Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Qoysas barnaamij dhaqaale wadaag ah ku guulaystay

Radio Ergo by Radio Ergo
July 24, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
CADDAALAD DARRADA OO KU QASBEYSA HAWEENKA INAY TACADDIYADA QARSADAAN AMA TAHRIIBAAN

Sawir kayd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Barnamaijka dhaqaale wadaag ah oo ay sameeyaan qaar ka tirsan waalidiinta ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ayaa lagu guulaystay in lagu dhiso ilaa 50 qoys oo cusub.

Dhaqaale uruurintan oo qaab ayuuta ah loo sameeyo ayaa waxaa uu ka dhexeeyaa 22 koox oo kooxdiiba ay ka kooban tahay 564 qof taas oo qofkiiba uu bixiyo lacag dhan 3400 oo shilin oo lacagta Kenya ah oo dhiganta 34 doolar.

Barnaamijkan oo billowday bishii labaad ee sanadkii hore ayaa looga gol’leeyahay in la yareeyo guur la’aanta dhallinyarada aan awoodin dhaqaalaha ay reer ku dhistaan.

Cabdinaasir Cabdullaahi oo 24 jir ah oo ka mid ah dhallinyarada nasiibka u yeeshay in ay ka faa’iideystaan barnaamijkan, oo aqal galay bishi hore. Hadda wuxuu ku faraxsan yahay nolashiisa inkastoo laga sugaayo in uu soo saaro nolal maalkeedka reerkiisa.

“Aniga ma aan aaminsanayn in halo yar oo la aruuriyo lagu gursan karo, laakiin waan arkay,  markii aan arkay in dad badani ku guursadeen maadaama jeebkeena anngaa aanaan dhaqaale haysanin, ganacsina haysan  Waalidkayga waxaa ay khasbanaadeen in ay group-ka ku biiraan, anna waa ku dhiir-geliyay maaddaama aanan aniga waxba hayn, ragga iga dambeeyana waxba loo haynin ilaahay xagiisa mooyee,” ayuu yiri Cabdinaasir.

Cabdinaasir wuxuu hadda ka shaqeeyaa goob lagu iibiyo cuntooyinka fudud halka hooyadiina miis khudaar lagu iibiyo ay leedahay.

Cabdinaasir wuxuu sheegay in sanadkii 2016-kii loo diiday gabar uu ka doonay waalidkeed balse laga cudurdaartay in aan la siin Karin, ayadoo diidmada loogu  dhaqaalo awgiis.

Dadkan oo gaaraayo tiro ahaan 12,408 qof ayaa bil walba iska aruuriya lacag dhan 42,187,200 shilling oo u dhiganta $421,872 ayada oo bil walbana lagu caawiyo 6-8 qoys dhismahoodu cusub yahay.

Dadkii lahaa fekerkii lagu yagleelay barnaamijkan ayaa waxaa ku dhaliyay kadib markii ay arkeen dhallinyarada guur la’aanta oo ku badanaya xeryaha, dhibaatooyin ka dhashay xiriirada dheeraada iyo kuwa iscalmadaey oo la isugu diido dhaqaale xumo awgeed sida ay Raadiyow Ergo u sheegtay Buluugo Magan Aadan oo ah guddoomiye ku xigeenka Dallaadda kooxdan ee Xeryaha Dhadhaab.

Buluugo waxaa ay sheegtay in ay hirgelinta qorshahan ay u soo mareen hayaan dheer, laakiin uu hadda guulaysatay oo ay ku dhiseen qowsas badan kuwo kalena ay qorshaynayaan.

“Hadda waxaan aragney intii bilownay group-ka,  wax hadda foolxumo ku dhaqmaaya ma arkin, gabar baa meel aaday si xun u socoto ma jiro, ilaa gabadhii iyo wiilkii haddii ay ay isasoo afgartaan, hooyo gabadhaa ayaan jeclaadey, waa la siinayaa sidaas ayaanu guriga ugu gelbinaa,” ayay tiri.

Barnaamijka dhaqaalo wadaagga ah ayaa sidoo kale waxaa qayb ka a waalidiinta aysan wali carruurtooda guurka gaarin taasii oo looga dan leeyey in ay helaan dhaqaale ay si kale uga faa’deysan karaan.

Buluugo waxay sheegtay in ay doonayaan in qorshe ganacsi ay ku soo daraan nimaamkan ay wadaan oo ka gudbaan aroosiinta qoysaska.

” Hadda waxaan yeelnaa raashinka waxaan kasoo qaadanayaa dukaan, Xoolaha waxaan kasoo iibsanaa suuqa xoolaha, aroos-walba oo gelaya waxaan gadanaa baati, waxaas dhan waxaan rabnaa in horumarka aan gaarno sanadka dambe hamiga aan rabno, dukaamo anaga aan leenahay oo dhaqaalaha noo soo xereenaayo, ari anaga aan leenahay oo dhaqaalaha anaga nagu soo noqonaay, waxaan rabnaa bacadle anaga aan leenahay baatigii aan meel kale kasoo gadan lahayn,” ayay tiri Buluugo.

Maxamed Xasan Cabdi waa 23-jir ku nool xerada qaxootiga ee Xagardheer, wuxuu ka mid yahay dhallintada ku reerowday barnaamijka dhaqaale wadaag ah. Maxamed waxaa uu aqal galey bishii May ee sanadkan, isaga oo ay dhaqaalaha arooska uga baxay ay bixisay dalladdan.

Maxamed waxaa uu Raadiyow Ergo u sheegay in hadda ka hor uu dhaqaale la’aan awgeed uga haray gabadh uu xiriir la lahaa kadib markii ay eheladeedu dhib sadeen xiriirka uu la lahaa oo wakhti dheer qaatay.

” Qofku soo doono gabadha marka uu ku yiraahdo, wax la’aan guriga lama tago waayo waxaa loo baahan yahay reerkaa in aad geyso sooryo iyo gogol-tag wax la yiraahd ayaa jira, naga so doon markii lagu yiraahd macneheedu waa guriga imaow, akhyaar soo dirso, dee haddii akhyaar la diro na wax la’aan meesha in la tago maaha, waa in aad sooro geysaa,” ayuu yiri Maxaed oo soo dhaweeyay habkan cusub ee iscaawinta ah.

Dhismaha  qoyska Maxamed waxaa ku baxay 1700 oo doolar oo u ka helay dalladan.

Iskaashigan ayaa ah mid faa’iido badan u leh qoysaska ku nool qaxootiga oo aan awoodin dhaqaalaha guurka iyo howlihiisa.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA ARBACO, 24 JULY 2019

Next Post

Ku dhawaad 2000 oo qoysas xoolo-dhaqato ah oo ku soo barakay magaalada Buurdhuubo

Related Posts

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Cayayaan iyo biyo la’aan qasaare galiyay beeralayda deegaanno ka tirsan Sool

February 7, 2026
Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 5, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhoobley: Qoysas barakac ah oo abuurtay il-dhaqaale oo lagu garab-siiyay

February 2, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Waayeel iyo dad nugul oo looga guuray deegaan roob la’aan ah oo Hargaysa hoostaga

January 30, 2026
Next Post
Qoysas ka soo barakacay fatahaadda webiga Jubba oo gaaray Afmadow 28 June, 2016

Ku dhawaad 2000 oo qoysas xoolo-dhaqato ah oo ku soo barakay magaalada Buurdhuubo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-FEB-2026

IDAACADDA 07-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-FEB-2026
February 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-FEB-2026
February 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-FEB-2026
February 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-FEB-2026
February 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo