Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Gabadhii ugu horaysay ee Boosaaso ka noqotay wade gaadiidka dadwaynaha

Radio Ergo by Radio Ergo
November 8, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Gabadhii ugu horaysay ee Boosaaso ka noqotay wade gaadiidka dadwaynaha

Ikraan Yuusuf oo ah gabadh taksiile ka ah magaalada Boosaaso/ Yuusuf Shire/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Iyada oo og in aysan bay’adda ay ku nooshahay in ay nadir yihiin haween ka shaqeeya gaadiidka dadwaynaha, ayay Ikraan Yusuf Cooraaf waxaa ay u bareertay in ay ka mid noqoto wadayaasha gawaarida taksiga ah eek a shaqeeya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Ikraan hooyada saddex carruur ah ayaa waxaa ay waddida gaari taksi ah bishii Agoosto kaddib markii uu burburay ganacsi yar oo ay ku laheyd Suuqa Boosaso.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in ay xirfaddan ku dooratay sidii ay haweenka kale ugu dhiiri galin laheyd shaqooyinka yar yar sida waddida tagsiga.

“Intee gabdhood ayaa hadda jaamacado ka soo baxay oo aan shaqana heysan marka hadda waxaan tusayay in gabadhu shaqeysan karto, waxna la soo bixi karto,” ayay tidhi Ikraan oo sanadkii 2016 dhameysay barashada culuumta xisaabaadka maaliyadda oo ay ka baratay Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Boosaso.

Ikraan waxaa ay shaqadeedan cusub ku bilowday Lacag dhan $2,000 kadib markii ay xaraashtay mehered lagu iibiyo maryaha oo ay furatay sanadkii 2011. Lacagta inteeda kale ee ay gaari ku gadatay oo gaaraysay $750 waxaa ku caawiyay walaasheed oo ku nool dalka dibadiisa.

Waxaa ay sheegtay in celcelis ahaan bishii ay hesho lacag u dhaxayso $300 ilaa $400 oo doolar. Ikraan ayaa sidoo kale Baabuurta keeda la mid ah waxaa ay ka soo iibisaa dalka Imaaraadka kaddibna ay dib u iibisaa. Sayga Ikraan oo u shaqayn jiray shirkad ganacsi ayaa waxaa ay shaqada ka istaagtay shan bilood ka hor.

“Odaygegu wuxuu iga caawiyaa shaqada guriga, adeegii ciyaalka iyo wixii kale ee guriga looga baahan yahay, ilmihiina in laga warqabo ayay rabaan intaan guriga ka maqanahay,” ayay tiri Ikraan oo hadda ka shaqeysa shirkad lagu dalbado habka Online-ka oo lagu magacaabo Dhaweeye oo ku dhawaad 600 gaari ay oga shaqeeyaan deegaannada Puntland. Ikraan waxaa ay celcelis ahaan maalintii gashaa 10 ilaa 15 safar.

Ikraan waxay lacagta ay ka hesho shaqadeedan ku dabartaa waxbarashada saddex caruurta ah oo ay iyadu dhashay kuwaas oo bil kasta ay kaga baxdo lacag dhan $ 45. Waxay shaqadeeda ku egtahay waqtiga salaadda maqrib maaddama ay dumar tahay.

Waxay mustaqbalka ku hanweyn tahay in ay iibsato gaadiid badan oo tagsiyo ah oo ay gaarto heer iyada loo shaqeeyo.

Previous Post

Kumannaan arday oo ku waxbarasho beelay fatahaadda Baladweyne

Next Post

Dhul go’ sababay hayaanka xoolo-dhaqatada Sool

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Next Post
Nugaal: Xoolo-dhaqato ka cabanaya cagta gaadiidka oo xaaluf ka dhigtay dooxooyin

Dhul go' sababay hayaanka xoolo-dhaqatada Sool

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 08-OCT-2026

IDAACADDA 08-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 08-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-OCT-2026
October 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo