Qoysaska xoolo-dhaqato iyo beeralay ah oo ka soo barakacay gobol Bay

0
Kaydka sawirrada/Ergo

(ERGO) – Boqollaal qoys beeralay iyo xoolo-dhaqato oo ay saameeyeen roob-yarida oo ka jirta qaybo ka mid dalka ayaa ka soo barakacaaya degmooyinka Qansaxdheere, Diinsor, Bardeele iyo Buur-hakaba ee gobolka Baay.

Qoysaskan ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo gaarayay xeryaha ku yaala magaalada Baydhabo oo ay ku nool yihiin qoysas horay uga soo barakacay abaaro.

Roobkii guga ee sanadkan iyo kii deyrta ee ka horreeyay oo aan si wanaagsan uga di’in deegannadan ayaa saameeyay wax-saasaarki beeraaha oo ay qoysas badan ku tiirsanaayeen.

Gudoomiye ku-xigeenka degmada Baydhabo, Aadan Carab ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in bilihii Juun iyo Julaay ay magaalada soo gaareen in ka baan kun qoys. Qoysaskan imaanaya ayaa u badan beeralay inkastoo ay ku jiraan qaar xoolaley ah oo abaarihii ku cayrtoobay.

Gudoomiye ku xigeenka waxaa uu sheegay in ay socdaan qorshayaal loogu gurmanaayo dadkan cusub ee abaaraha ka soo barakacay. Isagoo sheegay in kaalintooda tahay soo dhaweynta qoysaska imaanaya iyo in ay ku ogaadaan dhulka ay degayaan si loola socda xaaladooda iyo tirada maalin kasta kusoo kordha.

Hilowlaay Cali Maxamed,  oo qoyskeedu ka kooban yahay lix ruux oo beeralay ahayd ayaa ka mmid ah qoyskas. Waxay ka so barakacaday  deegaanka Deeb-weyne oo hoostaga degmada Qansaxdheere. waxay soo lugeyneysey iyada iyo lix qoys kale seddax maalin, iyadoo caruurta soo saartay gaari-dameer ay wadatay halka dadka waaweyna lugeynayeen.

Hilowlaay waxay Raadiyow Ergo u sheegtay in aysan wadan wax sahey ah sida  biyaha iyo cuntada, muddadas  ayay sheegtay in hadba tuulooyinka ay soo marayeen ay dadka degan waydiisanayeen in ay ku caawiyaan biyo ay cabbaan. Waxay ku jirtaa Kaamka cusub ee Qansaxdheere ee barakacyasha cusub hadda soo dageen oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo.

“Waad noo jeedaa, waxaa ii dhisan aqal yer geedo iyo maro keliya ka dhisan. Dhaxanta iyo boobka xagaayga da’aya nagama celiyo, toban maalin ayaan joogaa. Nolol ma heysano halka wakhti waa nagu dhib, aniga xaabo ayaa duurka u doonaa, marka keeno toban kun oo shilin ayaan ka helaa, sonkor shah ku karsano iyo Rooti hadii noo gooyaan waa nasiib,” ayay tiori Hilowlaay oo xustay in ilaa hadda aysan helin wax-gargaar ah.

Seddex xilli roobaad ma jirin wax-abuur ah oo u soo baxay inkastoo ay isku dayeen haddana roobka oo yaraa awgeed waxba uma soo bixin. Kaydadkii ugu danbeeyey ee ay haysteen ayay abuur ka dhigateen beeralayda balse wuu  ka qalalay.

Hilowlaay oo ka mid ahayd dadkaas ayaa iyadu abuurtay beerteeda oo 8 higtar ah lakiin ku hungoobday taasna keentay in ay nolol  u soo raadsato magaalada Baydhabo.

Misago, galay iyo dayaa ayaa u bixi jiray xilliyadii hore.

Qoysaska cusub ayay ka muuqatay daruuf iyo dhibaato dhaqaale taa ooay weliba u sii dheer tahay in aysan xerada ku heysan noloshii ay islahaayeen waad ka heleysaan Baydhabo. Waxaa ku adag in ay helitaanka biyaha, cuntada iyo iyagoo aan heysan Musqulo ay isticmaalaan. Sida uu maamulka sheegay xeryahaan ayaa biyo aanan ku filnayn ka heo booyado loo soo ijaaray.

Maxamed Nuur Maxamed isaga iyo caruurtiisa todobada ah,mudo toddobo maalin ah ayaa ku qaadatay iney kusoo gaaraan Magaalada Baydhabo,iyagoo soo lugeeyey 90KM oo Baydhabo iyo Qanaxdheere u dhaxeysa,iyagoo marba meel kusoo nasanayay.

Sida uu Raadiyow Ergo uu sheegay, Maxamed caruurta dhabarkiisa ayuu marba mid ku soo xanbaarayay wiilkiisa caruurta iyadoo la soo kulmeen rafaad iyo gaajo.

“Haraad iyo Gaajo wax la sheego ma ahan, kaliya dhimasho ayaa ka soo bad baadney. Anaga dadka waa weyn sidii anagoo sooman ayaa xaaladad kaga soo gudubnay, cid inta aan soo soconay na caawisay ma arkin, caruurta marba nacnac kulayl ayaan afka u gelinaynay,” ayu yiri Maxamed.

Sacido Sheekh Cali waxay ka mid tahay qoysaska cusub ee dhowaan ka soo barakacay degmada Diinsor ee Gobalka Bay. Waxay wadataa afar caruur ah oo aabahooda dhintey, Iyada iyo afar qoys oo kale ayaa gaari-dameer kaga soo baxay degmada Diinsor. Aqal laba mitir ah oo dhaxdiisa darin dhamaad ah ku fidsan tahay ayaa kaamka uga yaal kaa oo aan ka celinayn qabowga iyo dhaxanta jirta.

 

Post your comments

Jawaab ka bixi

Please enter your comment!
Please enter your name here