Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Soomaaliya: Sare u kaca badda oo sababay in ay guryo badan qarsoomaan

Radio Ergo by Radio Ergo
July 17, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Soomaaliya: Sare u kaca badda oo sababay in ay guryo badan qarsoomaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Bulshooyinka ku nool dhulalka xeebaha ah ayaa sheegaya in sanadihii la soo dhaafay sare u kaca biyaha badda ay ku keenayso in ay ka guuraan guryahooda.

Xilliyada ay baddu kacsan tahay ayey timaaddaa meelo hor leh oo aysan horay u soo gaari jirin, sidaasna uga mid noqda badda.

Cali Mumin Maxamed, 45 jir wuxuu ku nool yahay degmada Caluula oo ku taal cirifka ugu shisheeya badda gacanka cadmeed gobolka Bari.

Cali ayaa sheegay in afartii sano ee la soo dhaafay sare u kaca badda aad loo dareemay.

“Sanadkasta 20 qoys ka badan ayey barakicisaa, anniga iyo dadkii aan qaraabada ahayn, 150 guri ayaa ayaa labadii sano ee la soo dhaafay badda ku darsamay,” ayuu yiri Cali

Bulshooyinka xeebaha ku nool waxay dareemaan in badda heerkeeda soo dhaaftay xilligaan hadda la joogo oo ah xilliga xagaaga oo ay dhacayaan dabaylaha mansuunku, badduna gaarto meelo aysan horay u tegin berriga.

Jasiiradda Jullay oo Caluula u jirta 2500km qiyaas ka badan kuna taal xirifka koonfureed ee Badweynta Hindiya waxaa ku nool 160 qoys.

Cabdi Maxamed Oofo waa gudoomiyaha jasiiraddaan, isaga gurigiisana hadda wuxuu ka mid yahay meelaha badda ku darsamay, wuxuuna u barakacay qayb ka durugsan badda oo isla jasiiradda ah.

“Sagaalkii sano ee la soo dhaafay ayaa annaga sare u kaca aragnay, 15 guri ayaana badda ka mid noqday sanadkii ugu danbeeyey, hadda jasiiradda waxay khatar ugu jirtaa in gebi ahaanba laga guuro oo ay badda hoos marto,” ayuu yiri Cabdi.

Cabdi waa 55 jir, weligii ku noolaa jasiiraddaan ayaa wuxuu sheegay in 15 mitir ka badan ayey soo dhaaftay 9kii sano ee la soo dhaafay.

Guddoomiyahaa xusay in ay qaylo dhaan u dirsadeen maamulka Jubbaland, ayna codsadeen 1500 oo kiish oo shamiito ah oo ay dhigaan qarka xeebta, haddase ay ka heleen boqol kiish oo aanan wax u tarayn wax ka qabasha arrinta.

Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Jubbalanad Ibrahim Xasan Cabdi ayaa sheegay in Jasiiradaha Julay, Jaway, Madaw iyo Raaskambooni dadka ku nooli ay la soo xiriireen iyagoo ka qaylo dhaaminaya badda ku soo sikanaysa, soona geleysa guryahooda.

“Todobaadkii tegey ilaa 15 qoys ayaa wararkooda na soo gaareen in ay guryahoodii biyo qaadeen meelo kala duwan Jubbaland ah,” ayuu yiri Ibraahim

Wasiirka sheegay in badda meelaha aan buuro ama jamallo ku aadanayn in gidaarro shamiinto ah laga dhiso ay xal tahay.

“Arrinta sare u kaca badda waa wax la xiriira isbedelka cimilada, awood balaaran oo meel kasta oo xeeb ah aan ku tegi karno ma jirto, waase wax u baahan dhaqaale xooggan, annaga waxaan awoodnay ee shamiinto ah waa u dhiibnay jasiiradda Julay, mase ku filna baahida,” ayuu yiri Ibraahim.

Maxamuud Dirir oo u ololeeya wax ka qabashda sare u kaca badda oo ku nool degaanka Caluula ee gobolka Bari ayaa sheegay in ay wadaan qaylo-dhaan ay gaarsiiyeen maamulka Puntland iyo dadka deegaanka si ay isu abaabulaan..

“Magaalada Caluula in yar ayaa ka hartay, hadda dadkaa is-xilqaamay, ilaa kun kaariko oo dhagax ah ayaan ku kabisnaa qarka badda, waase bad oo awoodda dadka waa yar tahay, maalinba guryo ayey qaadaysaa, wixii la qaban karo in la qabto ayaan dadka u sheegnaa,” ayuu yiri Maxamuud oo walaac ka muujiyay heerka sikashada badda.

Isbedelka cimilada ayaa inta badan Soomaaliya saamaynteeda laga maqlaa dhinaca berriga oo abaaro iyo fatahaado joogto ahi ka dhacaan, dhinaca bulshooyinka badda ku nool ayaanse laga maqlin wax war ah oo badan, oo aan ka ahayn 15 sano ee la soo dhaafay oo 2 goor ay Sunimadu ka dhacday Badweynta Hindiya.

Maxamuud wuxuu sheegay in sidoo kale degaanada Xaabo iyo Bareeda ay sidaan oo kale baddu khatar ugu hayso.

Previous Post

Gelinsoor: Xarun cusub oo daryeel lacag la’aan ah siiso dadka dhimirka ka xanuunsanaya

Next Post

Nin Muqdisho ku soo kordhiyay ka ganacsiga dhirta lagu qurxiyo guryaha iyo jardiinooyinka

Related Posts

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay

August 3, 2026
Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

July 31, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

July 23, 2026
Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

July 20, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 16, 2026
Next Post
Nin Muqdisho ku soo kordhiyay ka ganacsiga dhirta lagu qurxiyo guryaha iyo jardiinooyinka

Nin Muqdisho ku soo kordhiyay ka ganacsiga dhirta lagu qurxiyo guryaha iyo jardiinooyinka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-AUG-2026

IDAACADDA 03-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-AUG-2026
August 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-AUG-2026
August 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-AUG-2026
August 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-JUL-2026
July 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-JUL-2026
July 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo