Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Nin Muqdisho ku soo kordhiyay ka ganacsiga dhirta lagu qurxiyo guryaha iyo jardiinooyinka

Radio Ergo by Radio Ergo
July 17, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Nin Muqdisho ku soo kordhiyay ka ganacsiga dhirta lagu qurxiyo guryaha iyo jardiinooyinka

Xuseen oo iibiyo dhirta lagu qurxiyo guryaha iyo jardiinooyinka/Maxamed Ibrahim/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xuseen Muudeey wuxuu dhirta lagu beero guryaha ku wareejinayaa waddooyinka magaalada Muqdisho oo suuq u ahaa saddexdii bilood ee u dambeysay.

Xuseen oo deggan degamada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose subax kasta ayuu u soo safraa Muqdisho halkaas oo uu u iibkeeno dhir uu ka soo guro beer uu leeyahay.

Wuxuu shaqadan ku maareeyaa nolosha qoyskiisa iyo waxbarashada saddex carruurtiisa oo iskuul iyo dugsi qur’aan dhigta. Carruta mid kasta wuxuu bishii ka bixiyaa $10.

Ka hor inta uusan ganacsigan ka billaabin Muqdisho wuxuu muddo 7 sano ah dhirta ku iibinayay degmada Afgooye oo qani ku ah beeraha iyo dalag-yada kala duwan.

Xuseen ayaa sheegay in dhirtaan baahi badan loo qabin Afgooye ,Laakin Muqdisho loo baahanyahay, sidaasna ay suuq ugu noqotay Muqdisho.

“Afgooyo waxaan uugu soo raray ganacsigan ,maahan magaalo isbixinayso oo aan Caruurta waxbarshadooda iskuulka iyo Dugsiga laga bixin karo,Sababtoo ah Afgooyo beerahaa ku badan,baahina maloo qabo ,laakin Muqdisho waalooga baahan yahay dhirtaan ,waayo dad badan ayaa ku nool” ayuu Xuseen.

Xuseen oo carruurtiisa iskuulka geeyay bishii koowaad ee sannadkan waxaa ku adkayd bixinta lacagta waxbarshada, waxaana uu sheegay in taasi ay meesha ka baxday hadda oo uu dhaqaale fiican ka helo ganacsigan.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in maalintii uu helo lacag u dhaxeysa $10-$30 isaga oo kala u qaybiyaa 3 meelood taa oo ugu talagalay maaraynta dhaqaalihiisa.

“Waxaan ku maareeyaa waxbarshada carruurtayda oo dugsi quraan iyo iskuul dhigtaan, qoyska waan ku biilaa, lacagta kalana isla beerta ayaan ku celiyaa” ayuu yiri Xuseen.

Beerta uu dhirta ka soo guro ayuu sheegay in uu isagu leeyahay waxaana marka uu geedaha ka soo guro uu ku ridaa bac iyo dhoobo si uusan dhaawac u gaarin tallaalka hoose ee geedka.

Afgooye oo 30km u jirta magaalada Muqdisho ayaa waxay caan ku tahay beero waaywayn ah kuwaa oo soo saaro qudaar iyo dhirta la beerto.

Wuxuu sheegay Xuseen in ay wax badan iska beddeleen qiimaha geedaha uu gado iyo tirada intaba. Halkii geed ayuu tan iyo markii uu Muqdishu u soo wareegay gadaa $2-$3 halka markii hore oo uu Afgooye ku gadi jiray laga siin jiray nus doolar.

Tan iyo markii uu billaabay in uu ka ganacsado caasimadda, Xuseen wuxuu kor u qaaday beeridda geedaha, isagoo beera xilliyada uu gurigiisa joogo.

Ka sokow in uu ka helo nolol maalmeedkiisa, Xuseen wuxuu aaminsan yahay in uu ka qayb qaato bilicda iyo dib u cagaarinta magaalada Muqdisho.

Wuxuu raaciyaa adeeg dheeraad ah oo ah in uu dhirta qofkii ka iibsada uu u soo tallaalo laakiin tiro cayiman.

“Dhirtaan deegaanka ayay u roo ntahay. Waxaa dhirtaan iga iibsada dadka hoteelada, qofkii wax badan oo dhirtaan ah iga iibsada, tusaale 30 ama 40 xabbo iga gata waan raacaa oo waan usoo beeraa oo dhirtaan usoo suraa, laakin qofka haduu qaato 2- 10 asaa beeranaayo, mana jirta dhibaato aan kala kulmo dadka iga gata dhirtaan,” ayuu ku dooday Xuseen.

Previous Post

Soomaaliya: Sare u kaca badda oo sababay in ay guryo badan qarsoomaan

Next Post

Dhoobley: Iskuul loo xiray dhaqaale la’aan soo food-saartay qoysaskooda

Related Posts

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Barakicin qasab ah oo nolol xumo galisay qoysas laga saaray xeryaha Baydhabo

September 10, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 9, 2026
Next Post
blank

Dhoobley: Iskuul loo xiray dhaqaale la'aan soo food-saartay qoysaskooda

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-SEP-2026

IDAACADDA 19-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-SEP-2026
September 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-SEP-2026
September 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-SEP-2026
September 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo