Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boosaaso: Dad ku nool xero barakac oo ganacsiyo ka furtay lacago ay ka heleen hay’adda WFP

Radio Ergo by Radio Ergo
August 21, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Boosaaso: Dad ku nool xero barakac oo ganacsiyo ka furtay lacago ay ka heleen hay’adda WFP

Xaliimo iyo qaar ka mid ah carruurteeda/Maxamed Saalax/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qaar ka mid ah 180 qoys oo ku nool xerada Buula-mingis (B) oo ku talla duleedka bari ee magaalada Boosaaso ee gobol Bari ayaa lacago yaryar oo ay ka heleen hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa waxaa ay samaysteen ganacsiyo yaryar oo ay ku maareeyaan nolashooda.

Ganacsiyada ay abuurteen ayaa waxaa ka mid ah dukaanno yaryar, miisas khudaareed iyo gadista xaabada la shito. Xaliimo Bile Cali oo ah hooyada 11 caruur ah ayaa ka mid ah dadka ku nool Buulo-mingis ayaa waxaa ku guulaysatay in ay abuurato ganacsi kadib markii ay aruursatay lacag $85 oo ay muddo labo bilood ah ay qaadanaysay.

Lacagahaan lagu bixinaayay kaadhka lacagtu ku jirto ee hay’adda cuntada ee WFP. Xaliimo hadda waxaa ay leedahay miis ay khudaarta iyo hilibka ku iibiso. Sidoo kale waxay iibisaa xaabada dabka lagu shito. Shan ka mid ah carruurteeda ayay ganacsigaas uga bixisaa  lacagta waxbarashada dugsi Iskuulka.

“Sida aan rajeynayo haddii ganacsiga sida aan rabo ii noqodo, buushkan in aan xataa ka baxo ayaan jeclahay, markaa qof isku filan oo dadkeeda wax u qaban karta ayaan noqon karaa” ayay tiri Xaliimo oo ku han weyn in ay noolasheeda heer gaarsiiso. 

Bilihii May iyo Juun oo hal mar lacagta layskusiiyey ayaa xaliimo u sahashay in ay abuurato miiskeeda khudaarta oo ay uga baxday ilaa $30 iyo in ay sidoo kale billowdo iibinta hilib. Macaamiisha Xaliimo ka iibsada hilibka, xaabada iyo khudaarta waa dadka kula nool xerada ay degan tahay.

Xaliima waxay 18 sano ka hor colaado sokeeyo uga soo barakacday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.  Ka hor gargaarka WFP, Xaliima iyo qosykeedu waxaa ay ku tiirsanaayeen xoogsi. Iyadu waxaa ay ku shaqeyn jirtay dhar-dhaq, saygeeda oo hadda bilaa camal ahna wuxuu ka soo shaqayn jiray dekkada, halka wiilkeeda curadka ahna uu ahaa baalashle balse hadda isaga iyo saddex kale ba waxaa la geeyay iskuulka, iyada oo midkiiba ay Xaliimo ka bixiso $5 bishii. Xaliimo waxay sheegtay in dad deriskeeda ah ay shan bilood ka hor ku wacyigeliyeen in ay ubadkeeda waxbarasho geyso.

Waxaa iyana sidoo kale ganacsi furtay Fartuun Xaaji Ibraahim oo ku nool kaamka Buula-minigis. Waxay gaddaa xaabada oo looga keeno deegaanno ka tirsan gobollada Sanaag iyo Bari. Halka lowd (gaari) ee xaabo ah oo ay bil kasta la degto waxaa looga gadaa malyan iyo siddeed boqol oo kun oo shilin Soomaali ah oo u dhiganta $53. 

“Hadda bil walba raashinkii aan kiilada ugu soo gadi jiray ayaan ka raystay, hadda raashinka bisha marka ay dhamaato guriga ayaan u soo dhigaa carruurta, wax weyn ayay ii tartay isku celceliskaas,” ayay Fartuun oo hadda rajaynayso in ay sii balaariso.

Cabdirisaaq Cabdi Caalin, waa guddoomiyahya Kaamka Buulo mingis (B) oo ay ku nool yihiin ilaa 800 oo qoys. waxaa uu Raadiyow Ergo u sheegay in lacagta gargaarka ay dadkan u jihaysay tub isku filnaansho.  

“Noloshooda wax weyn ayay ka badashay, qof fundi ah ama dhar dhaq bishii markii ay lacagtan helaan wax fiican ayay u noqon, dumarka qaar ayaa wax fiican ay u noqotay, iskuulkii xaggiisa ayaa aad wax weyn u noqotay, dumar badan ayaa noolashoodu meel fiican u maraysaa, qeyb sandaqado iyo miisas ayay ku furteen, qeyb qoryo ama xaabo ayay ku rogtaan,” ayuu yidhi Cabdirisaaq  

Cabdirisaaq Cabdi, 1998ki ayuu colaado sokeeye uga soo barakacay degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe, isaga oo horjeege ah hadana uu noloshiisa ku maareeyaa xoogsi hadba shaqadii uu helo ah.  

Previous Post

Burco: Dad xoolo-dhaqato ah oo ka faa’iidaystay warbiyood uu hirgeliyay mid ka mid dadka deegaanka

Next Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 22-AUG-2019

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 5, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA KHAMIIS 22-AUG-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo