Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: qoysas ay ku dumeen guryo ay hay’addo u dhiseen

Radio Ergo by Radio Ergo
August 19, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Kismaayo: qoysas ay ku dumeen guryo ay hay’addo u dhiseen

Mid ka mid ah guryihii dumay/ Axmed Abdullahi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Guryo loo dhisay dadkii ka soo noqday xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo kuwa baakacayaasha ee xaafada Midnimo iyo Madina ayaa dumaay iyadoo ay sababtay in ay qoysaskii degganaa ka barakacaan halkaas.

Gudoomiyaha xaafadda Midnimo Cismaan Kaliil Cukaashe ayaa sheegay in xaafadaas ilaa hadda 10 guri ay ka dumeen, halka boqol kalena ay dildilaaceen. Xeradaan Midnimo waxaa laga dhisay sanadkii 2016, 950 guri oo loogu tala galay in ay degaan dadkii ka soo noqonayey xeryaha Dhadhaab. Sidoo kale xaafadda Madina ayaa iyana lagu soo sheegayaa in ay ka dumeen 37 guri.  Waxaana ku nool labadaas xaafadood 3 kun oo qoys oo isugu jira kuwii qaxootiga ka soo laabtay iyo dadka barakacayasha.

Gudoomiyaha Xaafadda Midnimo Cismaan  Kaliil Cukaashe oo la hadlay ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay jiraan guryo badan oo hadda bilaabay in ay dumaan oo ka dilaacay afarta darbi ee guriga.

“ Guryaha waxaa ay u dumayaan guryaha aasaas ma laha, tayadoona waxaa weeye guryo bulikeetiga la iska saarsaaray oo aan shub lahayn. Gurigana dhismihiisa waa aasaaska, aasaas haduusan lahayn guri ma taagnaanaayo, guryaha markaa aasaaskii ayaa eber ah,“ ayuu yiri Gudoomiyaha.

Goobaha la dajiyey dadkii ka soo laabtay  xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa ah xaafadda midnimo oo sanadkii 2016 laga dhisay 950 guri oo ay dhistay hay’adda NRC. Ilaa 20 guri oo ka mid ah guryahas la xaqiijiyay in ay dumeen.

Aamina Kusow Kaliil waa gabadh 17 Sanno jir ah, waxaa ay gacanta ku haysaa oo korisaa siddeed carruur ah oo iyada la dhashay kuwaa rajo ah. Xilli habeen ah ayaa gurigooda  oo ku yaalla xaafadda midnimo ku soo dumay balse nasiib wanaag qofna wax kuma noqon.

Aamina ayaa Raadioyow Ergo u sheegtay in gurigooda uu ka dumay badhtaham bishii aan soo dhaafnay ilaa xilligaasna ay  dulsaar ku yihiin qoys kale oo ka midda dadkii ka soo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab.

“Habeen ayuu dumay annaga oo seexanay, subaxii markii waagu baryay waxaan go’aansanay in aan ka tagno, oo u guurno xaafadda dhexdeeda, xaafadda labaad, gabadh qaraabo ah oo degan ayan hadda la noolnahay, farqiwayn ayaa noo dhaxeeya markii hore waxaan daganayn guri annaga aan leenahay haddana waxaan deganahay guri dad leeyahay,” ayay tiri Aamina.

Sida ay Aamino Raadiyow Ergo u sheegtay, in uu aabbaheed ku shaqeeya Gaari dameer kaa  oo waxii ka soo gala uu ku maareeyo nolasha reerka.

Muslima Cali Aadan waxaa ay degan tahay xaafadda Madiina, waxaa ay ka mid tahay  qoysaska guryaha ay ka dumeen. Gurigeeda oo ka samaysnaa bulikeeti dhooba ah ayaa dumay laba bilood  ka hor. Waxaa uu ku dumay inan yar oo ay iyadu dhashay balse nasiib wanaag marki dambe lagu daweeyay isbitaalka oo hadda ka bogsatay.

Muslima oo haysta shan caruur ah waxay Raadiyow Ergo u shegtay in markii uu guriga uu ka dumay in booskeedda ay ku dhisatay bush ay ka samaysay baakado iyo maryo.

Waxaa ay intaasi ku dartay in wiil dariskeeda ah uu hadda ugaday alwaax iyo jiingado kuwaas oo ay qorshaynayso in ka dhisato hal qol afar.

“Sidaan ugu jiray waa igu dumay, cabaar ka hor waxaa dumay dariishadda iyo albaabka, ka bacdina ku ligiis wuu wada dumay, gabadhas ayay wax iga gaadheen, gabadhii ayaan la orday, isbitaal ayaan geeyey, daawo ayaan u soo hellay,”  ayay tiri Muslimo oo ka sheekaynayso sida uu gurigeeda ku dumay.

Hay’adda guddiga qaxootiga Norway ee NRC oo ka mid ah hay’addaha guryahaan dhistay ayaa sheegtay iyadu in guryahaan ay markii horeba u dhistay qaab ku meel gaar ah oo aan wakhti dheer sii jirayn, siduu sheegay madaxa xafiiska hay’adda NRC ee Jubbaland Cabdullaahi Cumar Kaynaan.

“Guryahaan markaan dhisaynay muhiimadda ugu badan waxay ahayd boos celis, guri kastana dhismihiisa waxaa ku baxday 950 doolar, dadkana markaan dejinaynay ee aan guryaha ku wareejnaynay, qof shaqaale ah ayaa raacayay oo u sheegayay guriga in uusan ahayn guri aasaas adag leh,” ayuu yiri Cabdilaahi.

 

Previous Post

IDAACADDA MAANTA SABTI 17-AUG-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA TUESDAY 20-AUG-2019

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA TUESDAY 20-AUG-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-APR-2026

IDAACADDA 22-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo