Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Gelinsoor: Xarun cusub oo daryeel lacag la’aan ah siiso dadka dhimirka ka xanuunsanaya

Radio Ergo by Radio Ergo
July 17, 2019
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
Buuhoodle: Bukaanno dhimirka ka xanuunsan oo laga saaray xarunti lagu daweynayay

Sawir kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xarun lagu xannaaneeyo dadka dhimirka ka xanuunsanaya oo muddo lix bilood ah ku taalla degmada Gelinsoor ee gobolka Galgaduud ayaa wax ka beddashay dayicii haystay dadka qaba xanuunkaas ee ku noola magaaladaas iyo deegaano kale oo gobollada Mudug iyo Galgaduud ka tirsan.

Dadka hadda xarunta ku jira oo labaatan ah waxaa keenay eheladooda oo horay ugu caalwaayay xakamayntooda.

Sareedo Axmed Maxamed oo ah hooyada Cabdilaahi Cabdi Aadan oo ah 30 jir xanuunka dhimirku uu haleelay sagaal sano ka hor ayaa sheegtay in saddex sano oo ka mid ah muddadii uu xanuunsanaa uu silsiladaysna.

Cabdulaahi ayaa ka soo kabanaya xaligaan xanuunka dhimirka iyo dayicii u wehliyay markii uu ku xirna geedka hoostiisa, waxaana saddexda waqti la siiya daawada dhimirka ee dhaqtarku u qoray sida ay sheegtay Sareedo.

Waxay xustay in uu joojiyay carariddii islamarkana isaga oo aan xirnayn uu si caadi ah kula sheekaysanayo.

Intii aan la keenin xaruntan ayay hooyadii sheegtay in silsiladdii uu ku xirnaa ay dhibaato ka soo gaartay oo uu lugta midig iska jabiyay markii uu isku dayay in uu xoog ku baxsado, halka gacanta midig iyo qayb ka mid ah madaxiisa oo dhaawac daran ay ka soo gaareen.

“Bir wayn oo silsilad lagu xiray ayaa dhulka loogu xabaalay halkaasi ayuu ku xirnaa, Waxa uu ahaa dabargoys, (Baxsad). Aniga wuu i dilay, Aabbaha reerka lug buu ka jabiyay, sidaas darteed ayaa loo xiray,” ayay tiri Sareedo oo hadda ka muujisay yadadiilo.

Qoyska Sareedo oo barakac ku ah magaalada Gaalkacyo waxay xoolo-dhaqato ku jireen deegaanka Bandar-qaali ee bariga gobolka Mudug balse markii abaaro is xig-xigay oo ku dhuftay deegaankeedii ay sababeen in ay waayaan 200 oo neef oo ari ah.

Sareedo ayaa sheegtay in markii Gaalkacyo ay uga waysay goob lagu xanaaneeyo wiilkeeda balse markii dambe ay dad qaraabadeeda ah ku soo wargaliyeen in Gelinsoor oo Gaalkacyo ujirta 90 Km laga furay xarun lagu xanaaneeyo dadka dhimirka ka xanuunsan.

“Waxaan nahay qoys rag xoog leh aysan ujoogin aabuhu waa qof da’ ah, aniguna dumar baan u ahay qabashada wiilka, Danta ayaa keentay in aan xirno maaddaama xanaanayn aanan u awoodin. Xanuunka dhimirku waxa uu ku bilowday yaraantiisa mana ogi waxa ku sababay waan quraan saari jirnay ilaa markii dambe uu ka sii daray,” ayay tiri sareedo.

Warsame Jaamac maamulaha xarunta dadka dhimirka ka xanuunsan ee Gelinsoor ayaa xusay in tuulooyinka hoostaga deegaanka iyo qaybo ka tirsan deegaannada Galmudug looga keeno dadka xanuunkaas qaba islamarkana waalidiintoodu ay u badan yihiin kuwa danyar ah.

Waxa uu sheegay in dadkii dhimirka ka xanuunsanaa ee ku dac-daraysnaa waddooyinka Gelinsoor ay xareeyeen. Wuxuu sheegay in ay dadka dilayeen iyagana dhibaato loo gaysan jiray taas oo hadda meesha ka baxday.

“Dadkan markii xarunta la keenayay waxaa ku jiray kuwa dhaawacyo daran qabay, waxaana ay u badnaayeen kuwa ku jabay silsiladihii ay ku xirnaayeen, iyo kuwa kale oo lagu ilaaway xariga xaalad caafimaad oo jirka ahna qabay, ugu horaynba qofka dhimirka ka xanuunsan marka aan qaabilno waxa aan ka furna xariga dabadeedna waxaan hagaajina ogadiidiisa kaddibna dhaqtarka ayaa xog waraysta oo dawooyinka u qora,” ayuu yiri maamulaha.

Maamulaha ayaa xusay in xaruntan ay hirgaliyeen jaaliyadda Galmudug ee ku nool qaaradda Yurub oo kaashanaya dadka deegaanka kuwaas oo arkay xaaladda ay ku noolayeen dadka dhimirka ka xanuunsanaya oo ku badnaa deegaanka.

Xarunta waxaa ka shaqeeya hal dhaqtar oo ku taqasusay xanuunka dhimirka iyo toddobo shaqaale oo qaabilsan xannaanaynta dadka qaba xanuunka dhimirka, sida uu u sheegay Raadiyow Ergo maamulaha xarunta isago.

Shaqaalaha bishii ay qaataan lacag dhan $100 oo ay ka helaan jaaliyadda xarunta gacanta ku haysa.

Dhoodi Guutaale Xirsi oo ka mid ah dadka deegaanka Gelinsoor waa aabbaha Cabdi dhoodi oo 21 jir ah oo muddo ka badan 10 sano xanuunka dhimirku hayay ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in faa’iido wayn ay ku qabaan xarunta dhimirka.

Waxa uu xusay in ka hor xaruntan uusan wiilkiisu helin adeeg caafimaad iyo daryeel ku haboon maaddaama uusan hayn awood dhaqaale oo uu ku geeyo meel xarun caafimaad leh.

“Dhibaatadii xarigga ka soo gaartay haarahoodi korkiisa ayaad ka arki kartaa, marka la xiro ileen ma aha qof miyirkiisu joogee waxa uu isku jari jiray silsiladda. Heer waxa uu gaaray adimadiisa ay googo’aan, oo hadba labadiisa lugood iyo labadiisa gacmood middii fiyow laga xiro oo markii dambe meel laga xiro la waayay, markii ay wada dhaawacmeen,” ayuu yiri abbaha dhalay Cabdi.

Dhoodi ayaa sheegay in toddobaadkiiba labo jeer uu ku booqdo xarunta lagu xanaaneeyo islamarkaana isbeddel nololeed oo uusan ku arkin muddadii uu xanuuna uu ku sugan yahay.

Wuxuu xusay in shanti bilood ee xaruntan uu ku jiray wiilkiisu labadii bil ee udanbeysa uu ku arkay in maskixiyan uu soo caafimaadayo.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA, ARBACO 17 JULY 2019

Next Post

Soomaaliya: Sare u kaca badda oo sababay in ay guryo badan qarsoomaan

Related Posts

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay

August 3, 2026
Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

July 31, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

July 23, 2026
Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose
Caafimaadka

Boqollaal qof oo la ildaran shuban-biyood iyo daawo yari ka jirta Jubbada hoose

July 21, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Haween barakac ah oo qoysaskooda uga saaray nolol xumo haysay xirfado ay ku shaqaystaan

July 20, 2026
Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin
Wararkii u Danbeeyay

Nolol xumo haysa ragga leh gaari-dameerada markii Hargaysa loo sameeyay biyo-galin

July 16, 2026
Next Post
Soomaaliya: Sare u kaca badda oo sababay in ay guryo badan qarsoomaan

Soomaaliya: Sare u kaca badda oo sababay in ay guryo badan qarsoomaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-AUG-2026

IDAACADDA 03-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-AUG-2026
August 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-AUG-2026
August 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-AUG-2026
August 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-JUL-2026
July 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-JUL-2026
July 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo