Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Puntland oo dhul loo seereynayo xoolo-dhaqatada si ay jiilaalka ugu baxsadaan

Radio Ergo by Radio Ergo
June 24, 2019
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Puntland oo dhul loo seereynayo xoolo-dhaqatada si ay jiilaalka ugu baxsadaan

Kaydka sawirrada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Deegaanno ka tirsan Puntland ayaa dadka iyo maamulka oo iska kaashanayan in ay seeraynayaan dhul daaqsimeed, si loo maareeyo dhulka xooluhu daaqayaan xilligaan gu’ga.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Puntland, waxaana tallaabooyin xirmaynta ah laga bilaabay gu’agan dhul-daaqsimeedyo hoostaga degmada Buuhoodlesida.

Isu-duwaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Puntland ee gobolka Cayn, Cabdillaahi Jaamac Ismaaciil ayaa sheegay in qorshuhu yahay marka dooxadda la furo ay xooluhu daaq dhereg leh ka helaan saddexda bilood ee xiga furitaanka.

Waxaa sidoo kale hadda iyana la xiray dooxada Dharoor ee gobolka Bari markii labaad.

Dooxadaan oo ka mid ah kuwa ugu waa weyn dhul daaqsimeedka ku yaal Puntland.

Waa hab lagu tashiilayo daaqsinka looguna adkaysanayo abaaraha soo noq noqday oo ay bulshada iyo maamulka deegaankaas go’aansadeen soona bilaamay 2017 isla markaasna ay sannadkaasta fuliyeen.

Xiritaanka dooxooyinkaani wuxuu ahaa go’aan ka dhashay dhibaatadii adkayd ee abaartii 2016 ilaa 2017 oo deegaankaas si ba’an u saamaysay xoolaha.

Dowladda ayaa muhiimad weyn u aragta dhaqdhaqaaqa bulshada Dharoor.

“Hadda tijaabadii koowaad baan qaadanay anagoo ka tusaale qaadanayna dooxadii Dharoor. Dadku hadda gobol ahaan iyo degmo ahaanba waa ku baraarugsan yihiin. Laba goobood oo midiiba 5km oo dherer iyo balac ah ayaana la silig lagu xiray bartamihii May,” ayuu yiri.

Cabdilaahi wuxuu sheegay in ay goobahay xireen ay ka soo baxeen dhir.

Dooxada Dharoor oo ahayd tii seerayntu ka soo bilaabatay waxaa iyana markii labaad la xiray horraantii 15kii May. Waxaana qorshuhu yahay in la furo 21ka Luulyo, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka Puntland.

Dharoor oo dhererkeedu 70 km halka ballaceeduna yahay 30 km xilligaan gu’ga si wanaagsan ayey u roobsatay.

In ay hir gasho xirnaanshaha dooxada Dharooreed waxaa suuro geliyey ciidamada booliska degmada Isku-shuban ee ay dooxaddu hoostagto iyo kuwa madani ah oo xoola-dhaqatada deegaanku leeyihiin.

Duqa degmada Isku-shuban Maxamuud Ismaaciil Ciise oo jooga Dharoor, wuxuu u sheegay Raadiyow Ergo in ay khibrad wanaagsan ka heleen xiritaankii dooxadda ee xaggaagii 2017.

“Odayaasha iyo waxgaradka ayay arrintani ka timid, iyagaan gelinsiinnay. Waxayna ogaadeen sida ay ugu badbaadeen sanadkii hore halkaas casharkaas ka barteen ka bacdina iyagii baan ku celinay. waan isku raacnay qoraalanna waan kala qoronnay,” ayuu yiri Maxamuud.

Maxamuud wuxuu sheegay in arrintaas sahlayso in dooxaddu samayso daaqsin lagu sugi karo gu’ga, xataa hadii roobka dayrtu uu soo daaho aan xoola-dhaqatada ku khasbaanaanayn in ay meel kale u hayaamaan.

“Waxaa ka mid ah badbaadinta deegaanka in deegaankii la badbaadiyo oo uu nasto. Ujeedka kale wuxuu yahay dadku in ay ku daydaan in dooxooyinka qayb la xirmeeyo oo xooluhu markay dhulka kale soo daaqaan iyada ay ku soo nastaan oo daaqaan,” ayuu yiri Maxamuud.

Dhinaca muuhimadda dooxaddan, marka laga yimaado dooxadda Nugaal, Dharoor waa dooxada labaad ee ay ka baxaan dhir-daaqsimeedka kala duwan oo xoolaha ku ciyilaan haddii ay cunnaan.

Xoolo-dhaqato isaga yimi buuralayda gobolka Bari, dhinaca dooxooyinka Karkaar ee degamada Qardho ayaana xilliyada barwaaqada usoo doonta dhirtaas dooxooyinkaasi caanka ku yihiin.

Dhirtaas waxaa ka mid ah geedka Daranta oo ah geed dhanaan oo xooluhu daaqiisa aad u jecel yihiin.

Maamulka degmada Isku-shuban waxay 10 kun oo qoys ku qiyaaseen dadka dooxadda isugu soo hayaamay jiilaalkii 2018, si ay daaqsin uga helaan harraadiga xirmadii hore, kagana soo samata baxay jiilka.

Axmed Cabdullahi Cali oo ka mid ah xoola-dhaqatada Dharoor, wuxuu ka faa’iidaystay seerayntii dooxada Dharoor ee sanadkii hore.

Haatan waxaa u jooga tiro adhi ah oo jir ahaan aad kabtay, waxay daaqayaan meel 30 km u jira dooxadda, isagoo quud daraynaya in uu dib dooxada Dharoor ugu noqdo marka la furo.

“Haddeer baa roobkii da’ay, xooluhu waa qurux badan yihin, quruxduna waa sii siyaadaysaa. Cayilka iyo caanuhuba haddii Alle idmo waa la heli,” ayuu yiri Axmed.

Axmed sidoo kale waa aabaha qoys ka kooban saggaal qof.

Afar ka mid ah carruurtiisa ayaa wax ka barta tuullada Dharoor kuwaa oo uu lacagta waxbarashadooda uu ka debero xoolaha uu miyiga ku dhaqdo oo uu marba mid u iibiyo.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA – ISNIIN 24-JUNE – 2019

Next Post

IDAACADDA MAANTA, ARBACO, 26-JUNE– 2019

Related Posts

Danyar ku nool Soomaaliland oo il-dhaqaale u helay qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Danyar ku nool Soomaaliland oo il-dhaqaale u helay qoysaskooda

June 18, 2026
Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 16, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

June 15, 2026
Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
Next Post

IDAACADDA MAANTA, ARBACO, 26-JUNE– 2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-JUN-2026

IDAACADDA 18-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUN-2026
June 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUN-2026
June 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUN-2026
June 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUN-2026
June 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo