Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Kumannaan arday oo ku waxbarasho beelay fatahaadda Baladweyne

Radio Ergo by Radio Ergo
November 7, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
blank

Iskuulka Sheekh Maxamed oo ay fatahaadda saamaysay/File Photo/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Fatahaadda webiga Shabeelle ayaa waxaa ay sababtay in 27,471 arday ay ku dhacdo waxbarasho la’aan gudaha magaalada Baladweyne saddexdii todobaad ee ugu danbeeysay. Arrintan ayaa timid kaddib markii siddeetan iyo toddobo xarumo waxbarsho oo ku yaalla magaalada iyo deegaannada kale ee hoos yimaado ay biyaha buuxiyeen.

Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Hiiraan Cismaan Maxamuud Cilmi ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhibbaatada ugu weyn ay wajahayaan ardayda fadhiisan lahayd imtixaanaadka dugsiga sare iyo dhexe ee magaalada. Ardaydan ayaa la filaayaa in galayaan imtixaanadka dowlada Soomaaliya ay qaadeyso sanadka dambe, iyadoo aysan ilaa hadda jirin goob kale oo ardaydu waxbarashada ku sii wadato oo la furay.

“Qoyaska mid kastaa halkii uu is leeyahay waa ku cayman kartaa ayuu u qaxay, xaallad dagnaan ah lagu ma jiro, meel aradayda leeys kugu geeyaa ma jirto, nabad ayay aradayda wax ku bartaan,” ayuu yiri Cismaan.

Xarumahan waxbarasho ee xirmay waxaa ka mid ah 66 iskuul oo ku yaalla magaalada Baladweyne iyo 21 ku yaalla deegaannada kale ee hoosyimado Baladweyne.

Cismaan Sanay Muxumed oo ka mid ah ardaday dhigato fasalka afaraad ee dugsiga sare ee iskuulka Sigma ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in fatahaaddu ay saameysay qayb ka mid ah noloshiisa kaddib markii ay biyaha ka qooyeen 4 ka mid ah buugagtii iskuulka.

blank
Mid ka mid ah fasallada Iskuulka Mujamac oo ay biyuhu saameeyeen/Axmed Cabdi Xuseen/Ergo

“Gurigeenii meel kore ayaa buugta ii saarayd, weyna qoyeen, guri labaad ayaan u barakacnay, isagiina biyahaa noogu soo galay, wan ka sii barakacnay guri sadaxaad ayaan iskugu imaanay,” ayuu yiri Cismaan.

Cismaan oo qoyskoodu daganaa xaafadda Xaawo Taako ayaa walaac ka muujiyay in uu si buuxda isugu diyaarin karo istixaanka. Aabbaha dhalay Cismaan oo ganacsade ahaa ayay biyaha ka galeen dukankiisa balse nasiib wanaagsan alaabta dukaanka kama qoyaamin, wuxuuna u gaystay dukaanno saaran meel taag ah.

Axmed Dhaqane Cali waa maamulka iskuulka Sheikh Maxamed Macalin oo ay dhiganaayeen 1080 arday. Iskuulka hadda waxaa maasheeyay biyaha, wuxuuna walaac ka qabaa in ay helaan qarasha ay ku dayactiri karaan iskuulka.

”Biyaha si toos ah oo xoog leh ayay iskuulka u buuxiyeen, banaanadii hadday tahay,  musqulahii hadday tahay waa buuxiyen, taasina waxay keenaysaa in wakhti aad u dheer iskuuladu aysan furmin,” ayuu yiri maamulaha Iskuulka Sheikh Maxamed oo ay wax ka dhigaayeen 35 macallin. 392 gaber ayaa iskuulka wax ka barato.

Jaamac Suuley oo ka mid ah barayaasha Iskuulka Mujamacwaxaa wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in xaallada qoyskiisa ay aad u liidato maaddaama dhaqaalihii iskuulka ka soo geli jiray oo ah $200 ay istaagtay. Hadda waxaa ay qoyskiisa ku nool yihiin goob ay u qaxeen kaddib markii ay biyo soo galeen gurigooda.

Shukri Cali Maxamed oo dhigata Mujamac waxaa ay ka mid tahay ixtixaan dugsiga sare gali lahayd balse waxbarashadeeda ayaa hadda hakad gashay kaddib fatahaaddii ku dhufatay magaalada.

Cibaado Cilmiwaxaa ay ka qaxday gurigeeda kaddib markii ay biyo soo galeen. Cibaado seddex carruur ah aya u dhiganaysay fasalka 12aad.

“Maya maya meel wax lagu barto ma jirto dugsiyadii iyo iskuuladii carruurto wax ku baran jirtay biyaha ayaa naga sameeyay oo waa galeen,” ayay tiri Cibaado.

Previous Post

Webiga Shabeelle oo ku fatahay 43 tuulo ka tirsan golbolka Shabeellada-Dhexe

Next Post

Gabadhii ugu horaysay ee Boosaaso ka noqotay wade gaadiidka dadwaynaha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Gabadhii ugu horaysay ee Boosaaso ka noqotay wade gaadiidka dadwaynaha

Gabadhii ugu horaysay ee Boosaaso ka noqotay wade gaadiidka dadwaynaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo