Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

6,000 qoys oo ku barakacay daadad ku rogmay Bardaale

Radio Ergo by Radio Ergo
October 29, 2019
in Wararkii u Danbeeyay
0
Baydhabo: Kumanaan barakacayaal ah oo daadadku ugu galeen xeryahooda

File Photo/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Lix kun oo qoys ayaa ka barakacay degmada Bardaale ee gobolka Bay kaddib markii ay magaalada ku soo rogmadeen daadad xooggan oo ka dhashay roobaab mahiigaan ah  oo ka da’ay dhanka miyiga, sida uu Raadiyo Ergo u sheegey guddoomiyaha degmadaas Maxamed Isxaaq Xasan.

Daadadkan ayaa soo billowday 20-kii bishan October, iyadoo ilaa hadda ay biyaha dhexfadhiyaan xaafadaha magaalada. Bakharradii ganacsiga iyo guriyaha ayay inta badan biyuhu galeen, iyadoo ilaa 240 neef oo ari ahna ay ku dhinteen daadadka.

“Daadadka Bardaale ku soo rugmadey waxay ka yimaadeen dhankaa iyo Shabeelow oo Bardaale u jirta 50 KM, ganacsiyo 80 dukaan ah way ku khasaareen, dhibaato adag baa ka jirta meesha, biyaha biyo la filinayay ma aheyn kedis ayay kusoo galeen marka dhibaatada ma yara,” ayuu yiri guddoomiya.

Qoysaska ka barakacay daadadka ayaa deegaan ku meel gaar ah ka dhigtay bariga magaalada, halkaas oo ah goob taag ah oo ay aysan saameynin ku yeelan daadadka socda. Roobka deyrta ayaa weli ka da’aya degmada iyo deegaannada u dhow.

Magaalada oo ka kooban afar xaafadood oo kala ah Horseed, Waaberi, Oktoobar iyo Axmed Gurey ayaa laga barakacay, laakiin waxay daadadku aad u saameeyeen oo dhammaan dadkii degganaa ay ka barakaceen xaafadaha  Waaberi, Axmed gurey iyo Horseed.

Faadumo Macalin Cabdiraxmaan waxay ka mid tahay dadka bannaanka magaalada u barakacay. Waxay daggeneyd xaafadda Horseed, xilli habeen bar ah ayay sheegtay in ay biyaha u soo galeen aqalladii ay ku jireen. Waxay xustay in 20-kii bishan xilli habeen ah uu waaga istaag ugu baryey, iyadoo carruurta qaar dhabarka ku heysa. Waxaana subixii soo badbaadiyay dhallinyarada magaalada oo ka caawiyay inay tagaan taagga.

“Annaga Mundul iyo Baraako ayaan deggeneyn, dhamaan wixii noogu jiray aqallada way mareen biyaha, waxba nooma harin, xitaa 12 digaagado aan dhaqaneyney biyaha ayaa la tagey, taag bannaan ah roobka kugu da’ayo ayaa iska joognaa,” ayay tiri Faadumo, ayadoo intaa ku dartay “Meeshan aan joogno badbaado nololeed ayaan ka soo raadsannay, uma imaan in daad kale noogu yimaado, hadda wax biyo ah ugama jeedno, soo gaari doonaanna ma ogin. Cunto ma helno, laakiin qofkii la arko isagoo wax afkiisa ku jiraan ayaa wax weydiisannaa.”

Fiidey Maxamed Isxaaq iyada iyo qoyskeeda oo siddeed qof ka kooban waxay  maalintii tobanaad xaalad nolol xumo ku haysataa duleedka Bardaale.

“Firaash ma heysanno, cunto ma lahan, alaab la qaadey malahan, keliya nafta ayaa la baxsaney, caruurta dhamaan duurka ayaa ku heynaa meel dugsi loo aado malahan,” ayay tiri Fiidey.

Siraaji Yuusuf Sheekh oo ka mid ah ganacsatada raashinka ee bakhaaradooda biyaha galeen ayaa sheegay in ilaa 120 loor oo bariis, bur iyo sokor ah ay ka khasaareen, kuwaas oo uu lacag ahaan ku qiimeeyay afar kun oo doolar.

“120 loor dhamaan biyaha yaa galey, qaar kale ayaa qaar biyaha gaarin badbaadiney, maxaa la iibiyaa oo la furaa ganacsi, qolka agtiisa biyo ayaa fadhiyo, meelaha taagga ah ayaa la taagan yahay wax kale oo la tarayo malahan, gurmadna ma socdo,” ayuu tiri Siraaji.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 29-OCT-2019

Next Post

Haweenka uurka leh ee ku nool Cabudwaaq oo ka faa’iidaystay adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

July 23, 2026
Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

July 20, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 16, 2026
Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug
Beeraha Iyo Xoolaha

Cunno xumo ka dhalatay ayax burburiyay dalag u beernaa beeraleyda Mudug

July 15, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar

July 14, 2026
Next Post
Shuban ka dillaacay Gaalkacyo

Haweenka uurka leh ee ku nool Cabudwaaq oo ka faa'iidaystay adeegyo caafimaad oo lacag la'aan ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-JUL-2026

IDAACADDA 25-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUL-2026
July 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUL-2026
July 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUL-2026
July 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUL-2026
July 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUL-2026
July 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo