Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Maxaabiista xabsiga Kismaayo oo ka faa’iidaysanaayo mashruuc waxbaris ah

Radio Ergo by Radio Ergo
June 26, 2019
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Maxaabiista xabsiga Kismaayo oo ka faa’iidaysanaayo mashruuc waxbaris ah

Mid ka mid maxaabiista oo qaadanaayo cashar/ Axmed Cabdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Barnaamij wax lagu barayo maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo ayaa bishii shanaad ee sannadkan loo billaabay soddon iyo siddeed maxbuus oo dambiyo kala duwan ugu xiran xabsiga.

Maxaabiistan oo saddex keliya ay yaqaanneen akhriska iyo qoraalka ayaa muddo lix bil ah loo dhigi doonaa maaddooyinka Carabiga, Soomaaliga, xisaabta iyo Ingiriiska waxaana barnaamijkan si isxilqaan ah u sameeyay oo macalimiin ka ah afar bare oo dhiga jaamacadda Jubba ee magaalada Kismaayo.

Cabdinaasir Khaliif Cabdi oo ka mid ah macalimiinta fikraddan leh oo jaamacadda Jubba ka dhiga kulyadda cafimaadka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in barnaamijkan uu ka caawinaayo maxaabiista in ay ka faa’iidaystaan waqtigooda.

Cabdinaasir ayaa in taa ku daray in macalimiintu ay waqtigooda ugu tabaruceen maxaabiista iyadoo hay’adda Raabi Foundation ay ka caawinayso bugaagta, qalimaanta, sabbuuradaha wax lagu qoro iyo gadiidka ay macalimiinta raacaan.

Wuxuu timaaamay in marka waxbararistani dhammaato maxaabiista la bari doono farsamada gacanta si ay ugu shaqeystaan.

“Hanaanka waxbarashada waxaan ugu tala galnay labo qaab. Marka 1-aad in ay ahaato waxbarashada aas-aasiga sida Soomaaliga, Xisaabta, English-ka, mawaadda aas-aasiga marka hore ku bilowno, mawaada aas asiga laftigeeda waxaan hormarinaynaa aqriska iyo qoraalka farta-soomaaliga, bisha Juun waxii ka danbeeya, waxaa noo bilaabmaya waxbrashada farsamada iyo xirfada. Farsamada iyo Xirfada waxaa ay ka koobnaan donaan korontada, Tuubooyinka hanaanka loo sameeyo ee loo galiyo guryaha, hanaanka mobileda loo dayactiro,” ayuu yiri Cabdinaasir.

Axmed Aadan Cabdi oo 30 sano jir wuxuu ka mid yahay dhallinyarada ka faa’iidaysanaysa waxbarashadan bilaashka ah.

Waxaa uu sheegay in uusan weligii iskuul dhigan xilliguu yaraa balse ay fursad u noqotay in uu wax ku dhex barto xabsiga magaalada Kismaayo.

Magaciisa ayuu hadda ku qori karaa farta-Soomaaliga, sidoo kale xisaabta ku-darta iyo ka-jar oo uu ka shaqeyn karo.

Axmed oo xabsiga dhexe ku xiran muddo hal sano ah wuxuu ku xukuman yahay saddex sano oo xarig ah iyo bixinta lacag dhan $490 oo uu ka xaday goob ganacs.

“Waxaan ka codsanayaa in waxbarashadda ay noo kordhiyaan. Dadka walaalaheen ah oo waxbarashadda na baraaya waan ku qanacsanahay. Wax-yaabo badan ayaa aqoon la’aantii iiga burburay,” ayuu yiri.

Axmed ayaa sheegay in isaga oo 10 sano jir ah uu ku biiray carruur ka shaqaysa qaadka oo dumarka qaadka iibiya uu u hagaajin jiray kabarka, isagoo jawaanada u dhaqi jiray si maalintii uu u helo nolol maalmeedkiisa.

Wuxuu bilaabay iibinta qaadka isagoo lacag $300 oo uu aruursaday ku furtay sandaqad uu ku iibiyo nacnaca, buskudka iyo sigaarka.

Wuxuu intaas ku daray in markii ilaa labo sano uu ku shaqaynaayay ganacsigaas uu ku qasaaray sabab la xiriirta wax qoris oo uusan aqoon darteed.

Cabdicasasiis Cumar Maxamed oo 40 sano jir ah, wuxuu rajo ka qabaa in marka uu u dhammaado xabsigiisa oo ah lix sano ah oo hadda uu qaatay labo sano iyo labo bil uu ku shaqaysto xirfadda biyo-gelinta.

“Anigga qoraalkayga waa fiican yahay masha Allaah, afsoomaaliga waan qori karaa. Waxaan jeclahay in aan barto tuubooyinka iyo korontadda. Waxaana ku doortay abbahay ayaa enjireen ah, markuu qandaraas soo qaato in aan la shaqeeyo ayan rabbaa,” ayuu yiri Cabdicasasiis.

Taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo, Maxamed Caaqib Xirsi ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horraysay ee maxaabiista xabsigga dhexe wax la baro.

“Qof maxbuus ah danbi ka soo galay bulshadda oo meesha lagu soo xidhay, in uu iskaga jiro qol mugdiya waxaa ka fiicnaatay oo aan istusnay, in qofkii waxbartay oo lagga yaabo in uu wax ka badalo cuqdadihii ku jiray iyo falalkii wax-ka badalo, oo isaga oo wanaag iyo waxbarasho qaatay meesha ka baxo,” ayuu yiri Maxamed.

Ciise Aadan Fartaag oo ah xoghayaha hay’adda Raabi foundation ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in mashruucan wajiga kowaad uu soconaayo muddo hal Sanno ah, Qorshahana uu yahay in xirfado kala duwan la baro maxaabiista.

Previous Post

IDAACADDA MAANTA, ARBACO, 26-JUNE– 2019

Next Post

Xoolo-dhaqatada oo loo dabajoogo dayntii ay abaartii galeen

Related Posts

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 2, 2026
Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday
Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Rag wadaaga fursadaha shaqo ee laga heli karo oo nolosha qoysaskooda ku filnaaday

May 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 16, 2026
Next Post
Warbixinta abaarta Bandar-beyla

Xoolo-dhaqatada oo loo dabajoogo dayntii ay abaartii galeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-JUN-2026

IDAACADDA 02-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 31-MAY-2026
May 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-MAY-2026
May 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-MAY-2026
May 29, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo