Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dhadhaab: Ardayda dhamaysa dugsiyada sare oo ku celceliya imxitaannada si ay u helaan deeq waxbarasho

Radio Ergo by Radio Ergo
January 13, 2020
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhadhaab: Ardayda dhamaysa dugsiyada sare oo ku celceliya imxitaannada si ay u helaan deeq waxbarasho

Maxamed Cali Xasan /Axmed Cabdilaahi Jaamac/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ardayda dhamaysta waxbarashada dugsiyada sare ee ku yaalla xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, Kenya ayaa muddooyinkii dambe billaabay inay ku celceliyaan imtixaanka dugsiga sare ah, si ay u keenaan natiijo wanaagsan oo u suuragelin karta helista deeq waxbarasho oo dowladda Kanada ay siiso ardayda qaxootiga ah.

Deeqaha waxbarasho ee ay bixiso dawlada Canada oo ay ka faa’iidaystaan ardayda dhameeyey dugsiyada sare ee xeryaha ku yaala waxaa shuruud u ah in Ardaygu keeno natiijo saraysa. ugu yaraan wiilasha waa inay keenaan derejada B+ halka gabdhaha laga rabo ugu yaraan inay keenaan B- waana buundo ay adag tahay in qof walba keeno. maamulayaasha Iskuuladda kuyaala Xeryaha Dhadhaab oo Radio Ergo la hadlay ayaa sheegay in in ardayda sanadkan gashay Imtaxaanka ku celiska ah ay gaarayaan ilaa 100 arday.

Maxamed Cali Xasan oo ah arday 23 jir ah ayaa kamid ah ardayda Imtaxaanka ku laalaabtay Imtaxaankii u danbeeyey wuxuu galay bishii November ee sanadkii hore isagoo markale isu diyaarinaya inuu dhigto fasalka 4-aad ee dugsga sare ee Waaberi oo kuyaala Xerada qaxootiga ee Xagardheer, inkasta oo aan la weli aqbalin. hore wuxuu imtixaamka qaran ee dugsiga sare u fariistay labo jeer oo isku xigta. waxaa ugu dambeysay sanadkii hore 2019-kii oo uu keenay darejaa C-, taasoo la mi ah natiijatii uu keenay Imtixaankii sanad dugisyeedkii kasii horeeyay ee 2018-kii.

“Waxaan ku khasbanahay inaan dib u dhigto Iskuulkayga bal inaan fursad ka helo deeqaha waxbarasho si aan Jaamacad u helo waxay ku xiran tahay inaan buundo saraysa hadii aanan iskuulka ku laaban oo buundo saraysa keenin Imtaxaanka sanadka danbe ma lihi rajo kale oo aan Jaamacad ku heli karo.” ayuu yiri Maxamed.

Inkastoo rajadiisa waxbarasho Jaamacadeed ku xiran tahay dib u bilaabista Iskuulka ayuu ka cabsi qabaa in laga diido dib ugu laabashada Iskuulka maadaama hore uu u dhamaystay laba goor waxbarashada dugsiga sare.

“Ma awoodo, qof iga bixinayaana ma haysto, danta iyo duruufta ayaa waxay igu khasbeysaa in sanadkan sedexaad in aan kulaabto oo halkaa aan ka raadiyo in aan waxka helo dedaakeygana aan sii wado”.ayuu hadalkiisa raaciyey.

Maxamed waxaa uu Xeryaha Dhadhaab yimi sanadkii 2005-tii, isaga oo ka yimi magaalada Bu’aale ee gobolka Jubada dhexe ee Soomaaliya wuxuu soo raacey qoyska awoowiihi hooyadii dhalay oo uu ilaa hadda la nool-yahay. wuxuu sheegay in sababta uu awoowihii ugu soo kexeeyay xeryaha qaxootiga ahayd in uu waxbarto. maadaama aanuu hore Iskuul u gelin. waxaa ka go’an in in uu ka miradhaliyo himiladiisii ahayd in uu helo deeq waxbarasho Jaamaceed ah gaar ahaan fursaddda naadirka ah ee dalka Canada loo tago. Isagoo sheegay in hadii Iskuulada xeryaha loo diido uu iska diiwaan gelin doono Iskuulada gaarka loo leeyahay oo bishii ay ku baxdo lacag dhan 5000 oo lacagta kenya ah lacagtaasoo uu ka bixin doono Awoowihiis Hooyo oo uu la joogo.

Waxaa jira arday markii ay dhowr jeer ku hungubaan ku celcelinta Imtixnaada ka tanaasula riyooyinkooda ah in ay deeq Waxbarsaoh Jaamacadeed ka helaan debadda, waxaa dhalinyaradaa ka mid ah Cumar Cabdi Gaarane oo ah 24-jir ku nool Xerada Xagardheer ee Dhadhaab. waxaa uu imtxaankiisi ugu horeeyay ee dugsiga sare ka galay iskuulka sare xerada Xagardheer sanadkii 2016-kii, Isagoo keenay dejada C,isagoo 2 goor oo ku laabtay Imtaxaanka aysan uga imaan wax isbedel ah oo ka duwan natiijada imtaxaankiisii u horeeyey.

Cumar ayaa sheegay in maadaama aan qowskoodu awoodin in ay Jaamacad ka bixiyaan uu ku khasbanaadey in uu sanado badan ku bixiyo sidii uu ugu meel mari lahaa natiijo sare oo uu keendasado, laakiin taasi ay qayb ahaan meesha ka baxdey, hase yeeshee uu weli maanka ku hayo in uu Jaamacad galo.

Ardayda ku celceliya imtixaanka Dugsiga sare waxba kuma kordhiyaan Natjiijada ay helaan marka koobaad, qaarkood na waxay keenaan natiijooyin aad uga hooseeya kuwii hore, waxaa ee kaga luma wakhtigooda qaaliga ah sida Radio-ergo u sheegay Cabdiweli Xuseen Maxamed oo ah Maamulaha Ikuulaadka Al-bushra. wuxuu xusey in markii ardaydu ay dhowr jeer ku celiyaan imtixaanka ay oo ay gaari waayaan hamigoodii ay taasi u keento rajo xumo ah dhinaca mustaqlbalkooda Waxbarasho.

Cabdiweli waxaa sheegay in deeqda yar ee dalka Canada uu siiyo ardayada qaxootiga ah aanuu filnayn dhamaan ardayda dugsiyada sare, haddii qofwalbaa mustaqbalkiisa ku xiro deeqdaa waxbarasho ay dhibaato u keeneyso ardayda.

” Arday walba sida uu ku ahaa galaaska boqolkiiba boqol kuma noqdo imtixaanka waa sax waa fiican tahay in ardaygu uu hiigsi yeesho oo is dhoho Canada tag , laakiin maaha rajadiisa oodhan inuu ku xiro deeq waxbarasho oo aan la ogayn qof heli doona iyo qof kale.” ” ayuu yri Cabdiweli Xuseen Maxamed .

Dhalinyarada ka baxda Iskuuladda sare ee Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab marka laga reebo inyar oo nasiib u yeesha deeqdaha waxbarashada ee sare qaarkood waxay u laabtaan Soomaaliya si ay shaqo ugu raagsadaan cilmiga ay barteen, kuwo kale na waxaa ay iska sii joogaan xeryaha qaxootiga iyaga oo noloshooda ku maareeya shaqooyin yaryar oo kala duwan.

Previous Post

Dhegeyso: Xaalad caafimaad darro oo ka jirta deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool

Next Post

Sanaag: Meherad qofka sheekeeya uu dadka oo dhan Shaaha u shubo

Related Posts

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool

February 7, 2026
Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 5, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
Next Post
Sanaag: Meherad qofka sheekeeya uu dadka oo dhan Shaaha u shubo

Sanaag: Meherad qofka sheekeeya uu dadka oo dhan Shaaha u shubo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-FEB-2026

IDAACADDA 07-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-FEB-2026
February 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-FEB-2026
February 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-FEB-2026
February 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-FEB-2026
February 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo