Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Laascaanood: Haween noolashooda ku maareeya gurista malmalka iyo cawska

Radio Ergo by Radio Ergo
June 19, 2019
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Laascaanood: Haween noolashooda ku maareeya gurista malmalka iyo cawska

Jamaad Faarax Maxamed, 65, ahaan jirtay reer miyi oo hadda nolasha qoyskeeda oo degan xerada Canjiid ku maaratysaa noolal-maalmeedkeeda ka heshaa iibinta malmalka/ Faarax Dubbad/ Ergo.

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waa  barnaamijkii xeryaha ee toddobaad walba aynu ku soo qaadan jirnay mid ka mid ah xeryaha lagu barakacay ee ku yaala dalka. Toddobaankan waxay ku soo qaadanaynaa xero barakac oo ku taala duleedka magaalada Laascaanood. Xeradan oo ay ku nool yihiin 216 qoys dadkeedu waxay ku tiirsan yihiin xoogsi.

Jamaad Faarax Maxamed waxay nolosha qoyskeeda ku maareysaa lacagta looga iibsado malmal ay ka soo gurto buuraha Dhidinleyda ee u dhow xerada lagu barakacay ee ay deggan tahay.

Xerada ay ku nooshahay waxay ku taallaa deegaanka Canjiid oo 20 km dhanka waqooyi ka xiga magaalada Laascaanood.

Waxaa deggan qoysas ka soo barakacay abaaro saddex sano ka hor dhacay, kuwaas oo ay noloshooda ku tiirsan tahay shaqooyin ay waaliddiintu qabtaan.

Subax kasta waxay Jamaad u jarmaaddaa shaqadeeda, iyadoo qaadata bac ay ku soo gurato malmalka. Toddobo saacadood oo ay ku maqnaato buuraha waxaa u suuragasha in ay soo hesho ugu badnaan nus-kiilo malmal ah.

Jamaad marka ay suuqa geyso malmalka looga iibsado ugu badnaan 200,000 oo shilin Soomaali ah una dhiganta 7 dollar. Waxaana ka iibsatada ganacsato u iibgeeya malmalka Isutaga Imaaraadka Carabta. Malmalka ayaa laga sameeyaa saliido,waxaana lagu daraa daawada cadayga ilka. Xilliga jiilaalka ah ayaa xoogiisa la helaa. Sida bila Decembar, Janaayo iyo ilaa  Abril ee diraacda iyo sidoo kale bilaha Juunyo, Luulyo iyo ilaa sebtembar  ee xagaaga.

Geedka malmalka  ayaa ah geed gaaban oo leh jirid wayn oo adag, waana geed qod-xan waawayn leh.

Jamaad ayaa Raadiyo Ergo u sheegtay in ay lugeyso ilaa 5 km si ay malmalka u soo hesho.

Sidoo kale xaabo ayay horay u soo gurataa si ay carruurta ugu karsato raashinka.

Waxay nooga warramaysaa caqabadaha ay kala kulanto shaqadaas.

“Soo-gurista malmalku waa hawl miidhan, gaajo, kulayl, harraad. Cabsi bahal in uu ku cuno ayaad ka baqaysaa sida dhidar ama dhurwaa ama nin ku qabsadaa. Nafta ayaa noo gaysay ee waa dhibaato miidhan soo gurista malmalka. Aroortii ilaa galabtii ayaan ku maqnaadaa. Mindi ayaan qaataa uu ku soo fujiyaa. Marba geed ayaan tagaa,” ayay tiri Jamaad oo ah hooyo haysata lix carruur oo ay dhashay gabadheeda gabadheeda oo 30 jir ah oo muddo saddex sano ah uu hayo xanuun dhanka dhimirka ah.

Gabadhan oo ninkeeda ay kala tageen waxaa iyada iyo carruurteeda daryeesha Jamaad.

Muddo sanad ah ayay sheegtay in ay ka shaqaynaysay soo gurista malmalka, wixii ka horreeyay waxay iyada iyo qoysaska kale ee xerada taakulo ka heli jireen hay’addo iyo dadka deegaanka.

Haweenka soo barakacay ee ay shaqadan wada qabtaan ayay tiro ahaan ku sheegtay inta ay taqaanno in ay gaarayaan ilaa 45 qof.

“Muddo afar maalin ah hadda maan soo guran malmal sababtoo ah waxaa da’ayay roob. malmalkii ku yaalay geedka dhidinka ah wuu maydhmay oo la helimaayo taasi runtii dhibaato ayay nagu tahay oo meeshii aanu nolosha ka raadsan jirnay ayuu ahaa geed-kaasi,” ayay Jamaad oo faahfaahinaysa xilliyada la helo xabagta geedka malmalka.

Jamaad waxay ka mid tahay 15-kii qoys ee ugu horreeyay ee bishii Agoosto ee 2016 degay xerada oo loogu magac-daray tuulada.

Waa xeradii ugu horreysay ee dad soo barakacay ay degaan ee ku taalla halkaas.

Dad hadda deggan halkan oo ay tiradoodu gaarayso 216 qoys waxay ka soo barakaceen deegaannada Geed-xamar, Ceel-quulle, Goosin kuwaa oo ay abaar xun ku dhufatay.

Jamaad oo 65 jir ah waxay deggan tahay buul yar oo ka sameysan dhigo iyo lool, oo caws hareeraha looga deyray, sidoo kalena dusha sare laga saaray bac.

Waxay ahayd xoolo-dhaqato ku nool deegaanka Geed-xamarey oo 15 km u jira meesha ay hadda joogto ka hor intii aysan abaarta uga dhamaan 120 neef ari ah.

Qoysaska xerada deggan waxaa dhanka waxbarashada iyo helista biyaha ka caawiya dad ka soo jeeda deegaanka oo dibadaha ku nool.

Saddex ka tirsan carruurta Jamaad waxay dhigtaan dugsiga hoose-dhexe oo xerada laga hirgeliyay. Waxay sidoo kale ka mid tahay dad ka faa’ideysta biyo-dhaamin ay qurbajoogta iskaashatay u sameeyaan xerada maaddaama uusan deegaanku lahayn ceel iyo barkado biyaha laga dhaansado.

Faadumo Maxamed Ali waa Hooyo leh siddeed carruur ah waxayna ka mid tahay qoysaska ku nool xeradan cajiid. Lix ka mid ah carruurteeda ayaa u heshay waxbarasho bilaasha kuwaas oo aan horay fursan oo kale u gelin laakiin waxay la daalaa dhacaysaa nolosha adag.

“Waxaanu nolol ahaan ku tiirsanahay iibinta malmal aan soo guro maalintii waxaan ka helaa 100 ilaa 200 oo kun oo shlilin somali ah,” ayay tiri.

Deeqa Abdiraxmaan Maxamed waxay tuulada Canjiid ee ay ku taal xeradan barakac ku haysataa meherad waxayna iibsataa mal-mal-ka muddo  laba sano ah ayay tilmaamtay in ay ka heli jirtay haweenka ku nool xerada barakacayaashu.

 

Previous Post

IDACAADDA MAANTA, TALAADO 18-06-2019

Next Post

IDACAADDA MAANTA, ARBACO 19-06-2019

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post

IDACAADDA MAANTA, ARBACO 19-06-2019

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo