(ERGO) – Soddon iyo labo qof oo ka tirsan dadka naafada ee ku nool magaalada Kismaayo ayaa loo maalgaliyay hal abuur ganacsi oo ahaa furidda foornooyin lagu sameeyo buskudka iyo rootiga.
Dadka ayaa wax-soo-saarkooad u iibgeeyo hoteelada iyo dukaamaha magaalada.
Shukri Siciid oo ah guddoomiyaha dadka naafada ah ee magaalada Kismaayo ayaa Radiyow Ergo u sheegay in dadkan naafada ah ay la shaqeeyaan afar qof oo ay shaqaale ahaan u qorteen kuwaa oo midkiiba uu ku shaqeeyo maalintii 150,000 oo shilinka Soomaaliga ah.
Afarta nin ayaa qabta dubista rootiga, buskudka iyo qabashada howlaha aysan qaban karin dadka.
“Qayb waxaa ay la joogan qofka rootiga samaynaayo, qof waxaa jira dalabaadka noo soo eega oo dhaha hotel hebel intaas ayaa looga bahan yahay, maanta waxaa jira aroos intaas oo buskud ah ayaa loo baahan yahay, qaybna lacagta ayey soo aruuriyaan,” ayay yiri Shukri oo maamula afar foorno oo ay isla leeyihiin dadkan.
Foornooyinkan ayaa maalinkii waxa ay soo saaraan 2300 xabo oo rooti ah iyo 7Kg oo buskud ah waxa ayna si maalinla ah uga helaan lacag ka badan laba milyan oo shilinka Soomaaliga ah.
Shukri ayaa sheegtay in shaqo abuurkan uu wax badan nolashooda ka badalay,
Guddoomiyaha ayaa tilmaantay in qaar ka tirsan dadkan oo rag iyo dumar ba leh ay ahaayeen dad aan haysanin shaqo, mashruucana uu hadda u noqday shaqo ay kala soo baxaan nolal maalmeedkooda.
Dadkan ayaa badankood ahaa kuwo aanan shaqayn marka laga reebo 11 ruux oo ka mid ah naafadan kuwaa oo qaarkood miisas yar-yar oo ay looska, nacnaca iyo wixii la mid ah ay ku gadi jireen guryahooda hortooda halka qaarka kalena ay ahaayeen shaqaale ka shaqeeya doomaha kaluumaysiga Kismaayo, balse ay hadda ku tiirsan yihiin waxa ay ka soo saartaan Foornooyinkooda.
Xuseen Faarax Dirir waa 67 jir araga la’ waxa uu masuul ka yahay foornada Fayaas oo ku taala xaafadda Farjano.
Toddobo qof oo saddex ay dumar yihiin ayuu guddoomiye ugu yahay foornadan.
“Galabtii baan wax sii diyaar garaynayaa oo leeyahay, wixii xaabo ah, bicihii lagu qaadi lahaa iyo leebatadii lagu waxayn lahaa iyo burkii galabtii aan sii diyaariyaa, dadkii shaqaynaayay baad ratibi ka dib,” ayuu yiri Xuseen oo sharxaaya sida ay howsha u qabtaan.
Sagaal qof oo qoyskiisa ah ayuu ku maareeyaa 100,000 oo shillinka Soomaaliga ah ($3) oo uu ka helo foornada, waxaana intaa u dheer qoondo rooti ah oo uu foornada uu ka helo maalinkii si reerkiisa ugu quraacdaan.
Ka hor shaqadan uu hadda haysto ma jirin wax uu qaban jiray, iyadoo dhaqaalaha reerka uu ku tiirsanaa gabar uu dhalay oo ka shaqeysa maqaayad ku taala Kismaayo.
Shaqo abuurkan ayaa waxa ay u sahashay in uu awood u helo bixinta qarashaadka reerkiisa iyo lacagta waxbarashada ee afar ka mid ah caruurtiisa oo hadda dhigta dugsiga Hoose ee Ganaane oo ku yaala magaalada Kismaayo, kuwaa oo markii hore aanan heli jirin waxbarasho maadaama Xuseen aanu awoodi karin bixinta qarashaadka waxbarashadooda.
Sharmaarke Cabdiqadir Cabdirahmaan waa 24 jir naafo ka ah lugta midig, isaga oo banooni dheelaya ayuu hadda ka hor ka jabay jilibka korkiisa, jabkaas oo ugu danbeyna kalifay in luhgta laga gooyo.
Hadda waxa uu ku socdaa biraha ay adeegsadaan dadka naafada ah. Foornadda Bilan oo ku taala xaafadda Shaqaalaha ee magaalada Kismaayo ayuu si joogta ah uga shaqeeyaa.
Sharmaake shaqadiisu waa in uu qoosho burka rootiga laga sameeyo sidoo kalena waxa uu duubaa burka laga sameynayo buskudka taas oo uu ka caawiyo labo gabdhood oo ka tirsan siddeeda qof ee ka shaqeeysa foornada.
Sharmaaarke ayaa sheegay in nolasha qoyskiisa ay wax badan ka badashay shaqadan loo maalgaliyey isagga iyo kooxdiisaba.
Maalintii ayuu sheegay in uu ka helo lacag dhan 50,000 shilin Soomali ah (1.5 dollar), taas oo qoyskiisa oo ka kooban sadex qof lagu maareeyo nolol maalmeedka qoyska halka 45 dollar oo bishii uu mushaar ahaan u helana uu raashin siisto.
Sharmaaarke ayaa horay uga mid ahaa kalluumaystada magaalada Kismaayo, isaga oo sheegay in ay u shaqayn jireen nin doon kaluumaysato ah leh. Dhowr jeer ayuu sheegay in ay doontii uu saarnaa la gaddoontay isaga oo ku badbaaday boorsooyin lagu dabaasho.
“Shaqadaan ayaa aad iyo aad u fiican, taas shal iyo shul ayey ahayd, xeebta marway kacee, mar doonta ayaa kula gadoomayso, shaqadaan ayaa aad iyo aad uga fiican, quraac waan ka helnaa, lacag maalinla ahna waa la isiiyaa,” ayuu yir Sharmaaarke oo isbarbardhig ku samaynaayay shaqdiisii hore iyo tan uu hadda qabto.
Shurki Siciid ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in hawshan ay bilaabeen bilowgii bishii labaad ee sanadkaan markaa oo ay hay’adda ARC iyo Rugta Ganacsiga iyo Warshaddaha ay u gudbiyeen fikrad.
“Markaan wax uruursanno wadatashi baan samaynaa, waan isku balance-garaynaa inta qof aan nahay baan ku qayb sannaa, waxii inooga soo baxa ayaan isku hagaajinaa,” ayay tiri.
Dadkaan naafada ah ayaa waxaa maalgalinta u samaysay hay’adda ARC iyo Rugta ganacsiga Jubaladn oo taageero dhaqaale ka helayay hay’add fadhigeedu yahay dalka Qadar oo lagu magacaabo Silatechagenc.
Salma Mukhtaar Muxumed Waa madaxa Barnaamijkaan maagalinta u qaabilsan Hay’adda ARC Waxaa ay Raadiyow Ergo u sheegtay in barnaamijkaan uu ilowday anadkii 2018 bishii December looguna tala-galay in ay ka Faa’iidaystaan ilaa 3000 qof haddana uu barnaamijkaan uu shaqo u abuuray ilaa 2000 qof oo u badan dad dhalinyaro ah.
Maalgalinta ayey sheegtay in ay aheyd deeq aanan laga rabin soo celinteeda.
“barnaamijkaan waxaa soo codsaday 6000kun oo qof, bishii 12 december waxaa la qaban qaabiyey gudigii kala saarayso codsiyadii la soo codsaday. Codsiga ganacsiga ayaan fiirinaynaa, hadii uu yahay ganacsi cusub, qofka guroubka gudoomiyaha u ah ayaan u yeedhaynaa, waraysi ayaan la yeelaynaa, ganacsiga uu soo codsaday in uu yahay ganacsi bulshadda wax taraya iyo in kale,” ayay tiri Salma oo sharxaysay qaabka ay ku soo xusheen dadka ay maalgalsheen.









