Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dad danyar ah oo dhibbaato kala kulmay diidmada shilin Soomaaliga

Radio Ergo by Radio Ergo
December 5, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Soomaaliya: Dadka ayaa dhibaato ku qaba isticmaalka doolarka iyo adeegga EVC

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cabdi-mahad Cabdillaahi oo ku nool magalada Cadaado ee gobolka Galgaduud wuxuu weli la daalaa dhacaya saameynta ganacsigiisa ay ku yeelatay lacagta shilin Soomaaliga labo sano ka hor laga diiday gobollada dhexe ee waddanka. Ganacsadahan iyo dadka oo tukaanley u badan waxaa ka burburay ganacsigooda kaddib markii ka qasaartay lacag malaayiin ah shilin Soomaali ah oo ay dukaamada ay ku haysteen sabab la xiriirta sariflayaasha iyo dadka leh gancsiyada waawayn oo sheegay in lacag been abuur ah la soo geliyay suuqyada gobolka Galgaduud.

“Markii lacagtu dhacday, lacag 55 malyan ah oo udhiganta 2,000 oo dooler ayaa iga dhacday, Waxaan u laabtay noloshii aan markii hore ka soo bilaabay ee hoosaysay,” ayuu yiri Cabdi-mahad

Cabdi-mahad ayaa lacag $60 oo uu ehelkiisa ka helay ku bilaabay sannadkii 2011-kii in alaabaha yaryar ee bagaashka ku wareejiyo gaari-gacan gudaha magaalada. Balse dedaal badan oo uu bixiyay kaddib waxaa uu ku guulaystay in ganacsigiisa uu balaariyo. Nasiib-xumo waxaa saamayn balaaran ku yeeshay ganacsigiisa diidmadii shilin Soomaaiga ee bishii toddobaad ee 2017kii taa oo u horseeday in uu dib u bilaabo hardankii uu kula juray noolasha adag. Waxa uu Raadiyo Ergo u sheegay in lix bil kaddib uu dib u tijaabiyo ganacsiga isagoo markaan $300 oo dayn ah iyo raashin dad macaamiishiisa ah ay u dhiibtaan oo uu u sii lacageeyo ku galay.

“Dadkii Markii hore aan ka soo adeegan jiray ayaa isoo siiyay dayn aan badnayn iyo xoogaa waxyaabo kale oo aan u sii lacageeyo, Halkaas ayaan ka dhex raadiyaa $2 ama $3,” ayuu yiri Cabdi-mahad oo ah abbe dhalay 4 wiil iyo laba gabdhood. Dhibbaatada ugu badan ee uu Cabdi-mahad wajahaya ayaa ah cillado ku yimaada lacagaha la isugu diro telefoonnada gacanta ee loo yaqaanno EVC-ga.

“Marka aad suuqa timaado nuska saac ee subaxnimo oo hal saac gaaro, oo dad badan kaa adeegtaan ayaa waxaa dhacaysa in cilad ay ku timaado adeegii mobilkii illeen wax gacan ah ma jiraane waa EVC-ye,” ayuu ku cataabay Cabdi-mahad oo sheegay in uu dhib ku qabo cilladaha soo noqnoqda ee EVC-ga.

Khayre Muuse Faarah oo ah xoogsade ku shaqaysta gaari-gacan gudaha magaalada Cabudwaaq waxaa uu Raadiyow Ergo u sheegay in uu la la daaladhacayo dhaqaalo xumo uu sabab uga dhigay isticmaal la’aanta shilin Soomaaliga tan iyo sanadkii 2017. Sida uu u sheegay Raadiyow Ergo, waxaa uu shaqaynsan jiray lacag gaaraysa labo boqol oo kun shilling maalintii ka hor inta aan la diidin lacagta shilinka.

“Baahida noohaysa lacagta shilin Soomaliga ah, waxa weeye, waxaa ay ahayd wax kuu muuqda oo aad arkaysid oo gacanta laga dhiibayo hadda wax noo muuqdaba ma haysano, Lacag Baraka badan ayay ahayd, waan ku qanacsanayn inta aan helno, Lacagta hadda socota waxaa ay igu ka liftay in aan aqoon waayo, si aan familkayga wax u kala siiyo,” ayuu yiri Kheyre oo ah abbe haysta afar gabdhood iyo seddex wiil.

Faaduma Axmed Cabdillahi oo iyna biibito lagu iibyo sharaabka qabow iyo shaaxa ku ku leh magaalada Cabudwaaq waxaa ka qasaaray lacag gaaraysa afar milyan oo shilling Soomali ah sanadkii 2017ka. Balse dhibaatada ugu wayn waxa ay kala kulantay isticmaalka adeegga EVG-ga oo aysan horay u adeegsan jirin. Faadumo bilowgii sanadkan ayay bilowday in maadada xisaabta iyo far-Soomaliga  barato kaddib qasaaro ay kala kulantay aqoon la’aanta adeegga ay isticmaalayso

“Shanqarta taleefoonka ayaan dhageysan jiray oo marka uu ciyo ayaan dadka dhihi jiray waan haystaaye iska taga, Kaddib qasaarooyin markay i soo gaareen oo taleefoonka marka la iifiryo la i oranayo intaas baa ku jirta, ayaan isku taxluujiyay in aan waxkabarto, EVC-ga qof aan xisaabta iyo farta aqooni ma isticmaalikaro,” ayey tiri Faadumo oo uu qoyskeeda ka kooban yahay shan ruux.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 5-DEC-2019

Next Post

Xarumo keyd oo kobciyay wax-soo-saarka kalluumaysatada Somaliland

Related Posts

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Next Post
QIIMAHA KALUUNKA OO KOR U KACAY MUQDISHO

Xarumo keyd oo kobciyay wax-soo-saarka kalluumaysatada Somaliland

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-SEP-2026

IDAACADDA 12-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-SEP-2026
September 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo