Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dhoobley: 6,000 oo qoys oo ku barakacay daad ka dhashay roob mahiigaan ah

Radio Ergo by Radio Ergo
November 28, 2019
in Arrimaha Bulshada, Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Roobab dabaylo wata oo dad ku laayay gobolka Awdal

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – 6,000 oo qoys ayaa ku barakacay daad ka dhashay roob mahiigaan ah oo ka da’ay magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Roobka ayaa si xooggan uga da’ay magaalada dhowr maalin oo xiriir ah. Madaxa xafiiska ee hay’adda barakaca iyo qaxootiga ee maamul goboleedka Jubbaland Axmednuur Cabdi Muxumed ayaa sheegay in daadku dumiyay ilaa 47 guri iyo 1800 oo suuli. Wuxuu Axmednuur intaa ku daray in roobku saameynta ugu weyn ku yeeshay qoysaska danyarta ah iyo kuwa ku nool xeryaha dadka barakacay oo horey u degganaa guryo nugul.

Xaliimo Deerow Maxamuud iyo carruurteeda ayaa ka mid ah qoysaska daadku barakiciyay ee hadda la nool qoys deggan xaafadaha dhulka sarreeya ku yaal ee Dhoobley. “Gurigii oo dhan biyo ayaa qaaday oo wax raashin ah ama agab iyo gogol ah kama aysan badbaadin,” ayay tiri Xaliimo oo ah hooyo heysta toban carruur ah. Waxa ay intaa ku dartay in daadku uu sidoo kale la tagay bagaash iyo badeecooyin kale oo u yaalay dukaan yar oo guriga uga dhex furnaa. Waxaa ka khasaaray hanti dhan $1500 oo doolar.

Madaxa Xafiiska hay’adda barakaca iyo qaxootiga Axmednuur Cabdi waxa uu sheegay inay kooban tahay awoodda xafiiskiisu ku caawin karo dadka ku barakacay daadka, se waxa uu xusay inay ku jiraan abaabulka hay’adaha gargaarka ee maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah si deg deg wax loogu qabto dadka waxyeeladu gaartay.

Sareedo Salaad Cabdi iyo shanteeda carruurta ah waxay ka mid yihiin 1700 oo qoys oo hadda si ku meel gaar ah u deggan tuulo Ceel-dhiig la yiraa oo ku taal duleedka magaalada. Waxa ay ka mid ahayd qoysaska horey usoo barakacay ee ku noolaa xerada Danwadaagta. Gurigeedii bacaha iyo qoryaha ka sameysnaa roobka ayaa dumiyay. “Saddex habeen ayaan dhex joognay biyaha iyo daadka roobka. Meel aan u baxno iyo meel aan aadno ma heysan. Maanta uun baan halkan soo gaarnay,” ayay tiri Sareedo.

Guddoomiyaha degmada Dhoobley Siyaad Maxamed Xasan ayaa baaq deg deg ah u diray dowladda federaalka ah iyo maamulka Jubbaland oo uu weydiistay inay deg deg ugu soo gurmadaan dadka degmada ee daadku barakiciyay.

 

Previous Post

Soomaalida oo malaayiin doolar ugu deeqay dadka ay saameeyeen fatahaadaha

Next Post

Puntland: Qoysas loo qaybiyay burjikooyinka dhuxusha-beeqaamiya

Related Posts

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Next Post
Puntland: Qoysas loo qaybiyay burjikooyinka dhuxusha-beeqaamiya

Puntland: Qoysas loo qaybiyay burjikooyinka dhuxusha-beeqaamiya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-SEP-2026

IDAACADDA 12-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-SEP-2026
September 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo