Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Boqollaal bukaanno ah oo la siiyay adeeg caafimaad oo lacag la’aan

Radio Ergo by Radio Ergo
November 26, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Baydhabo: Boqollaal bukaanno ah oo la siiyay adeeg caafimaad oo lacag la’aan

Qaar ka mid ah dhaqaatiirta oo dawaynaya bukaanno/Muxuudiin Xusni/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xaawo Macalin Abshir iyo carruurteeda waxaa ay ka mid yihiin 706 qof oo adeegyo dawayn bilaash loogu fidiyay gudaha magaalada Baydhabo. Labo ka mid ah carruurteed oo la baaray ayaa laga helay malaariya halka iyaduna la siiyay dawooyinka gaaska.

Koox dhaqaatiirka ah ayaa seddexdii todobaad ee u danbeysey  dawayn ka waday seddex xero oo ku yaalla Baydhabo iyo xabsiga dhaxe ee magaaladaas. Xerada ay ku nooshahay Xaawo oo la yiraahdo ADC1 ayaa waxaa adeegyadaan ka faa’iiday 203 qof oo ka mid ah dad ku nool xeradaas.

“Waad u jeeda waxaan soo qaatay dawooyinkan noocyada kala duwan leh, xaley ma seexan xanuun dartiis, gaaska aad iigu kacsanaa, Alle ayaa isoo adeejiyay dhaqaatiirtan,” ayay tiri Xaawo oo ah hooyo haysata sagaal carruur ah.

Xaawo iyo qoyskeeda waxay ka afar sano ka hor ka soo barakaceen Daynuunay kaddib abaar saamaysay deegaakooda.

Waxaa sidoo kale ka faa’iiday adeegyadaan Bunow Maxamed Cabdi oo ah 50 jir ku nool mid ka mid ah xeryaha magaalada Baydhabo oo sheegtay in la siiyay dawo ay u isticmaalii doonto dhayida jilb xanuun mudaba ku hayay. Bunow oo haysata lix caruur ah oo kala ah afar gabdhood iyo laba wiil ayaa lix sano ka hor ka soo barakacday degmada Bardaale ee gobalka Bay.

“Si la yaab leh ayaa uu xanuun ii hayay sanadahan, meel aan u cararin oo isbtaal ah ma lahan, meeshii aan tagaba lacag ayaa la i weydiinayay,” ayay tiri Bunow u mahad celisay dhaqaatiirta.

Maxamed Macalin Cabdulaahi iyo seddex carruurtiisa oo ku nool xero barakac waxaa laga daweeyay malaariyo kaddib baaritaan ay u fidhiyeen dhaqaatiirta. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in mudo laba todobaad ah ay carruurta ka caajisnaayeen, uu na ku faraxsanahay in xanuunka hayay laga daaweeyo.

“Qaar caloosha ayaa laga hayay, kuwana way qufacayeen, qaar qandho aan ka jabin ayay lahaayeen, dhamaanteena dawada waan qaadanay,” ayuu yiri Maxamed

Kooxdan dhakhaatiir ah oo ka socotay Isbitaalka Tiirow iyo qaar ka mid ah dadka ka ganacsada dawada ayaa bixinayay adeegyadan. Dhaqtar Isxaaq Maxamed Tiirow oo ah agaasimaha Isbitaalka Tiirow oo howshan hogaaminayay ayaa sheegay in dadkan ay ka daaweeyeen cudurka malaariyada iyo shuban biyood. Dadka la daweeyay ayaa kala yimid xeryaha kala ah Tosilow, Xanaano, Bidabiday iyo xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo. Dhaqtar Isxaaq ayaa sheegay in 26 ka mid ah dadkaas ay ahaayeen maxaabiis ku xiran xabsiga.

 

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 26-NOV-2019

Next Post

Soomaalida oo malaayiin doolar ugu deeqay dadka ay saameeyeen fatahaadaha

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Soomaalida oo malaayiin doolar ugu deeqay dadka ay saameeyeen fatahaadaha

Soomaalida oo malaayiin doolar ugu deeqay dadka ay saameeyeen fatahaadaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo