Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Boqollaal muruq-maal ah oo nolol adag ku wajahaya Dhadhaab 

Radio Ergo by Radio Ergo
July 21, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Boqollaal muruq-maal ah oo nolol adag ku wajahaya Dhadhaab 

Qaar ka mid ah muruq-maalka ka shaqeeya dhismaha ee xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya/ Axmed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ragga muruq-maalka ah ee ka shaqeeya dhismaha ee xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa shaqo la’aan ah tan iyo bartamihii bishii May markii uu soo baxay warka sheegaya in Agoosto la xirayo xeryahaas.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegeen in dadka ku nool xeryaha Dhadhaab ay ka joogsadeen in ay wax dhistaan.

Xoogsatadan ayaa aroor-walba isugu taga meelo gaar ah oo ay ka raaci jireen dadka wax loo dhisayo. Howlaha dhismaha iyo dayactirka guryaha, goobaha ganacsiga, xaruumaha caafimaadka iyo kuwa waxbarashada ayay ka faa’iidaysan jireen, waxaana ay ahayd shaqo suuq wacan leh warkaan ka hor.

Cabdixakiin Cismaan Maxamuud wuxuu shaqadan inta aysan istaagin uu maalintii ka heli jiray $15, waa kharashka ay qoyskiisa oo 15 qof ka koobani ku tiirsanaayeen. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in ay wajahayaan nolol adag oo aysan hadda isaga waxba soo gelin.

Cabdixakiin oo 45 sano jir ah wuxuu sheegay in xaaladdani ay tahay tii ugu adkayd ee weligiisba uu arko, wuxuu sheegay in uusan hore u arag saboolnimo tan la mid ah.

“Weligay adduunyada waa wixii iigu yaab badnaa oo i soo marey, aabbahay hadda wuu dhintay hooyaday baa nool, balse hooyadey waxaan ku biilo iska dhaafe ciyaalkii aniga aan dhalay baa igu kor oynaya oo shaah la’aan, sokor la’aan, caddeys la’aan wax-walba way oynaayaan, markaa ilmihii baa igu oonaaya meel geeyo na ma garanaayo raashin la’aan Koosaar la’aan dhibaato” ayuu yiri Cabdixakiin.

Hay’adda WFP oo kaashanaysa Hay’adda kale Care ayaa dadka xeryahaas ku nool waxay bil walba qofkii siiyaan saddex kiilo oo haruur ah, saddex kiilo oo Sarreen (qamaddi), hal kiilo oo misir ah, Kiilo salliid ah, lacag $4 iyo hal xabo sabuunta dharka lagu dhoqo ah, taasise ma ahan mid ku filan nolosha qoysaska u balaaran sida qoyska Cabdixakiin.

Muddo shan sano ah ayuu xifaddan si iskiis ah ugu shaqaysanaayay Cabdixakiin, markii ay xilligaas joogsadeen shirkado qandaraasyo dhisme ka samayn jiray xeryaha oo uu la shaqayn jiray.

Xirfadleydan ayaa muujinaya in shaqo la’aantani ay tahay tii ugu adkayd ee ay arkaan intii ay xirfadan kaga shaqaynayeen xeryaha.

Cabdulqaadir Cabdullahi Xaaji Khamiis oo ah aabbaha toddobo carruur ah wuxuu sheegay in shaqada dhismaha ay ahayd isha keliya ee dhaqaale ee uu lahaa.

Wuxuu lacag u la’ yahay lacagta carruurtiisa oo dhigta iskuullo aan bilaash ahayn oo diini ah.

Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in shaqo la’aantani ay qoyskiisa ka dhex abuurtay khilaaf uu maarayn la’ yahay.

“Markaa dhib maahee wax faa’iido ah oo aan ku sheegayo ma jiraan, saaka oo u dambeysay saaka baan ku soo baxay xaafadda lacag bil keen (lacagta iskulka), tii dhuuntaaba laysku haystaaye xagee ka keenaa lacag bil ah. dhibka jiraa intaa ayuu la eg-yahay,” ayuu yiri Cabdulqaadir.

Xoogsatadani waxay ka fekerayaan waxa dhici doono bisha Agoosto markaas oo la leeyahay waa marka ay xeryuhu xirmayaan doonaan.

“Xeryahan qaxootiga bisha 8aad haddii la xiro, anaga meeshii aan afka aadin lahayn (aadi lahayn), meeshii anagu ilmaha aan la aadi lahayn oo aan ku noolayn lahayn tan aan ilaa hadda la fekerayno waa taa. Weliba baaba iyo kalatag in ay imaanayso waayo hadda oo aad caruurtii wax u waysan tahay,” ayuu yiri Cabdulqaadir.

Kalsoonida deggenaasho ee qaxootiga iyo dhaqaalaha xeryaha Dhadhaab ayaa hoos u socday tan iyo sannadkii 2014-kii markaas ay dowladda Soomaaliya, Hay’adda UNHRC ee qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey iyo dowladda Kenya ay wada saxiixdeen heshiis oggolaanaya in qofkii ku noqonaysa Soomaaliya laga caawiyo safarka dib u noqosho iyo dib u dejinta halka uu tago.

Dadka xeryahan ku sugan waxay u badan yihiin kuwa aan doonayn in ay dib ugu noqdaan Soomaaliya oo aan kalsooni ku qabin nabadgelyada meelaha ay ku laabanayaan.

Cabdixakiin wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in xaaskiisa yar, afarteeda ilme iyo wiil bah-gooni rajay ah oo uu dhalay ay Kismaayo ku noqdeen sannadkii hore, balse uu wiilkiisu ku dhintay is rasaasayn uusan shuqul ku lahayn, taas oo keentay in qoyskiisu dib ugu noqdeen xeryaha iyagoo aan xilligan ka mid ahayn diiwaanka qaxootiga isla markaasna aan haysan guri iyo card rasmi ah oo qaxootinimo.

Maamulka Xeryuhu waxay sheegayaan in aysan dowladdu la socodsiin go’aankeeda ku aadan xilliga xeryaha la xirayo.

Bishaar Xuseen Calas, guddoomiyaha guud ee xerada qaxootiga ee Xagardheer, wuxuu sheegay in warka sheegaya in dowladda Kenya ay xeryaha xirayso ay warbaahinta ka maqleen.

“Noloshooda waa saamaynaysaa haddiiba subaxdii qofkii intuu soo boxo qof uu wax u dhisayo aanu jirin, naftiisa iyo qoyska oo dhan saamayn weyn bay ku yeelanaysaa, waa shaqo la’aan aad u xun, aad bay u saamaynaysaa, noloshana aad bay uga sii dari kartaa, aad baan arintaa laftayadu uga xunnahay,” ayuu yiri guddomiyaha.

Daahir Maxamed Cali oo u dhaqdhaaqa qaxootiga isla markaasna tan iyo 1992 deggenaa xeryaha, ayaa qaba in aysan sidaas u fududayn in mar kaliya albaabada la isugu dhufto xeryaha oo hadda u muuqda magaalooyin ka mid ah Kenya.

“Waxaad moodaa in aan niyaddu deganayn, saamaynta ugu badan ee ay hadda leedahay hore nooma ay soo marin? Waayo deyntii baa la isku aamini la’ yahay, gurigii albaabkii kaa jabey kuma diiranaysid inaad iska sameyso,” ayuu yiri Daahir oo walaac ka muujinaayo sida dadka xeryaha ay u laab-kaceen.

Previous Post

IDAACADA MAANTA SABTI 20 JULY 2019

Next Post

Halkan ka dhegeyso wareysi ku saabsan deegaanka iyo shimbiraha

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Next Post
Baydhabo: Suuq ay sameysteen dad soo barakacay

Halkan ka dhegeyso wareysi ku saabsan deegaanka iyo shimbiraha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-MAY-2026

IDAACADDA 26-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-MAY-2026
May 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo