwan iyo kaydka raashinka gargaarka ah ee xeryaha si dadka masuulka ka ahi ay ula soo ordaan hadiiba dab koco. Madaxa warbaahinta ee dab-damisku wuxuu u sheegay Radio Ergo in dadkaas lagu xushay aqoonta ay leeyihiin iyo qaarkood oo ka mid ah horjoogayasha xeryaha,Haan walba waxaa ku jira budo dambas u eg waxaana ay wadataa tuumbo marka biinyar oo haya laga furo uu naqas ka imanayo.

Ururka maxaliga ah ee ee SOS oo ka hawlagala Somaliland ayaa ciidanka dab damiska ka caawiyey tababarka bixintiisa iyo qalabka xeryahala dhigayay. Xeryahan oo ay deganyihiin kun iyo lix boqol oo qoys ayaa jira muddo toban sano ah waxaana degay dad xoolo dhaqato ah oo kasoo barakacay bariga iyo waqooyiga magaalada Hargeysa iyo danyartii iska bixin kari waayay lacagaha lagu kireeyo guryaha magaalada Hargeysa. Cabdiwajaab Cismaan Jaamac oo ah madaxa xiriirka dadweynaha ee Hay’ada tuulooyinka caruurta ee SOS.

“Waxaan rabnay inay fahmaan sida dabku u billowdo, waxaa sababa dabka, sida looga hortago, iyo haddii ay dhacaan sida loo maareeyo xaaladda illaa ay dabdamisku yimaadaan goobta,” ayuu yidhi.

Xeryaha Nasa-hablod A iyo B oo ku yaal dhinaca woqooyiga magaalada Hargeysa waxaa degan 1,600 oo qoys oo soo barakacay 10kii sano ee la soo dhaafay. Qoysaska intooda badan waa xoolo dhaqato, laakiin qaar ka mid ah qoysaska danyarta ah ee magaalada Hargeysa ku noolaa oo iska bixin kari waayey kirada guryaha ayaa iyaguna ku soo biiray xeryaha si ay u helaan gargaar bini’aadannimo.

Previous Post

Burco: Qoysas barakacayaal ah oo la siiyey dhul ay degaan

Next Post

Luuq: Nolosha oo ku adag qoysaska kasoo qaxay gobolka Itoobiya

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Soomaalilaan: Dad baahi iyo haraad u geeriyooday

Luuq: Nolosha oo ku adag qoysaska kasoo qaxay gobolka Itoobiya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo