Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Soomaalida oo malaayiin doolar ugu deeqay dadka ay saameeyeen fatahaadaha

Radio Ergo by Radio Ergo
November 27, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Soomaalida oo malaayiin doolar ugu deeqay dadka ay saameeyeen fatahaadaha

Dhallinyarada magaalda Garowe oo cunno gargaar ku raraayo baabuur 4tii Nofembar/Maxamed Saalax/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waxaa jiray dadaallo deeqsinimo oo ay hormuud u yihiin dad Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha iyo dibedda wadanka. Dadaalladaas ayaa looga gollahaa in gargaar lagu gaarsiiyo kumannaan dhibbane u noqday daadad ku dhuftay gobollada Hiiraan, Gedo iyo Bay.

Wadarta guud ee lacago ay soo u ruuriyeen guddiyo laga abaabulay magaalooyinka Boosaaso, Garowe, Qardho, Baran, Laascanood, Muqdisho, Galkacyo, Kismaayo, Cabudwak, Guriceel, Matabaan, Boorama iyo Dhuusamareeb ayuu Raadiyow Ergo ku ogaaday in ay gaarayso 2 milyan.

Sheekh Fuaad Afloow, oo madax u ah guddi laga abaabulay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada ay Beledweyne soo gaarsiiyeen 12,700 oo kiish oo raashin qiimo ahaan ku kacaya $420,000. Gargaarka oo Beledweyne soo gaaray intii u dhexaysay 19ki bisha Nofembar iyo 21ka Nofembar ayaa waxaa lagu soo raray 21 baabuurta xammuulka ah. Sida uu sheegay sheekha, lacagtan waxaa iska soo uruuriyay maamulka Puntland, qurba-joog reer Puntland iyo kuwa ku nool gudaha Puntland.

“Annaga boqolkiiba boqol ma dabooli karno, laakiin waxaan rabnaa haddii alle idmo gargaar aad u xoog badan in la geeyo,” ayuu yiri Sheekh Fuaad.

Cunno bisil sida sabaayadda iyo dhar ay iska soo gureen dad reer Garowe ayaa la geeyay magaalada Beledweyne intii u dhexaysay 31 Oktobar ilaa 2 Nofembar, sida uu sheegay Maxamed Yusuf Tigey oo ka mid ahaa hoggaanka kooxo dhalinyaro ah oo gurmadka isku-dubariday. Sidoo kale waxaa Beledweyne gaaray 12 baabuur oo sida  raashin gurmad ah oo ka yimid  Galkacyo, Cabudwak, Guriceel, Matabaan, Dhuusamareeb

“Sahayda la dirayo waa mid deg degga ah, tusaale ahaan Garowe waxaa laga diray cunto markii dadka loo tago horay laga siinayo oo ay sabaayaddu ka mid ahayd, timir, buskud, kalluun, caano-boore, biyo sifaysan, qofku meel uu dabku shito haduusan haysan bariis iyo baasto la siiyo waxba tari mayaan,” ayuu yiri Maxamed.

Shirkadaha waa weyn ee magaalada Muqdisho iyo bulshada magaaladaas ayaa gurmadka iyaguna ugu yaboohay lacag hal milyan oo doolar, sida uu sheegaayo Sheikh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee hoggaaminayay gurmadka ka socday Muqdisho.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in $750,000 oo lacagtaas ka mid ah mar horeba lagu caawiyay dadka fatahaaddu heshay eek u sugan magaalada Beledweyne halka inta kale loogui talagalay magaalooyinka Bardaale iyo Jowhar.

Jaaliyadaha dibedda ayaa qudhoodu gacan ka geystay gurmadka. Waxaa Raadiyow Ergo loo xaqiijiyay in Sheikh Maxamed Cabdi Umal uu toddobaad ka hor geeyay Beledweyne lacag $303,000 oo ay soo aruuriyeen bulshada iyo ganacsada Soomaaliyeed ee Kenya.

Inkasta oo ay bulshada aad ugu heelan yihiin caawinta dadka ay saameeyeen fatahaada, haddana waxaa yar haddii ba ay jirto islaxisaabtan iyo hufnaan lagu sameeyay ol’olahaan gurmadka. Sheekh Fuaad ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in raashiinka gurmad ka ah loo qaybiyay 7,000 oo qoys oo lagu soo xulay heerka daruuftooda. Wuxuu sheegay in guddigooda uu korjoogta ka ahaa xilligii la qaybinaayay gurmadka. Lakiin dadka soo barakacay ayaa ka cabanaaya in aan la siin gargaarka sababo la xiriira hayb-sooc.

Maryan Xaaji Cabaase oo hoggaaminasay ololaha Laascaanood ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in haweenka ayaana kaalin weyn ka ciyaarayay ololaha loogu gurmanaayo dadka ay fatahaadaha saameeyeen.

“Walaalahaygaa Beledweye markaan arkay sawirkii koowaad ee damiirkayga kiciyay wuxuu ahaa sawirkii magaalada oo wada biyo ah ahayd,” ayay tiri Maryan.

Ayadoo ay jiraan u heelanaan iyo in laga jawaabo baahiyaha jira, ayaa haddana waxaa jira baahi ah helitaanka warbixin ku saabsan baahiya dadka soo barakacay, cidda la siiyay gargaarka iyo sida lacagtaas tira badan loo maareeyay, iyadoo ay xusid mudan tahay gargaarka caalamiga ah iyo kan gudaha ay kala duwan yihiin.

Balse weriye gudaha ku sugan ayaa qabo sidan “Guddiyadan waxaa hogoomiya shaqsiyaad bulshada dhexdeeda xushmad ku leh, sida hogaamiyayaasha diinta, odayaasha, ganacsatada iyo aqoonyahanada. Sidaas darted ayaa ba lacagta loogu aaminay.”

Kabtan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u xaqiijiyay in ciidamada dowladdu ay ay qabteen laba baabuur oo xamuul ah oo raashin gurmad ah ka keenay gobolka Galguduud balse ku dejiyay bakhaaro gaar loo leeyahay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa eedaymahaas gaashaanka u daruuray guddoomiyaha Beledweyne Cismaan Dhicisow Dhuubow oo sheegay in gurmadka lagu hagaajinayay guddi ay ku jiraan ganacsatada waa weyn ee gobolka Hiiraan iyo ururro dhallinyaro oo abaabulan, kuwaas oo ay korjoogtaynayaan maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la caawiyay 30,000 oo qoys oo qaarkood la siiyay lacago caddaan ah oo ka yimi bulshadda.

“Waxaa dhici karta qofku inuu sed bursi, meel kale u eegayo qof baa wax la siiyo ama uu khalad fahamsan yahay ama uusan isagu wax helin, laakiin waxaa la doonayaa inuu isku qanciyo haduusan maanta wax helin maanta walaalkiis oo baahan baa wax helay, haduusan maanta helinna beri buu heli doonaa, hadii uusan helinna illaah baan u qorin,” ayuu yiri guddomiyaha.

Dhank kale, waxaa jiray kooxo hubaysan oo qabsaday 21 gaadiidka gurmad siday oo ka soo baxay magaalada Boosaaso kuna sii jeeday magaalada Beledweyne. Gaadiidka ayaa lagu qabsaday deegaanka Bandiiradlay ee gobolka Mudug oo 60km koonfur ka xigta magaalada Gaalkacyo.

Arrintan oo dhacday 16kii Nofembar ayaa waxaa soo farageliyay maamulka gobolka Mudug kaddib kacdoon dhanka baraha bulshada oo ay sameeyeen dad Soomaaliyeed taa oo sababtay in la sii daayo gaadiidka.

Axmedweli Abuukar Axmed, agaasimaha waaxda gargaarka ee wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ayaa rumaysan in culays badan oo jiri lahaa uu daboolay gurmadka ay shacabka ka samayeen gudaha wadanka.

“Dadka Soomaaliyeed waxay qaban karaan intaan in ka badan, haddase waxay sameeyeen sidii ugu wanaagsaneed,” ayuu yiri Axmedweli.

 

Previous Post

Baydhabo: Boqollaal bukaanno ah oo la siiyay adeeg caafimaad oo lacag la’aan

Next Post

Dhoobley: 6,000 oo qoys oo ku barakacay daad ka dhashay roob mahiigaan ah

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Roobab dabaylo wata oo dad ku laayay gobolka Awdal

Dhoobley: 6,000 oo qoys oo ku barakacay daad ka dhashay roob mahiigaan ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo