Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nin xerada Dhadhaab ka sameeyay ganacsiyo guulaystay

Radio Ergo by Radio Ergo
September 30, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Nin xerada Dhadhaab ka sameeyay ganacsiyo guulaystay

Ali Tawane /Axmed Cabdulaahi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nuur Tawane oo 34 jir ah, wuxuu ku jiraa tiro aan badnayn oo ka mid ah dadka qaxootiga ah kuwaas oo ganacsiyo weyn ka sameeyay xeryaha Dhadhaab intii ay joogeen. Wuxuu hirgelyay shirkadda bixisa korontada ugu balaaran ee Xagardheer.

Wuxu ganacsigiisa aad u balaartay toddobadii sano ee ugu dambeeyay, laakiin markii hore wuxuu ku bilawday matoor yar oo dab iftiin ah siinayay 40 qoys taas oo uu hirgeliyay 2006dii. Dhaqaalaha xoogga leh ee uu ka sameeyay tamarta, wuxuu ku sii maal-geliyay warshad yar oo bixisa barafka, mid samaysa saabuunta dharka iyo Iskuul hoose/dhexe oo uu xerada ka furay.

Wuxuu Raadiyow Ergo u Raadiyo Ergo u sheegay in ganacsigiisu uu caawiyo qaxootiga, maaddaama dumar badani ay si dayn ah ku qaataan jalaatada deedna marka ay iibiyaan ay iska soo celiyaan lacagta.

“Haddii Maamadii aroortii Jalaato ay soo qaadeyno meel ay dhiganayso , durbaba waxay samaynaysaa dhaqaale, Ciddii ayay wax soo gelinaysaa, intaasaaba iigaga wanaagsan, sababtoo ah dadka badanaa waxay higsadaan saaka waa baxday, maqribkii maxaa faa’iido ah oo aad soo hoysay. Markaa waxaan ku xisaabasamayaa inta ruux ee aniga korkayga wax ku heshay, qowsna ku maareynayo, intaa iigaga wanaagsan iigagana fadli badan” ayuu yiri Nuur.

Dadka qaxootiga ah waxay bishiiba korontada ku bixiyaan lacag cayiman oo ah qoyskiiba ugu badnaan $12. Nuur Tawane oo dugsiga sare kaga baxay Xagardheer wuxuu Diblooma maamulka ganacsiga ka diyaariyay Ford College. Wuxuu u sheegay in uu la soo shaqeeyay ururo samafal iyo kuwa dhalinyaro, weligiisna uusan mushaarkiisu gaarin $100. Xilligan in ku dhow 30 shaqaale ah ayaa si joogta ah uga hawl-gala ganacsiyadiisa kala duwan.

Wuxuu sheegay in fursadda ganacsigan oo markaas jiray uu ku bilaabay $800 oo ah lacago uu ka aruuriyay mushaaradkii uu qaadan jiray. Tawane wuxuu sheegay in ganacsigiisa tamartu uu si bilaash u caawiyo qoysaska agoonta ah, xarumaha waxbarashada iyo goobaha cibaadada.

“681-qoys ayaan siinayaa yorontada, Tiradaa guud 48- ka mid ahi waa Masaajido oo wax lacag ah kama qaadno, waxaana kale oo siinaa 32-qows oo agoomo ah, waxaan kale oo siinayaa 12-guri oo dhalinyarada Iskuulka hadda akhrista oo guruub,guroob samaysay, dhalinyarada hadda Form 4-samaynaysa oo kale guryo ayaa dhahnaa kireysta, korontada na free ayaan ku siinaa,” ayuu yiri Nuur.

Shirkadda korontada ee uu leeyahay Nuur waxaa hadda yaalla 4-matoor oo nooca korontada ah oo midiiba kuu ku kacay dhaqaale 1800,000-shlilling, oo u dhiganta 18000 doolar. Nuur ayaa walwal ka qabo xaallada cakiran ka taagan xeryaha taa salka ku haysa dib u celinta qaxootiga.

“Qaxootigii haddda waxaan dhahaa oo ugu magac daraa ilgeeryeed buu leeyahay, marka qaxootigii waxay u muuqataa in aan xaaladiisii deganayn, dad faro badani waa laabteen dhalinyaradii ha u badnaadeene, kuwo kale iyagana waa sii socdaan, markaa ganacsiga aan meesha ku hayno na mid maanta iyo beri lagu qaadi karo maaha, markaa waxaa samaynayna qorshe oo aan meelo kale aan hantida ku geysan lahayn,” ayuu yiri Nuur oo ku hammi dheer marna ka burburin hal abuurkiisa ganacsi.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 30-SEPT–2019

Next Post

Arday ka faa’iidaysanayso waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah

Related Posts

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Next Post
Guurka degdegga ah oo dhibaato ku haayo waxbarasha gabdhaha ku nool gobolka Shabeelada Dhexe

Arday ka faa'iidaysanayso waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 30-MAY-2026

IDAACADDA 30-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 30-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-MAY-2026
May 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-MAY-2026
May 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-MAY-2026
May 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-MAY-2026
May 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo