Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Gabdhaha oo ku badanaya iskuullada mudug

Radio Ergo by Radio Ergo
September 16, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Dhadhaab: Windle trut oo hormarineysa waxbarashada gabdhaha qaxootiga

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) -Waxaa labadii sano ee u dambeysay kordhay tirada gabdhaha waxbarashada ku biiraya labo iyo toban deegaan oo ku yaalla gobolka Mudug markii ay isla kowsadeen xarumaha waxbarashada bilaashka ah bixiya iyo wacyigelin waxbaridda gabdhaha ah.

Deegaanadan oo ay ka mid yihiin Wisil, Bandiiradlay, Budbud, Ceel-dibir, Bajeela, Xaaro, Wargalo, Ceel-gula, Galbarwaaqo, Docol, Hobyo iyo Gawaan ayaa wixii ka horeeyay 2018-kii waxaa iskuullada ku yaalla dhiganayay 150 gabdhood oo keliya, iyadoo ay hadda dhigantaan 646 gabdhood, sida Radio Ergo uu u sheegay guddoomiyaha waxbarashada gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Jaamac Qoodeeye

“Iskuulada sida ay u kala arday badan yihiin ayay u kala gabdho badan yihiin, Waxaan dhihikarnaa gabdhaha iyo wiilasha, gabdhaha ayaa xilligan ku badan goobaha waxbarashada deegaannada ka baxsan Gaalkacyo, 55 gabdhood oo macalimiin ah islamarkaana tababar macalinimo haysta ayaa iskuuladaas wax kadhiga,“ ayuu yiri guddoomiyaha.

Daahir Xasan Maxamuud oo ah aabbaha qoys siddeed carruur ah. Carruurta Daahir oo shan ka ka mid ah oo ay saddex ay gabdho yihiin ayaa iskuulka hoose iyo dhexe ee deegaanka Bajeela u dhignaayay labadii sano ee u dambeysay.

Waxa uu sheegay in uusan markii hore rajo badan ka qabin in gabar ay wax baran karto ama ay ku shaqaysan karto aqoon ay baratay, balse wacyigelin badan iyo balan qaadkii uu helay oo ahaa in wax dhaqaalle uusan kaga bixi doonin waxbarashada u badkiisa ay ku riixday in uu waxbarashada geeyo.

“Caqabadii Markii i haystay waxa ay ahayd in gabdhuhu guriga kaliya ay ka shaqeeyaan oo aysan anfac ulahayn waxbarashadu, Laakin waxaan ogaanay in gabdhu aysan ka anfacyarayn wiilasha, taasna waxaa ku ogaanay wacyigalin badan oo naloos ameeyay iyo gabdhihii waxbartay oo deegaanka ku soo laabtay oo aan aragnay in ay sida wiilasha u shaqaysan karaan fikirkii hore middaas ayaa naga badashay,” ayuu yiri Daahir.

Fasallada koowaad iyo Labaad ayay kala dhigtaan saddexda gabdhood oo da’doodu ay kala tahay 12 jir 10 jir iyo 8 jir kuwaa oo markii hore shaqada guriga qaban jiray.

“Farqigu waxa weeye haddii aysan jirin cid kaalmaysa iskuulka waxaan ku koobnaan lahaa in hal ama laba cunug aan waxbarashada u awoodo,” ayuu yiri Daahir oo hadda ku faraxsan in ay carruurtiisa ay waxbarasho bilaash ah u helaan.

Guddoomiyaha waxbarashada Gobolka mudug Axmed Jaamac Qoodeeye ayaa sheegay in barnaamijkii Aada Dugsiyada oo qaybo ka mid ah Gobolka Mudug laga sameeyay uu aasaas u ahaa in carruur badan oo gabdhuhu qayb ka ahayeen waalidiintoodu waxbarashada u ogolaadaan.

Maxamed Cabdi Siciid oo Madax ka ah Guddi Jaaliyada galmudug u qaabilsan wacyigalinta dhanka waxbarashada deegaannada koonfurta Mudug ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in lix sano ay socdeen dedaallo guddigu uu ku doonayay in waaliddiintu carruurtooda waxbarashada u ogolaadan gaar ahaan hablaha, ugu danbeyna miro dhalkeeda uu ka soo iftiimay deegaanada Gobolka Mudug.

“Inta badan dadka Mudug waxa ay fahmeen oo ay arkayn gabdhaha waxbarashadooda iyo tayadooda iyaga oo ku tusaalle qaadanaya gabdho dibadda ka soo laabtay iyo kuwa dalka wax ku bartay oo aqoon leh,” ayuu yiri Maxamed.

Previous Post

Beeralay ku hungoobay dalaggii la abuuray guga

Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 17-SEPT-2019

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 17-SEPT-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 13-MAY-2026

IDAACADDA 13-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 13-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-MAY-2026
May 8, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo