Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Gabdho ka soo jeeda qoysas sabool ah oo ay waxbarsho la’aan ku hayso Burco

Radio Ergo by Radio Ergo
September 5, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Gabdho ka soo jeeda qoysas sabool ah oo ay waxbarsho la’aan ku hayso Burco

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Nasra Maxamed Omar oo  ah 14 waa gabar agoon ah oo ku nool magaalada Burco. Waxaa ay ka rajo dhigtay in ay sii wadato waxbarashadeeda. Nasra oo labadeeda waalid ay dhinteen kana soo jeeda qoys sabool ah ayaa wax-barashadeeda dugsiga hoose/dhexe ku soo qaadatay Iskuulka Tabantabo oo ah mid jiif leh balse hadda waxaa aysan rajo ka qabin in ay hesho wax-barasho dugsi sare ah.

“Ayeyday oo waayeel ah ayaan la joogaa, iyana ma awooddo 25ta doolar ee bishii lagu dhigto iskuulada sare, ma aqaan waxaan sameeyo,  waan iska joogayaa, hamigaygii waxbarashada ayaana halkaas ku banjaray” ayay tiri Nasro oo hadda ka walwalsan mustaqbalkeeda dambe.

Siddeed iyo toban gabdhood iyagoo ah ayay sanadkan dhameeyeen Iskuulka Tabantabo laakiin 10 ka mid ayaa igana ah sida Nasra oo kale waxbarasho la’aan ah oo aanan awoodin in ay iska baxshaan lacanta lagu dhinta dugsiyada sare. Halka toddobada kale ay fursad waxbarasho oo bilaash ah ay ka heleen iskuulka 15May.

Iskuulka Tabantabo oo ah mid loogu talo galay hablaha ayaa la furay sanadkii 2010 kadib dadaallo ay si wadajir ah u sameeyeen dadka deegaanka iyo kuwa qurbijoog ah si wax loogu baro carruurta agoonta ah iyo kuwa ka soo jeedo qoysaska saboolka ah.

Faaiso Cumar oo ah maamulaha iskuulka ayaa sheegtay in iskuulka ay dhingtaan 175 hablood oo ka kala yimid magaalada Burco iyo deegaannada ku hareeraysan.

“Iskuulku waa lacag la’aan oo lagama qaado ardayda waa tabaruc waxaana iskakaasha da dad muxsiina oo dhaqaalaha ku caawiya agoontan hablaha ah, dirayskooda buugaatooda iyo qalimaantood, waxaa hadda dhib nagu noqotay in aanan ardaydii marka ay kabaxaan fasalka sideedaad aanaan u hayn wax dugsi sare ah” ayay tiri Faadumo.

Caasho Jaaamac oo mid ka mid ah waaliddiinta dhalay carruurtaas ayaa sheegtay in gabdheeda, Fahiima Cumar Jaamac oo ah 15 jir ay dhamaysatay waxbarashadii dugisiga hoose/dhex ayna hadda xaafadda iska joogto. Gabadh kale oo ay dhashay Caasho oo iyana jirta 11 sano ayaa waxay hadda dhigataa fasalka lixaad.

“Waxaan ahay hooyo haysata carruur agoon ah, laba gabdhood ayaa ii dhigta iskuulkaan mudo sideed sano ahna way noo dhiganaysey imikase mushkulada noogu darani waxa weeye in ay hablihii kabexen  Dugsigiidhexe kana aanu lahayn Dugsi sare, anigana ka hooyo ahaan ma haysto wax dhaqaale ah oo aan ku maarayn karo inaan waxbarasho dugsi sare ugu helo gabadhayda,” ayay tiri Caasho.

Naciima Haybe waa mid ka mid ah gabdhaha nasiibka u helay farsadda waxbarsho ee uu bixiyay iskuul 15May. Waxay rajaynaysaa in ay noqoto macallimad oo ay gabdhaha kale.

“Inkastoo aan ku faraxsanahay inaan annigu fursad helay, haddana waxa igu ah dhibaato hablihii kale ee aan axsaabta ahayn inay uga haraan waxbarashada iskuul la’aan” ayay tiri Naciima.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 05-SEPT-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 07-SEPT-2019

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 07-SEPT-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo