Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Boqollaal haween ah oo ay fursad siisay ilaalinta qoondada shaqaalaynta ee Somaliland

Radio Ergo by Radio Ergo
July 30, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Hargeysa: Shir weynaha haweenka Somaliland oo maanta la qabtay

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Lix boqol iyo lix hablood ayaa markii u horreysay ka faa’ideystay shaqooyinka dowladda oo haweenka kooto loogu xidhay lixdii bilood ee u dambeysay. Qorshahan ayaa kor loogu qaadayaa saamiga dumarku ku leeyihiin jiraan shaqaalaha dowladda oo yar.

Farxaan Aadan Haybe oo ah guddoomiyaha Ha’yadda Shaqaalaha Dowladda Somaliland ayaa sheegay in kor loogu qaadayo haweenka soo codsada shaqooyinka ay baahiso dowladdu. Shaqo kasta oo dowladdu ay soo xayisiiso waxaa qoondada haweenka loogu xidhay in ay ku yeeshaan 30%.

Guddoomiyaha ayaa xusay in imtixaankii u dambeeyay ee wasaaradda xanaannada xoolaha Somaliland oo labaatan shaqaale ah ay ku qaadanayeen ay habluhu ka heleen lix iyo toban qof oo xeerkani ka dhaqan galay xukuumadda. Waxaa uu sheegay in dhiirigelin ay u tahay hablaha wax-bartay horumar.

“Waxaanu ogaanay xeerka shaqaalaha dowladdu si fiican uma qeexayo xaqsiinta dumarka iyo ragga, waxaanu aragnay in meelaha laga shaqeeyo ay dadka ku badan yihiin, dumarkii aqoonbay yeesheen oo jaamacadaha ayay kasoo baxayaan ragiina waala tartamayaan, annagoo taasi ka duulayna ayaa shaqooyinka u xidhnay.”

Shaqaalaha dowladda oo ah lix iyo toban kun shan boqol iyo toddoba iyo afartan (16,547) qof ah waxaa ay dumarku ka yihiin 4135.

Muhiim Cabdilaahi Cumar oo labadii bilood ee u dambeeyay ka shaqeynaysa Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland waxaa ay sheegtay in ay ku dhiiratay markii ay maqashay in hablaha si gaar ah loo tixgalinayo marka ay galayaan imtixaannada shaqooyinka dowladda lagu galayo.

Muddo afar sano ah oo ay bilaa shaqo ahayd ayay xustay in lix imtixaan ay u gashay shaqooyin la soo xayisiiyay oo kuwa isugu jira dowli ah iyo kuwa gaar ah balse aysan ku guuleysan ee kaalmaha oo ay kaga horeyn jireen wiilashu.

“Shaqooyinka marka ay dad badani soo xareystaan inta badan kumaannaan soo bixi jirin, rag badan oo dhallinyaro ah ayaa nala tartami jiray, sidaasi ayaan ku hadhi jirnay, marna ismaan laheyn shaqo ayaad heli adigoo wax soo bartay,” ayay tiri Muhiim oo wada

Waxaa ay kuliyadda caafimaadka xoolaha ka dhammeysay jaamacada Golis sanadkii 2015. Hadda waxaa ay xustay in hablaha kale ay ku dhiirigeliso in ay shaqooyinka soo xareystaan si ay uga faa’ideystaan tirada qoondada loogu xidhay haweenka.

“Aniga iyo dad kale wayna dhiiri galisay arrintan oo haddaba waanigaa shaqeysanaya, shaqadu wax walba oo aan u baahan nahay iyadaa iga dabaraysa. waxaan soo barta in aan dadkayga ku celiyaana waa fursad kale oo aan dadkayga iyo dowladaba ugu shaqeyn lahaa, qof wax soo-bartay oo ilaa jaamacad laga bixinayay waxbarashadiisa, waad garan kartaa dhibta ku dhacaysa dhinaca xaafada iyo noloshiisaba,” ayay tiri.

Dumarka ka shaqeeya xafiisyada dowladda waxaa ay u badan yihiin xoghaye iyo shaqaale hoose hase yeeshee xeerkan ayaa hadda siinaya in ay shaqo kasta u tartamaan sida uu sheegay Raadiyow Ergo u sheegay Farxaan Aadan.

Hibo Maxamed Cabdilaahi oo ku nool magaalada Boorama waxay ku soo baxday shaqo loo xayisiiyay saddex boqol oo dhalinyaro oo hablaha qoondo loogu xidhay sagaashan shaqo.

Qoyskooda oo ka kooban siddeed qof oo ay iyadu ugu weyn tahay ayay sheegtay in ay ku masruufayso $200 oo ay ka qaadato Wasaaradda Beeraha oo ay la taliye uga tahay xafiiska magaalada Boorama.

“Waxaan gaadhay shaqo aanan marna is laheyn waad ku soo baxaysaan laakiin markii la yidhi shaqooyinkaasi haweenka ayay khaas u yihiin ayaan u tartamay, ilaahay dartii waan ku guuleystay oo waanigaa maanta isuduwaha la taliye u ah, Awdal marna gabadh kama noqon la taliye wasaaradeed amma xafiis,” ayay tiri Hibo.

Hibo oo culuumta beeraha ka baratay jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama ayaa xustay in haddii sidan loo sii wado barnaamijkan ay habluhu raga kagga badnaan karaan goobaha shaqooyinka.

“Aniga iyo walaalkay xaq ayaan u leennahay in aan shaqo wada helno oo isku mid ayaa nahay, taas ma jirin, hadda in la rabo ayaa noo cadaatay oo meel walba aan ka shaqeyn karno, waxaan leeyahay hablaha shaqo kasta oo la soo xayisiiyo ka faa’ideysta oo tartama,” ayay tiri Hibo oo dhirigelinayso hablaha kale ee aan shaqo la’aanta ah.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA, TALAADO 30 JULY 2019

Next Post

Xeerka qoondada ee Somaliland oo shaqo abuur u sameeyay haween

Related Posts

blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 4, 2026
Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
Next Post
Haweenka Somaliland oo maanta shir weyne ku qabsaday magaalada Hargeysa

Xeerka qoondada ee Somaliland oo shaqo abuur u sameeyay haween

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-JUN-2026

IDAACADDA 04-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo