Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Dhoobley: Iskuul loo xiray dhaqaale la’aan soo food-saartay qoysaskooda

Radio Ergo by Radio Ergo
July 18, 2019
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
blank

Sawir kayd

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ilaa 200 Carruur ka soo jeedda qoysas xoolo-dhaqata ah oo ku nool deegaanka Tuulo-barwaaqo oo Dhoobley u jirta 20km ayaa waxaa soo food-saaray waxbarasho la’aan kaddib markii uu xidhmay Iskuulkii tuulada.

Iskuulkaan oo lagu dhisay iskaaashiga waalidiinka iyo maamulka deegaanka ayaa waxaa qarashkiisa bixin jiray dadka tuulada degan.

Ilaa 500 boqol qoys oo gacanta ku haayay iskuulkan ayaa hadda waxaa soo wajahay biyo la’aan ba’an kadib markii uu roobkii gu’ ka di’i wayay, sidda uu radio Ergo u sheegay gudoomiyaha Tuullo Barwaaqo Xassan Salaad Bulley.

Sidoo kale warihii ay biyaha ka heli jireen dadka deegaankan ayaa qallalay labba bilood ka hor.

Dadka degan deegaanka ayaa iska uruurin jiray qoyskiiba lacag dhan bishii $5 dollar balse hadda u weeciyay lacagtaas in ay biyo ku gataan.

Foostada biyaha waxaa ay hadda ku iibsaddaan lacag dhan $ 4dollar halka xoolaha ay ka waraabiyaan ceelasha ku yaal magaalada Dhoobley.

Cabdi Shugri Aadan Cabdi waxaa uu ahaa arday dhigta Iskuulkaas balse hadda waalidkii  awood u ma laha geeyaan goob wax-barasho oo ka baxsan deegaanka.

“Aniga waxbarashada waan jeclahay, in aan waxbarto oo heer aan gaadho ayaan rabay, hadana iskuulkii in naloo soo celiyo ayaan rabnaa, waxaan dhigan jirnay English , Kiswahili, Xisaab iyo saynis, Iskuulinaa, “sidaas ayuu yiri Cabdi Shugri

Deeq Duuble Cali waxaa uu ka mid yahay waalidiinta ay caruurta wax uga baranaysay Iskuulka tuullo Barwaaqo, waxaa iskuulka u dhiganaayey wiil iyo gabadh.

Wiilka oo ahaa sideed sano jir ayaa dhiganaayey fasalka labaad halka gabadha oo ah 9 sano ay dhiganaysay Fasalka sadexaad ee Iskuulka.

Waxaa uu Radio Ergo u sheegay in uu qoyskiisa oo bishii laga qaadi jiray lacag dhan $5 doolar uu hadda awoodi waayey, maadama ay duruuf adag ee ku imaatay qoyska, oo roob la’aanta iyo abaarta ay saamaysay.

Cabdi laba maalin ka diba ayuu hal foosta oo biyaha uu ka bixiyaa lacag afar doolar ah.

“Ilmihii laba cunnug ayaa waxbaranaysay, arina meesha ayuu ii jooga, way isbixin waysay, sidaas ayaan aniga ma aragtaaye qoys ahaantayda aan iskugu keeni waysay lacagta waxbarashada iyo mida biyaha,” Deeq ayaa sidaa u sheegay Raadiyow Ergo.

Deeq Xoolihiisa oo gadhaayey 30 neef oo ari ah oo u joogtay waxaa uu raray meel tuulo Barwaaqo u jirta ilaa 35km oo hadda xoollaha ay ku haystaan waxooga daaq ah.

Wuxuu nolasha qoyskiisa iyo lacagta biyaha qoyska iyo xoollaha ka maareeya gaari dameer uu ku soo guro xaabo uu Dhoobley u iib-geeyo.

Gaari-dameerka buuxa oo xaabadda ah waxaa Deeq laga siiyaa lacag dhan $15 dollar .

Maamulka Tuulladda iyo odayaasha deegaanka ayaa xili hadda lagga joogo labba sanno waxaa ay isla garteen in deegaanka loo yagleelo goob ilmaha waxbarashada gaaray ay wax ku bartaan. Iskaashi kadib waxaa tuulada laga hirgaliyey iskuul ka kooban sadex fasal oo geedo laga dhisay.

Shugri Biixi Nuur oo ka mid aa gudiga dhinaca iskuulka u qaabilsanaa tuula Barwaaqo ayaa Radio Ergo u sheegay in markii la waayey mushaharkii macalimiinta oo ahaa lacag dhan $400 doolar ay macalimiintii shaqo kale iska raadsadeen iskuulkiina uu sidaas ku xirmay.

“Markii wiilashii mushahar loo waayey, oo muddo laba bilood ah ay mushahar ahaayeen, oo aan lahayn bal samra waanu maqanahaye, waxbaa imaan doona aanu lahayn, innaguna wax aan waynay dadkii, macalinkiiba dhaqaalihii yaraa ee ilmihiisa u tuuri jiray hadduu waayo, in uu meel kale u shaqo tago ayay noqotay,” ayuu yiri Shugri Biixi .

Ibraahim Isaaq Nuur oo qoyskiisa uu ka mid yahay dadka degan tuulo Barwaaqo, waxaa Iskuulka tuulla Barwaaaqo u dhiganaysay hal gabadh oo ahayd fasalka 2aad.

Waxaa uu sheegay in qoyskiisa iyo qoysas kale oo isku duruuf yihiin in ay awoodi waayeen in ay bixiyaan lacagta waxbarashadda iskuulkiina uu sidaas ku xirmay .

Ibraahim waxaa uu sheegay in waxii dhaqaala ah ee ay heli karaan uu u kala qayb-samiwaayey sidaas lacagti iskuulka ay ku joojiyeen.

“Wixii jeebka ku jiray waxaad mooda in baahida kowaad in aan biyaha iskugu gaynay oo waxbarashadii iska bixin waynay, mar haddaan biyihii bixinayno, oo qoyska ay cabaayeen, kuwii xoolaha aan iibinayno, waxaa markaa meesha ka baxday qaybtii waxbarashada,” ayuu yiri Ibraahim.

Gudoomiyaha Tuullo Barwaaqo ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dadka deeganka ku dhaqan ay yihiin dad dan-yar ah, haddana roob la’aanta iyo abaarta ka jirta deeganka ay ku yeelatay saamayn gaar ah, taasina ay keentay in ay isku wadi-wayeen lacagtii waxbarashadda iyo lacagtii biyo dhaaminta maadaama dadka deegaanka ay biyaha u doontan magaalladda dhoobley oo booyad ku soo dhaan sadaan.

Previous Post

Nin Muqdisho ku soo kordhiyay ka ganacsiga dhirta lagu qurxiyo guryaha iyo jardiinooyinka

Next Post

IDAACADDA MAANTA, KHAMIIS 18 JULY 2019

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA, KHAMIIS 18 JULY 2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo