Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Haweenka uurka leh ee ku nool Cabudwaaq oo ka faa’iidaystay adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah

Radio Ergo by Radio Ergo
October 30, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Shuban ka dillaacay Gaalkacyo

Kaydka Sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nasra Bishaar waxaa ay ka mid noqotay dhowr haween oo adeeg caafimaad oo bilaash ah ka helay isbitaal si gaar ah loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Cabudwaaq kaddib muddo ay dadka magaalada la daalaan dhacayeen adeeg caafimaad la’aan ka dhalatay xiritaankii xarunta hooyada iyo dhallaanka.

Soddon iyo labo saac oo ay foolanaysay kaddib waxay dhaqaatiirka isbitaalka Cabudwaaq General Hospital ku guulaysteen qaalliin lagu kala badbaadinaayay  Nasro iyo ubadka caloosheeda ku jiray.

“Marki hore dhaqaatiirtu waxa ay isku dayeen in iyaga oo aan iqaliin ay sida kale ii badbaadiyaan wayna suurto gali waysay, markii ilmaha ay kafka soo dhaafi waayeen markaas ayay dhaqaatiirtu go’aan gaareen qaliin,” ayay tiri Nasra, ayadoo intaas ku dartay “Markii aan foolanayay madaxa ayay wax k agaareen, qayb ka mid ah madaxa ayaa dhinac u dheereed laakiin la tacaal badan kaddib hadda madaxeedu wuu aruuray wayna wanaagsan tahay.”

Nasro oo inta aysan umulin ka hor lahayd goob ganacsi oo shaxa iyo cunooyinka fudud lagu kariyo. Waxaa ay hadda sheegtay in ay ka heli jirtay celcelis ahaan 30 kun oo shilin Soomaali ah.

Sidoo kale waxaa isbitaalkan ku dhalay Xamdi Maxamed Axmed oo muddo lix maalin ah ku foolanaysay deegaanka Yamaarugley. Waxaa ay sheegtay in dad eheladeeda ah oo Cabudwaaq joogay ay u sheegeen in adeeg caafimaad oo bilaash ah ka heli karto isbtaal ku yaal magaalada..

“Dhiiga oo igu yaraa waan dhaliwaayay dhaqaatiirtaan ayaa la igu soo xariiriyay sidaas ayaa la igu keenay halkan, iyaguna way ii gargaareen dhiig bay igu shubeen oo hal bac ah,(500) waana la i dhaliyay, aniga iyo cunigayga aad baan u wanaagsan nahay, Wax lacag ah la iga ma qaadin,” ayay tiri Xamdi oo 40 neef oo ah ku dhaqata miyiga deegaanka Yamaarugley. Inta aysan abaartu ku dhufan degaanka Xamdi waxaa haysatay 180 balse intooda badan waxaa ay le’deen abaartii.

Sida uu sheegaayo Dr Mustafe Maxamed Xasan oo gacanta ku haya qaybta adeegyada loogu qabto haweenka, Dhaqaatiirka Isbitaalka ayaa goaan ku gaaray in si bilaash ah loogu adeego haweenka uurka leh.

“Howsha way socotaa, dadka markii hore baahidu u haysay arintan ee ku fakarayay in ay caafimaad u aadaan Galkacyo, Dhusomareeb iyo Cadaado way dhamaatay halkan ayaan ugu samayna, Xilligaan aan ku lahdlayo wax yar ka hor waxaa halkan ku dhashay gabar baadiye laga keenay oo ilmo meyd ah ku jireen oo  la kurbaysnayd,” ayuu yiri Dr. Mustafe oo intaa raaciyay in celcelis ahaan maalintii 4 haween ah ay adeeg dhalmo siiyaan.

Dr Mustafe Maxamed Xasan ayaa sheegay in bilowgii hore ee barnaamijkan ay aad u yaraayeen haweenka isbitaalka kaga imaanayay miyiga maaddaama dadka reer guuraaga ah aysan ogaal u lahayn fursadan, balse bishii u danbeysay ay soo kordhayeen.

“Hal doolar xitaa xaaraanbey katahay in aan dadka laga qaadin ilaaheey dartiis ayaan ugu shaqayna dadka aan qalnay iyo kuwa caadiga udhalay. toban haween ah ayaan qaliin ku samaynay halka 30 kale ay isbitaalka si caadi ah ugu dhaleen, ” ayuu yiri Dr Mustafe oo tilmaamay in ay sii wadidoonaan barnaamijkan tabarucaadda ah inta laga helayo xarun guud oo hooyada iyo dhalaanka wax u qabata.

Bishii shanaad ee sanadkan ayaa xaruntii hooyada iyo dhalaanka ee Cabudwaaq oo ay gacanta ku haysay hay’adda IMC ay xirantay markii hay’addii maamulaysay ay ka baxday taasi oo ku qasabtay muddo laba bilood ah in haweenka xiliga dhalmada ku jira in ay socdaal ugalaan magaalooyin ka durugsan Cabudwaaq.

Previous Post

6,000 qoys oo ku barakacay daadad ku rogmay Bardaale

Next Post

Qiimaha raashiinka lagu kala iibsado suuqyada Afmadow oo sare u kac ku yimid

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Raashin yari ka jirta Bariga Fog ee Puntland

Qiimaha raashiinka lagu kala iibsado suuqyada Afmadow oo sare u kac ku yimid

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo