Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Xarumo keyd oo kobciyay wax-soo-saarka kalluumaysatada Somaliland

Radio Ergo by Radio Ergo
December 5, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
QIIMAHA KALUUNKA OO KOR U KACAY MUQDISHO

RadioErgo/sawir hore

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Tiro kordheysa oo ah dad isugu jira xoolo-dhaqato iyo dhallinyaro ay shaqo-la’aan haysatay oo ku sugan Somaliland ayaa noqonaya kuwo markii ugu horreysay noloshoodu ku tiirsan tahay kalluumeysiga. Arrinkan waxa uu imaanayaa kaddib markii ay dowladda Somaliland ka hirgelisay lix deegaan oo xeebaha ku yaal xarumo lagu keydiyo kalluunka oo ku shaqeynaya qalabka dabka ka dhaliya cadceedda. Sida ay sheegeen iskaashatooyinka kalluunka ee deegaannadaas, ugu yaraan 250 oo qof oo u badan xoolo-dhaqatada gobollada Awdal, Saaxil iyo Sanaag ayaa labadii bil ee u dambeysay ku biiray xirfadda kalluumeysiga.

Wasaaradda Xannaannada Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee Somaliland waxay qaboojiyeyaasha dhigtay deegaannada xeebaha ku yaalla ee kala ah Meydh, Xiis, Bullaxaar, Saylac, Laas-uurweyne iyo Laasqorey, halkaas oo ay kalluumeysatada toddobaad iyo ka badan wixii ay badda kala soo baxaan ay ku keydsan karaan iyadoo aan wax lacag ah laga qaadin.

Naasir Xaashi Xandulle, guddoomiyaha iskaashatada kalluumeysiga degmada Bullaxaar oo ku taalla gobolka Saaxil ayaa sheegay in ay 75 qof oo cusub ay kusoo biireen kalluumeysiga degmada. Wuxuu isaga keliya sanadkan shaqaaleeyay afar qof. “Dhallinyartii ayaa dhiirigeshay oo aad u galay baddii. Dad badan oo aan magaaladii aqoon ayaa yimid oo noloshooda ka soo saarta kalluumeysiga,” ayuu yiri Naasir. Shirkado waaweyn sida Horn Fish ayaa hadda kalluunka ka daabula Bullaxaar si ay ugu suuq-geeyaan magalooyinka waaweyn sida Hargeysa, Gebiley, Boorama iyo Wajaale.

Yuusuf Nuur Ismaaciil oo dhallinyaro ah, kuna biiray kalluumeysatada xeebaha Xiis ayaa sheegay in markii shaqada kalluumeysiga uu koboc wanaagsan ku yimid uu billaabay shaqadan. “Waxaanu sameynay inaan kalluunka ka ganacsano oo Berbera u qaadno, Ceerigaabo geyno, tuulooyinka geyno, Yemen u dhoofinno, markaanu baraf dhaliyihii iyo meel aanu ku kaydino helnay.”

Yuusuf, qaraabadiisa ayaa ka caawisay inuu iibsado laash uu ku kulluumeysto. Wuxuu toddobaadkii suuq-geeyaa 500 ilaa 1,000 kiilo oo kalluun ah. Habeenkii ayuu kalluunka soo dabtaa, wuxuu ku keydiyaa qaboojiyaha xarunta, kaddibna Jimcooyinka ayuu Berbera u safriyaa. Marka uu iska bixiyo gunnada shaqaalaha iyo lacagta shidaalka, wuxuu toddobaadkii faa’iidaa $300. Wuxuu ku filnaaday nolosha qoyskiisa; xaaskiisa iyo 11 carruur ah. Wuxuuna ka shaqaynayaa inuu maalgashi ballaarinaya ku sameeyo gnaacsigiisa. “Laashash ayaan iibsannay, dabadeedna waxaa ay noqotay inaanu tallaagado kale sameyno oo markaanu doonno aan talaagadaha saarno oo kalluunka aan ku gayno tuulooyinka iyo magaalooyinka. Si aad ah ayay isku beddeshay noloshu oo meel aad ah ayay noo maraysaa,” ayuu yiri Yuusuf.

Ismaaciil Mire oo ah agaasimaha waaxda kalluumeysiga ayaa sheegtay in wasaaraddu ay ku faraxsan tahay natiijada mashruuca qaboojiyeyaasha oo uu lacagtiisa bixiyay sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) oo ah mid uu taageero Midowga Yurub. “Waxaanu ugu talagalnay waa jiheyn oo waxaan doonaynaa in bulshadii xooluhu ka baxeen iyo bulshadii kale ee noloshoodu ku tiirsaneyd ee laakiin hadda tahli waayay badda ku dareeraan khayraadkaas dihin ee badaheena ku duugan oo noloshoodu ay ku dhisnaato,” ayuu yiri Ismaaciil.

Previous Post

Dad danyar ah oo dhibbaato kala kulmay diidmada shilin Soomaaliga

Next Post

Sarkaal boolis ah oo u istaagay in uu u hadlo dadka la nool xanuunka Aydhiska

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Sarkaal boolis ah oo u istaagay in uu u hadlo dadka la nool xanuunka Aydhiska

Sarkaal boolis ah oo u istaagay in uu u hadlo dadka la nool xanuunka Aydhiska

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-MAY-2026

IDAACADDA 26-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo