Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

36 carruur ah oo nafaqo darro loo seexshay isbitaalka Hargeysa

Radio Ergo by Radio Ergo
July 25, 2019
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
36 carruur ah oo nafaqo darro loo seexshay isbitaalka Hargeysa

Qaar ka mid ah carruurta la keenay isbitaalka guud magaalada Hargeysa/Ilyaas Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – In badan 30 carruur ah oo ay haysato nafaqa daro darani ayaa la soo gaarsiiyay Isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa tan iyo billowgii usbuucaan.

Carruurta hadda jiifta isbitaalka ayaa waxaana laga kala keenay xeryaha barakaca ee gudaha Hargeysa iyo deeganada miyiga.

Xaafadaha barakacayaasha ee Daami, State House, Cakaara, Naasahablood A iyo B iyo Sheedaha laga keenay carruurtan inta badan.

Dr Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cismaan madaxa qeybta nafaqeynta cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaa Raadiyow Ergo u sheegay  in ilaa 36 carruur ay haysato nafaqa darro darani.

Dr Cabdiraxmaan waxaa uu sheegay in badanka caruurta ay ku daweeyaan qeybta nafaqeynta ee isbitaalka in aysan helin caanaha naaska ee hooyada taasina ay keentay in xilli kasta ay nuglaadaan in nafaqo daro ku soo noqnoqota.

“Maalintii ugu yaraan siddeed qof ayaa la keenaa, waxaa keenay (nafaqa daradani) xilligan oo roobabkii lagu jiro iyo abaaraha jira, sidoo kale nafaqo darada inta badan carruurta aan daweynayno waxaa la siin caano iyo irbado,” ayuu yiri Dr Cabdiraxmaan.

Caruurta caanaha la siinayo waa bilaash oo waxaa cisbitaalka ugu deeqday haayada qaramada midoobay u qaabilsan ilaalinta caruurta ee UNICEF.

Maalintii siddeed goor ayaa caanaha la siiyaa caruurta nafaqo daro hayso ee ku qeybta nafaqeynta caruurta ee Isbitaalka Hargeysa.

Cibaado Liibaan Guuleed wiil iyo gabadh mataano ah oo lix bilood jira ayay cisbitaalka ku haysaa maalintii lixaad. Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in matag badan ay yeesheen kaddibna ay waxba u cuni waayeen, sidaana ay ku keentay Isbvitaalka.

Cibaado waxaa ay ka timid xerada barakaca ee Naasahablood B, hadda waxaa ay sheegtay in ay ka soo raynayso xaaladda labada carruur ah oo sanka ka qaadanaya caanaha lagu soo celiyo nafaqada carruurta.

“Shubankii iyo matagii way joojiyeen, siddii hore way dhaammaan oo muddada aan ku jiray, waxaad moodaa in ay sidii hore ka fiican yihiin,” ayay tiri Cibaado oo ah hooyo haysato sagaal carruur ah.

Nolosheedu ku tiirsan tahay wixii ay ka soo hesho xaafadaha ay dharka u dhaqdo, balse hadda waxaa ay kaga timid caruurta intoodii kale xaafad la jaarka ah. Mudada ay ka soo maqnayd waxaa ay sheegtay in aan ay war ka ahayn xaallada ay ku sugan yihiin,

“Caruurta anigaa u hooyo iyo aabbe ah, meel kale oo wax ka soo galaan may jirin, boqol kun ayaan soo heli jiray oo aan siin jiray, inta aan halkan joogay wax ay ku noolyihiin alle ayaa og,” ayay tiri Cibaado oo ka walwalsan xaalka carruurta ee ay xaadfada uga timid.

Aamina Axmed Sugule, waxay ka timid Carmale oo magaalada Ceerigaabo 45KM ka xigta dhinaca beri, qeybtan nafaqeynta ee isbitaalka weyn waxaa ay keentay gabadh yar oo afar jir ah shan maalmood ka hor.

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in gacmaha ay ku siday markii ay isbitaalka keenaysay gabadheeda balse hadda ay roontahay.

Isbitaalka Ceerigaabo ayay sheegtay in uu ku soo wareejiyay mid ka guud ee magaalada Hargeysa.

Si ay ilmaheeda uga daweyso nafaqo daro waxaa ay halkan u soo socotay habeen iyo maalin ay safar gaadhi ku soo jirtay.

“Marka ay laba habeen jirtay ayuu matagu ku bilaabmay laakiin maanta way wacan tahay, waa markii saddexaad ee aan yimaado Isbitaalada, xaalladdeedu balaq ayay ahayd markaan keenay laakiin hadda waataas fadhida,” ayay tiri Aamina oo ah hooyada sagaal caruur ah oo markii u horeysay nafaqo daro kaga dhacday gabadheeda ugu yar.

Lacagta ay ku soo raacday gaariga waxaa ka soo bixiyay odeygeeda oo ka shaqeeya Carmala.

Markii uu  buuxsamay waadhka caruurta lagu daweynayo waxaa dibada bukaanada qaar ay jiifaan taandhooyin ku yaala daarada hore ee dhismaha isbitaalka.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA, KHAMIIS 25 JULY 2019

Next Post

Qoysas barakacay oo gaaray Muqdisho

Related Posts

Pastoralists with nothing left descend on Lasanod town and surroundings in Sool
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas ka fursan waayay xaaladda barakaca oo Laascaanood ku wajahaya nolol xumo

February 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas barakac ah oo iskaashi dhaqaale uga baxay nolol xumo ku haysay Baydhabo

February 9, 2026
Women leaving their children behind in drought-hit rural villages to seek jobs in Mogadishu
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween ku xoolo-beelay abaarta oo Muqdisho u tagay shaqo xoogsi ah balse ku hungoobay

February 7, 2026
Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gedo: Dab ganacsi la’aan iyo nolol xumo biday qoysas barakac ku ah Doollow

February 5, 2026
Qoysas ku barakacay Godinlabe oo wajahaya nolol adag markii xoolo la’aan ay noqdeen
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku barakacay Godinlabe oo wajahaya nolol adag markii xoolo la’aan ay noqdeen

February 4, 2026
Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah
Beeraha Iyo Xoolaha

Dagaalka iyo abaarta ka jira Puntland quus geliyay qoysaska barakaca ah

February 3, 2026
Next Post
Dadkii laga burburiyay xeryaha KM 13 oo weli bannaanka daadsan

Qoysas barakacay oo gaaray Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-FEB-2026

IDAACADDA 11-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-FEB-2026
February 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-FEB-2026
February 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo