Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Puntland: Qoysas loo qaybiyay burjikooyinka dhuxusha-beeqaamiya

Radio Ergo by Radio Ergo
November 29, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Puntland: Qoysas loo qaybiyay burjikooyinka dhuxusha-beeqaamiya

Qaar ka mid ah haween la siiyay burjikooyinka dhuxusha beeqaamiya/Yusuf Shire/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Labo bilood ka hor, Faadumo Yusuf Cabdiraxmaan waxaa ay la daalaadhacaysay xal u helidda isticmaalka dhuxusha balse hadda waxaa ay si wayn u mahadisay burjikooyinka dhuxusha beeqaamiya oo ay ka heshay Wasaaradda deegaanka maamulka Puntland.

Waxaa ay ka mid ahayd boqol ganacsato ah oo ku nool magaalooyinka Boosaso, Garowe, Qardho, Gaalkacyo, Badhan, Dangoroyo iyo Burtinle oo la siiyay 2,100 xabo oo burjikooyin  ah si ay faa’iido dhaqaale uga helaan iyaguna u isticmaalaan.

Faadumo oo ku ganacsato suuqa magaalada Garowe ayaa labo bilood ka hor la siiyay 10 burjiko oo 9 ka mid ah ku iibisatay lacag dhan $162. Sida ay u sheegay Raadiyow Ergo, qoyskeeda waxaa uu bishii isticmaali jiray 3 kiish oo dhuxul ah taas oo lacag ahaan u dhiganta $54 balse hadda markii ay heleen burjikooyinkan cusub ay isticmaalaan kiish iyo bar dhuxul ah oo qarash ahaan u dhiganta $27.

“Agabka lana siiyay waxyaabo badan ayaan ka faa’iidnay, oo si gaar ah waxaan ka sii gadnay dad danyar ah oo markii hore suuqa qaali laga siinayay. Waxaan kalo ka faa’iidnay degdeg oo cunadii ay ku bisleynayso, Ardaygii iskoolka aadayay iyo wixii lamid ah, marka faa’iidooyin badan ayaan ka helnay,” ayay tiri Faadumo oo heysata toddobo carruur ah oo ay dhashay iyo 5 ay walaalaheed dhaleen oo isugu jira 5 gabdhood iyo 7 Wiil. Toddobo ka mid ah carruurtaas ayaa waxaa waxbarashadooda ku baxdo 134 doolar.

Dhanka kale, Wasaaradda deegaanka ee Puntland ayaa soo gabagabaysay barnaamij ay 2,750 qoys oo ku nool 19 degmo ay ugu qeybisay burjikooyinka dhuxusha tashiila, si loo yareeyo isticmaalka dhuxusha deegaannadeeda.

Barnaamijkan oo la billaabay sanadkii 2018-kii waxaa ka faa’ideystay dad isugu jira ganacsato yaryar iyo dad danyar ah, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay agaasimaha wasaaradda deegaanka Cabdicasiis Nuur Cilmi.

“Runtii hadda wax badan ayaa is badalay, tusaale magaalooyinka waaweyn waxaa waddooyinka taagnaan jiray baabuur dhuxul and xaabo wada, marka siyaasadeena ayaa waxay tahay in la yareeyo isticmaalkii dhuxusha, kaddibna la gaaro in la jabiyo waxybaaha kale ee dadku wax ku karsan karaan sida Gaaska cunnada,” ayuu yiri Cabdicasiis.

Cabdirsaaq Maxamed Cali oo ah khabiir dhinaca deegaanka ah ayaa ku baaqay in la balaariyo mashruucan.

“Burjikooyinkan tashiilka ah oo looga jeedo in lagu yareeyo dhirta badan ee la jarayo meesha ka saari meyso dhuxushii badneyd ee weli la gubayay laakiin waxay caawinaysa inay yaraato, tusaale kiishka dhuxusha ah 6 geed ayaa laga sameeyaa laakiin haddii nus kiish la isticmaalo seddex geed ayaa badbaadaysa,” ayuu yiri Cabdirsaaq.

Previous Post

Dhoobley: 6,000 oo qoys oo ku barakacay daad ka dhashay roob mahiigaan ah

Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 30-NOV-2019

Related Posts

blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas danyar ah oo soo kabasho ganacsi ka helay waddo cusub oo laga dhisay Badhan

August 12, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Carruur nafaqo celin loogu sameeyay Muqdisho markii ay taageereen ganacsato Somali ah

August 11, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 30-NOV-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-AUG-2026

IDAACADDA 18-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-AUG-2026
August 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-AUG-2026
August 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-AUG-2026
August 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-AUG-2026
August 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-AUG-2026
August 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo