Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Sarkaal boolis ah oo u istaagay in uu u hadlo dadka la nool xanuunka Aydhiska

Radio Ergo by Radio Ergo
December 6, 2019
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Sarkaal boolis ah oo u istaagay in uu u hadlo dadka la nool xanuunka Aydhiska

Bashiir Cusmaan Cawad wuxuu rabaa in uu ka hortago faquuqa lagu hayo dadka la nool xanuun Aydhiska?Yuusuf Shire/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Bashiir Cusmaan Cawad oo ah Sarkaal Boolis oo ka tirsan Maamulka Puntland, madaxna ka ah saldhig ku yaalla galbeedka magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, ayaa nooga sheekeeyay nolashiisa iyo sida uu u la noolyahay Xanuunka HIV / AIDS-ka.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaana 1-dii Bishan December oo ku beegneyd maalinta Caalamiga ah ee HIV / AIDS-ka u dalacsiiyay Bashiir derajada Gaashaanle. Hadana wuxuu uu horseed u yahay olole loogu talagalay in looga hortago faquuqa ay la kulmaan dadka qaba caabuqa HIV / AIDS-ka.

Weriyaha Raadiyo Ergo ee Garoowe ayaa Bashiir ka wareystay caqabadaha uu kala kulmo bulshada, noloshiisa shaqsiyeed iyo sida uu ugu dhacay Xanuunkan.

Bashiir: Noloshaydu waa wanaagsan tahay. Ma dareemayo xanuun. Tan iyo markii aan bilaabay inaan isticmaallo dawooyinka ka hortagga Xanuunka waan fiicanahay, waxaan ahay sida qof caadiya oo kale, Waxa kaliya ee aan la kulmo ayaa ah takoor bulshada dhexdeeda ah. Markii dadku maqlaan ereyga HIV / AIDS, waxay bilaabayaan inay kaa fogaadaan. Culayska kaliya ee jira waa takoorka bulshada dhexdeeda ah. Taasina waa sababta aan u doortay inaan bilaabo ol’ole wacyi-gelin ah. Waxaan ka hadlaa goobaha dadku isugu yimaadaan, sida Masaajidyada, xarumaha warbaahinta sida Idaacadaha & TV-yada. waxaanan u sameeyaa waaya-aragnimadayda, iyo muddad aan la noolaa xanuunkan wixii aan soo arkay.

Ergo: Maxaad dareentay Markii ugu horeysay ee aad ogaatay inaad qabto caabuqaan?

Bashiir: Markii ugu horreysay ee layga helay fayraska, qaar ka mid ah askartii booliska ahaa ee saldhigii aan heystay ayaa iga la fogaaday salaantii. waxkasta oo la igu dhaho aniga aad ayeey ii dhibayeen maxaa yeelay xaaladdu aniga way igu cusbeyd markaas. Tan iyo wakhtigaas, si kastaba ha noqotee, wax badan ayaa iska kay badalay oo hadda wax caadiya ayey ii noqotay. Dhibaatadayda si furan ayaan u la wadaagaa dadkayga iyo adduunkaba. Waxaan rabaa inaan la hadlo kuwa ku hadla af-soomaaliga iyo qof kasta oo i fahmi kara. Waan sii wadi doonaa ololahan. Waxaan goobjoog ka ahaa dhacdo ka dhacday Magaaladan oo qof mayda oo u dhintay AIDS lagu maydhay biyo iyo Xaaqin, Waxaan sidoo kale arkay qof ay diidaan eheladiisa oo beeniyeen inuu iyaga ka tirsanyahay. Arrinta ugu badan ayaa ah in marka qof uu fayraska ku dhaco ay lumiyaan rajada noloshiisa. Aniga ahaan, waxaan aaminsanahay in haddii qofku isku Xiro Alle. waxba aysan ka qaldami doonin.

Ergo: Sidee baad ku qaaday HIV / AIDS?

Bashiir: Waxaan guursaday agoosto 2016, seddex bilood guurkayga kaddib, waxaan dareemay astaamo xanuun, qandho iyo matag. Bishii afraad ee guurkeenna waxaa daciifay tabartaydii. Haweeneydu waxay markasta cuni jirtay daawo aanan waligay arag oo markaan weydiinaya igu tiraahdo waxaan u cunayaa xasaasiyad.

Waxaan is oran jiran hadba wax kala duwan oo niyadeyda ku soo dhaca, marmar ayaan u qaadan jiray inay uur ka hortagayso oo diidayso inay ilmo qaado. marka waxaan isku dayay in aan helo macluumaad dheeri ah oo ku saabsan dawooyinkan ay qaadanayso. Markii dambe, waxay bilowday inay si joogto ah oga baxdo xaafadda waxaana bilowday inaanu muranno oo halkaas ka bilowdo isku dhacayagii koobaad. Sidii loo joogay ayey hal habeen ah qaadatay waxkasta oo guriga yaalay oo aan boorsadaydii ka ahayn. Subaxnimadii, waxaan imid gurigii aniga iyo nin sarkaal ah oo aan saaxiibo nahay, waxaanan islaheyn bal ka soo quraacda, mise waxaan nimid guri faaruq ah oo boorsadeydii kaliya dhextaalo. Waan wacay iyadii si aan u weydiiyo sababta ay uga guurtay guriga. Waxayna igu jawaabtay “Waad dhiman doontaa – Waad dhiman doontaa” dhowr mar ayeeyna igu cel-celisay kalmadaas,

Ergo: Maxaa dhacay intaas kaddib?

Bashiir : Markaa kaddib ayuu saaxiibkay igu yiri war naagtu amay xanuunkaas qabtay (HIV) waxaan isku dayay in aan isdajiyo si ay xaqiiqda igu sheegto laakiin saaxiibkay ayaa igu qanciyay inaan isa soo baaro, waana maalintii aan ogaaday iney i qaadsiisay xanuunkan. Anigu Ma ogeyn in ay jirto xarun lagu baaro HIV. Waxaan u ku idhi waxaan u imid wiilkii i baarayay waxaan doonayaa inaan dhiig shubo, waxaanan bixiyay hal dollar oo adeeg ah. Kaddib qolka gudihiisa markaan galay ayaan wiilkii i baarayay oon si fiican isku naqaanay ku iri war xanuunkaas ayaan doonayaa in aan iska baaro. Markiiba jawaab imuusan siin, waxaanan arkay isagoo iga hormarinaya dad iga dambeeyay oo uu jawaabahoodii siinayo, taas ayaana walwal kale oo hor leh igu abuurtay, laakiin markii danbe ayuu wiilkii dhakhtarka ahaa meel gaar ah iila baxay waxaanan u sheegay inaan ahay nin ku kalsoon qadarta alle iyo waxkasta oo xag alle iiga yimaada, wuxuuna ii cadeeyay inaan qabo Xanuunka.

Ergo: Sidee ayaad dareentay markaas?

Bashiir: Caadi ayaan iska ahaa, runtii waxaan kasii walwal badnaa markii hore ee aan u soo socday isbitaalka laakiin markii aan heley jawaabta waan xasilay.

Ergo: Maxaad markaa sameysay?

Bashiir: Dadka marka laga helo cudurkan waxaa loo diraa qof qaraabadiisa ah oo caawiya ama goobjoog ka noqda, marka waxaan u yeeray inaadeerkey. Waxaan sidoo kale ku iri horay usoo qaad xaas kale oon qabay, waxaanan ka codsaday in baaritaan lagu sameeyo iyadana. Waxaana cadaatay ineysan waxba qabin iyadu. Xaaskayga runtii markaas wey i garab istaagtay waxeyna ii sheegtay in xanuunka isaga haya uusan iyada meelna oga maqneyn, weyna i dajisay Xaqiiqdii.

Ergo: Ma jiraan wax khilaaf ah oo u dhexeeya qoyskaaga iyo iyada qoyskeeda?

Bashiir: Maya, ma jirin, mana ogi anigu. Iyadu waxay ka timid gobol kale oo Soomaaliya ka mid ah oo aan hadda halkaan ka sheegeyn, anigu uma bixinayo wareysigan si aan lacag ugu helo, laakiin waxaan doonayaa in aan dadka Soomaaliyeed ku dhiirigaliyo in kuwa isguursanaya ay is baaraan ka hor guurkooda, waana arin ay sameyn karaan lamaane kaste iney is baaraan guurkooda ka hor iyo in aan u sheego kuwa la nool fayraskan in ay mas’uul ka yihiin, dadka kalana gaarsiin.

Ergo: Sidee u wacyigalisaa hadda dadka la nool HIV / AIDS-ka?

Bashiir: Marka hore, waxaan ka hadlaa warbaahinta. Waxaan bilaabay inaan tan sameyo dhowaan waana sii wadi doonaa. Hadafkeygu waa inaan sii wado ololaha maxaa yeelay waxaan arkay inay dhibaato badan ka jirto deegaankeena. Dhibaatada ka jirta guud ahaan Soomaaliya ayaa ah in ay jiraan dad lagu qiyaasay 11,700 oo la nool xaaladdan. Taasi waa uun qiyaas, ma aha tirada dhabta ah. Laakiin waxaa jira kaliya 3,000 oo hela daryeel caafimaad. Welwelkeygu waa waxa Soomaaliya ka dhici doona haddii dadku arrintan wax ka qaban waayaan, dadkaasna lagusii hayo Takoor

 

Previous Post

Xarumo keyd oo kobciyay wax-soo-saarka kalluumaysatada Somaliland

Next Post

Qoysas ku barakacay fatahaadda biyo-xireenka Jameeco

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Qoysas ku barakacay fatahaadda biyo-xireenka Jameeco

Qoysas ku barakacay fatahaadda biyo-xireenka Jameeco

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo