Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Cunno iyo biyo yaraan haysata dadka deegaanka Bandarseed

Radio Ergo by Radio Ergo
September 23, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Bay: Ceelal laga hirgeliyay tuulooyin biyo-la’aanta darteed looga barakici jiray abaar kasta

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoysaska danyarta ah ee ku nool tuulada Bandarseed ee 80 km dhanka bariga ka xigta Gaalkacyo oo markii hore ay haysatay cunno yari ayaa waxaa soo wajahay xaallad biyo yari ah afartii bilood ee la soo dhaafay markii ay joogsadeen biyo deeq ahaan ay u siin jireen jaaliyadda Galmudug ee deegaankaas kasoo jeeda.

Bandarseed oo aan malahan Ceel-gacmeedyo waxaa ku nool ilaa 100 kun qoys oo afar boqol oo ka mid ay yihiin kuwa ka soo hayaamay abaarihii isxigxigay ee ku dhuftay gobolka. Sida uu sheegaayo guddoomiyaha Bandarseed Cabdullaahi Maxamuud Ciise, tuulada ayaa ku tiirsanayd biyaha barkadaha iyo kuwa laga waraha xilliga uu roobka uu da’o.

“Markii xoolihii (intoodi badnayd ay) ka dhammaadeen ayaa dad jaaliyad ah oo deegaanka u dhashay waxaa ay sameeyeen, dadkii in ay isku meel iskugu keenaan oo halkaas ay biyo ku siiyaan labo sano ayay biyo dhaamin ugu samaynayeen, haatanna muddo laga joogo 4 bil iyo shan bil wax u dhaxeeya biyihii way joogsadeen oo biyo la’aan ayaa deegaanka ka jirta, waa dad iska tabar yar oo aan awoodin in ay biyo dirtaan, cid kale oo u gurmatay jaaliyadda kadibna ma jirin,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Wixii ka horeeyay bishii May, Jaaliyadda ayaa toddobaad walba xoola-dhaqatadaas u iibin jirtay ilaa 300 oo fuusto oo biyo ah. Dadkaas waxaa ka mid ah Nuuro Cismaan Kaynan oo 56 jir ah, waa hooyada qoys ka kooban sagaal qof ah oo haysta adhi labaatan neef ah. Waxa ay Raadiyow Ergo u sheegtay in toban cisho ka hor xoolaheeda uu iib ka yeeshay hal neef oo keliya kaasi oo laga siiyay $22 doller si ay ugu hesho biyo iyo cunto.

“Meelaha barkado aan badnayn bay leedahaye, qofkaas baad u tagaysa shan liitar-qaad ama toban-liitar qaad iga gad, 10 liitar-qaadka waxaan ku gadanna 7 falis. Marba si ayaan ku helna marbaa 12ka saac ee maalintii aanan helin biyaha oo mar danbe shan liitar-qaad aan dadka ka soo barina, ilmaha way asqoobayaan xitaa cayshka dabka lama saarayo, Shan liitar qaad markaad soo barido cabitaan kaliya ayay noqonayaan, biyo lagu tukado war kooddaa, 9 qof oo ay ku jiraan dad da’ ah ay ku jiraan masuul ka ahay, aabbaha qoyska oo indhala’ uu ku jiro,” ayay tiri Nuuro.

Inkastoo ay ka wada siman yihiin cunno yari haddana biyo yarida ayaa ah walwalka ugu badan ee haya qoyska Nuuro, ma iibsan karto fuusto biyo ah sababta oo ah waxay ku dhowahay $10 dollar. Dhibbaato kale ayaa ka jirta deegaankan, waxaa booyaduhu ay yareeyeen keenistii biyaha maadama dadku aysan heli karayn lacag ay biyaha ku iibsadaan oo ay doonayaan in ay deyn qaataan.

Cabdisalaan Axmed oo ka mid ah xoola-dhaqatada deegaanka waxaa dadka biyaha keena ay ku yeesheen $29 oo keliya, wuxuuna sheegay in aysan hadda jirin cid uu deyn ka qaatan karo.

“Hadda dad Bitaalle booyado wax uga keenaan oo ah dad magaalada dagan oo wax isku dardarsaday ayaa todobaadkiiba mar booyad u timaada, annaguna iyaga ayaan wax kaqadana oo aan ku noolnahay, Waxna way nasiiyaan Marka ay hayaan oo waa dad qaraabo ah qaarkood, Waad garankarta haddii aadan biyo matoor ka imaanaya aadan haysan ama ceel ishiis, 20 liter oo biyo ah maalintii oo dhan ku joogayso galinka hore ayuu kadhamaanaya,” ayuu yiri Cabdisalaan.

Dadka deegaankani waxay gu’igii ka hor samaysteen saddex warrood oo biyo galeen ah iyo baraag, balse dhulka oo jilicsan oo aan biyaha ceshan karin iyo biyo-galeennada oo ay awoodi waayeen in ay shamiiteeyaan ayaa u sabab noqotay in biyaha barahaas ay samatabixin wayaan dadka xilliga adag.

“Meello waxaa ka mid ah in aan dhowr meelood oo waraa oo ilaa sadex gaaraya aan samaynay, meeshaasna maahan meel biyaha kaydinaysa, oo hadda waagii dhawa markii biyuhu ay galeen wax aan kabadnayn shan beri ayaa lacabayay way liqday biyihii galay, Wax naga tabaruca oo meeshaas noo shamiiteeyay waan rabi lahayn” ayuu yiri Cabdisalaan.

Wuxuu sheegay in gadiidka isticmaala wadada isku xirta deegaanka Bandarseed iyo Dhuure oo isku jira 30km inuu saarto laba Caagadood oo min 20 liitar qaad ah islamarkaas looga soo dhaamiyo ceel-gacmeedyada biyaha yareeyay ee deegaankaas, hayeeshe helidda biyahaas waxa ay ku qaadata laba maalin sababta oo ah gadiidka u kala safra labada tuulo oo aan joogta ahayn.

“Gadiidka yaryar ee halkan yimaada ragga leh ayaan shaxaada, oo igu oo iyiraahda saaro caagadaha haddii aad biyo heshay, hadda dhowr ceesha kale wuu nooga dhawyahay laakiin laftiguusu biyuha way ku yaryihiin, ceelku waa qaraar meelo yaryar biyuhu kaga hareen halkaas ayaa laga dhurta, iyagana dadka deegaanka ayaa iskaga badan oo aysan ku filnayn,” ayuu yiri cabdisalaan oo ka sheekaynaayo sida uu biyaha ku helo.

Dadka tuulada ee wax iibsan kara waxna deysan kara iyo kuwa ganacsatada ah ayaa koox koox isu aruursada si ay biyo u helaan, xoola-dhaqataduse ma awoodaan in xaaladda jirta sidaas uga gudbaan, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Guddoomiye Cabdulaahi.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ISNIIN 23-SEPT–2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 24-SEPT-2019

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA TALAADO 24-SEPT-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-APR-2026

IDAACADDA 14-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-APR-2026
April 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo