Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dhaqaalaha sayladda Burco oo kor u kac sameeyay Caraffada awgeed

Radio Ergo by Radio Ergo
August 8, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Reer miyi billaabay in ay dib u dhaqdaan xoolo muddo ka badan labo sano kaddib

kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ganacsatada yaryar ee ka dhex shaqaysta sayladda xoolaha ee magaalada Burco ayaa muddo sanad ah markii ugu horreysay helaya dhaqaale fiican oo ka soo galay kala iibsiga xoolaha loogu talagalay dabaxa ciida Caraffada .

Xoolaha keeno sayladaha magaalada Burco ayaa aad u kordhay tan iyo markii la la fasaxay xoolaha loo dhoofiyo Sacuudiga inkastoo labadii isbuuc ee la soo dhaafay aanan la dhoofin. Ganacsato xoolaha ka iibsato Sayladda Burco ayaa waxaa ay u sii gudbiyaa dekedda Berbera oo laga sii dhoofiyo.

Waxaa hadda sayladda la keenaa xoolo badan oo ka imaanaya deegaannada Somaliland. Dadka ka faa’ideysanaya fursaddan waxaa ay isugu jiraan kuwa ka shaqeysanaya dallaalka xoolaha, ilaalintooda, u kaxaynta dadka xoolaha iibsada, iyo dumar iyo rag suuqa kuleh maqaayado iyo meherado kale oo ganacsi.

Cosob Cabdi Wayrax waa hooyo haysata toddobo carruur ah sidoo kalena maareysa saddex qoys oo kale kuwaa oo kala jooga gudaha magaalada Burco iyo baadiyaheeda.

Waxaa ay ku dhex iibisaa sayladda caano iyo kimis ay kagadato dadka suuqa imaada.

Cosob waxaa ay sheegtay in hadda aad wax looga iibsado oo ay soo gashay yididiilo kadib markii ay heshay suuq.

“Markii hore suuqa waan iska dhex joognay mar nagala iibsado iyo maraan nagalaba  iibsanba, haddase sifiican ayaa wax nalooga iibsadaa intii adhiga naloo furay. Maalintii waxa iga soo gala 30kun oo shilin Somaliland ah,” ayay tiri Cosob oo hadda ku faraxsan dib u furidda suqii dhoofinta xoolaha.

Ibraahim Cabdullaahi waxaa uu muddo sagaal sano ah ku leeyahay sayladda Burco agteeda maqaayad wax laga cuno. Ibraahim oo in dhawaalaba aanan heli jirin wax suuq ah ayaa sheegay in hadda maqaayadda ka faaiida maalinti $25.

“Halkaan Hudheel (Maqaayad) ayaan ku haystaa, hadda intii suuqu furmay sare ayuu u kacay iibka maqaayaddu, waxaan ku iibiyaa bariis iyo hilibi. Intii Carafadan ka horaysay hudheelkaygu dab yar buu iska ahaa,” ayuu Ibraahim.

Cabdi Cilmi waxaa uu ka mid yahay dullaaliinta ka shaqeysta suuqa xoolaha ee magaalada Burco. Muddadii sanadka ahayd ee suuqa xoolaha ganacsigiisu hooseeyay ayuu sheegay in uu deyn ku maareyn jiray noloshiisa balse hadda uu dhaqaalo fiican helo oo uu iska bixiyo daymihii lagu lahaa.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 8-AUG-2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 9-AUG-2019

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA JIMCE 9-AUG-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo